25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Xog: Xasan Sheekh iyo Tuuryare oo isku dhegan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay kusoo waramayaan ilo wareed ka tirsan Villa Somalia, waxaa muran ka dhashay amni darida ka taagan magaalada Muqdisho uu u dhexeeya Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha Nabadsugida Qaran Cabdiraxmaan Tuuryare.

Muranka labada mas’uul ayaa ka dhashay itaal darida xiligaani heysata Taliyaha Nabadsugida, waxaana jira wara hoose oo sheegaya in Xassan Sheekh uu iska fogeeyay inuu difaaco Tuuryare, isaga oo sabab uga dhigay in xiligaani uu khal-khiil ku jiro xilkiisa.

Taliyaha Nabadsugida oo ku fashilmay amniga, ayaa waxa uu doonayaa in lagu sii hayo xilka, si uu usii abuurto dhaqaale, waxaana arrinkaasi caqabad ku ah xubno ka kala tirsan labada Gole ee Dowlada.

Xassan Sheekh ayaa ku mabda ah Xubnaha u ololeynaaya xil ka qaadista Tuuryare, inkastoo Xassan uu madaxa carada ka dhowranaayo.

Sidoo kale, waxaa mugdi galay xiriirkii yaraa ee u dhexeeyay Xassan Sheekh iyo Tuuryare, waxa ayna taasi soo dadajisay in Tuuryare wakhti kooban loo qabto si uu ugu diyaar garoobo xil ka qaadista.

Geesta kale, waxaa iminka baalasha laga rifay Taliyaha Nabadsugida oo u muuqda mid magac u yaal ah, ka gadaal-markii awooda uu ku wareejiyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News