Xog: Axmed Madobe oo 6 milyan Euro ka helay…

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa laga dhagax dhigay iskuul ay ku baxeyso dhaqaalo badan oo loo sameynayo maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland.

Dhagaxdhiga iskuulkaasi waxaa ka qeyb galay wasiiro ka socdo dowlada Soomaaliya oo wasiirka waxbarashada hogaamineysay, waxaana dhaqaalaha ku baxaya dhismaha iskuulka uu tahay mid badan.

Lacagta ku baxeyso dhismaha iskuulka oo ah mid ka badan 6,000,000,000 ayaa lagu wareejinayaa maamulka Jubbaland maadaama iskuulka laga dhisayo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Dhaqaalahaasi ayaa qeyb ka ah qoondo dowlada Soomaaliya u dajisay maamulka Jubbaland kana imaanaya midowga Yurub, waxaase la is weydiinayaa sida loogu talo galay in dhaqaalahaasi lagu bixin doono iyo inkale.

Michele Cervone D’urso oo Kismaayo kula hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in midowga Yurub uu waddo qorshe lagu sameynayo wada shaqeyn dhexmarta Midowga Yurub, Dowlada Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Midowga Yurub ayaa horey dhaqaalo badan ugu deeqay dowlada Soomaaliya, waxaana dhaqaalahaasi badankiis loo gacan geliyay madaxda dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com