Muqdisho (Caasimada Online) – C/qaadir Sheekh Xassan oo kamid ah Saraakiisha Mucaaradka ONLF ee Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, ayaa sheegay in Dowlada Ethiopia ay wado qorsho ay ku ciribtireyso dhammaan Soomaalida, si uu yiri ay uga faa’iideystaan Kheyraadka.
Sargaalkaani ayaa sheegay in qorshaha Dowlada Ethiopia uu yahay mid laga leeyahay dano fog, waxa uuna carab dhabay in ujeedka ugu weyn uu yahay sal balaarsi iyo helida Kheyraadka dabiiciga ah.
Waxa uu tilmaamay in dilalka ay Ethiopia ka geysato dhulka Soomaalida Ethiopia iyo kan Soomaalida kale gaar ahaan goobaha ay dalka kaga sugan yihiin uu yahay mid lagu cirib tiraayo indhayara garadka, si uu yiro Somalia looga dhigo adeege u shaqeeya Ethiopia ama shacab.
Waxa uu sidoo kale, sheegay in Dowlada Ethiopia aysan Somalia ka dagin goob waliba, markii laga reebo goobaha Kheyraadka mooye, taasina ay ugu wacan tahay Gumeysiga ay ku heyso Somalia.
Madaxda Soomaalida min Dowlad ilaa Gobol ayuu sheegay inay xogaha iyo macluumaadka dalka siiyaab kala duwan uga iibsadaan Dowlada Ethiopia.
Dhanka kale, waxa uu ka digay in sheeda laga daawado ficilada ay Ethiopia ku sahlaneyso uruursiga Kheyraadka Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

