Muxuu yahay tusaalaha uu Abiy u soo qaatay Somalia?

Addis Ababna (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed oo ka hadlayey xaaladda cakiran ee dalkiisa ayaa tusaale u soo qaaday dalal ay ku jirto Soomaaliya, kuwaas oo uu tilmaamay inay ka jirto khatar weyn iyo sidoo kale Afduub.

Abiy ayaa shaaca ka qaaday in wadamo badan oo adudunka ku yaallo ay ka jirto xaalad kala tagga ah ee ay haatan wajaheyso dowladdiisa, isl-amarkaana ay tahay in laga hortego oo dadaal la sameeyo, si la’isugu hayo Itoobiya oo mid ah, sidoo kalena leh awood xoogan.

Dalalka uu carab baabay Abiy ee uu sheegay inay khataraha ka jiraan ayaa waxaa ka mid ah Soomaaliya, Yugoslavia, Suuriya iyo Liibiya.

“Dalal badan oo adduunka ah ayaa soo maray khatarta afduubka iyo kala tagga aan maanta wajahayno,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha wadanka Itoobiya.

Sidoo kale waxa uu intaasi sii raaciyey “Dalalkaas waxa ka mid ah, Soomaaliya,Yugoslavia, Suuriya, iyo Liibiya, waana la afduubtay.”

Ujeedka tusaalaha Abiy oo hadal heyn badan dhaliyey ayaa waxa ay dad badan ku tilmaameyn mid digasho ah oo uu ku liidayo Soomaaliya oo haatan xulafo la’ah.

Hadalkan sidoo kale wuxuu kusoo aadayaa, iyada oo haatan Itoobiya ay jaheyso mowjado dagaal oo wejiyo kala duwan leh, sida dagaalka Tigray iyo kan Soomaalida & Canfarta.

Si kastaba Soomaaliya ayaa hadda xiriir dhow la leh Itoobiya, kaas oo sii xoogeystay 4-tii sano ee uu xafiiska joogay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo.