Wararkii ugu dambeeyey ee shirka musharaxiinta ee ka socda hotel Jazeera + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socda shirka golaha midowga musharraxiinta, kaas oo galay maalintii saddexaad.

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ka socda hoteelka Jazeera, waxaana looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha soo kodhay iyo doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa shirka maanta ku biiray ururada bulshada rayidka ah, si ay warbixin isku dhaafsadaan iyaga iyo golaha midowga musharraxiinta mucaaradka ee shirkan qabanaya.

Labada dhinac ayaa iska xog wareystay sida ay ku billowdeen doorashooyinka Aqalka Sare ee weli ka soconaya xarumaha maamullada dalka & tan soo socota ee golaha shacabka.

Musharraxiinta mucaaradka ayaa sidoo kale la wadaagay bulshada rayidka mowqifkooda ku aadan doorashooyinka socda iyo sida loo sixi karo khaladaadka ka jira meelaha qaar.

Dhankiisa guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed, Mudane Cusmaan Muxudiin Shaatax ayaa qiray in si musuq-maasuq ah, isla-markaana aan la jecleysan karin ay ku billowdeen doorashooyinka, loona baahan yahay in cadaalad uu noqdo tartanka.

Kulamada u socda musharraxiinta oo kusoo aaday, xilli xasaasi ah ayaa la filayaa in gabagabaadii laga soo saaro war-murtiyeed xaaladda guud ee dalka & doorashada.