Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan kasoo xiganay ilo ka tirsan BFS ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar iyo Taliyaha Nabadsugida Qaranka Tuuryare.
Kulanka ayaa la sheegayaa in lagu faaqiday Dagaalka laba kacleeyay ee u dhexeeya BFS, Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabadsugida.
Jawaari oo ka duulaaya codsi kaga imaaday dhanka Madaxweynaha Somalia, ayaa labadaasi mas’uul hordhogay in xiligaani uusan garaneynin qaab uu ku badbaadiyo islamarkaana xaaladu ay tahay mid dhabaqsan.
Jawaari ayaa labada mas’uul usoo bandhigay in arintaani xalkeeda uu yahay inay isku badbaadiyaan jeebkooda, si loo qafiifiyo culeyska jira, waxaana la xaqiijinayaa in labada mas’uul ay aqbaleen in amni darida ay u horseeden magaalada Muqdisho ay ku iibsadaan lacagaha ay ka tacbadeen dalka.
Wasiir C/risaaq iyo Tuuryare ayaa Jawaari ka dalbaday in dib ay isugu soo laabtaan, iyada oo is afgaradkooda uu noqday in Qaranka la qiyaameeyo laaluushna lagu bixiyo amni darida ay sababta u noqdeen.
Dalka ayaa xiligaani ku jira kala guur, waxa uuna mas’uul waliba ku taamayaa in wakhtiga yar ee u harsan uu dhaqaale ka abuurto dalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

