ONLF oo ku dhawaaqday xeelad cusub oo ay ku dagaalami doonto (Aqris)

Muqdisho (Caasimada Online ) – Xoghayaha guud ee Jabhadda ONLF Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Mahadi ayaa shaaciyey inay bedaleen xeeladihii dagaal ee lagu yaqiinay, kadib heshiiskii ay la galeen dowladda Itoobiya.

Xoghayaha oo Wareysi siiyey VOA-da ayaa sheegay in wax kasta oo xuquuda gobolka ah ay ku raadinayaan qaab nabdoon.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hubkii ay dhigeen, islamarkaana haatan wixii ka dambeeya ay ku dagaalami doonaan Qalinka, sida uu hadalka u dhigay.

“Qoriga, waanu dhignay, waxaanu ku dagaalami doonaa Qalinka.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Mahadi.

Arrintan ayaa qeyb ka aheyd heshiis ay horay u gaareen ONLF iyo Itoobiya, kaas oo ay ku jireen inay hubka dhigaan, ciidamadana ay ku wareejiyaan ismaamulka Soomaalida Itoobiya, iyo in ay noqdaan xisbi siyaasadeed.

ONLF ayaa hadda xafiis cusub ka furatay magaalada Caasimadda ah ee Addis Ababa, kaas oo ka shaqeyn doono arrimaha siyaasadda iyo diplumaasiyadda.

Jabhaddan ayaa tan iyo sanadkii 1991-kii u dagaalami jirtay xuquuda gobolka Soomaali Galbeed.

Isbedallada ka dhacay Itoobiya ayaa waxaa saldhig u ahaa Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo fur furay siyaasaddii lagu yaqaanay dalkaasi.

Halkaan ka daawo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb iyo Saraakiil xoog looga saaray

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho