Dhageyso: ONLF oo war ka soo saaray shidaal Ethiopia ay ka qodeyso killinka

Ururka xaq u dirirka Ogadeeniya ee loo yaqaan ONLF, ayaa ka hadlay shidaal la sheegay in dowlada Ethiopia ay kasoo saartay Deegaanka Soomaalida Ethiopia.

ONLF ayaa sheegtay inay khilaafsan yihiin go’aanka lagu soo saaray shidaalka, waxa ayna tilmaameen in shidaalka uusan aheyn mid ay leedaha dowlada Ethiopia ama shaqsiyaadka ku mideysan maamulka Soomaalida.

ONLF waxa ay tilmaantay in shidaalka uu yahay mid ay leeyihiin shacabka Soomaalida, sidaa aawgeedna ay aad uga soo horjeedan in shidaalka lasoo saaro wadatashi la’a.

Afhayeenka Jabhadda ONLF Caddaani Hiirmooge oo ka hadlaayay arrinta soo saarista shidaalka ayaa yiri ‘’Iyadoo aan la xallinin is afgaranwaaga muddada dheer soo taagnaa iyo arrinta siyaasiga ee dhextaalla Soomaalida Ogaadeenya ku nool iyo Itoobiya in hantidoodii loo gacan dhaafo oo lagu quudiyo dad kale oo Itoobiyaan ah waa gacan dhaaf waana diidannahay”

‘’Anagu Ethiopia kama mid nihin, hantida Ethiopia waxba kuma lihin, dhaqaalahooda wax kuma lihin xoog iyo qori ayaa nalagu qabsaday mana soconeyso’’

‘’Shidaalka waa inay ka faa’iideystaan shacabka maaha inay ka faa’iideystaan jihooyin kale, anagu talaabadaasi waan kasoo horjeednaa’’

Abiy Axmed, Ra’isul wasaaraha Ethiopia oo arrintaas ka hadlayay ayaa sheegay in maalinkaste la soo saari doono 450 foosto oo shidaal cayriin ah, sannadka u horreeyana la filayo in ay ka faa’iidaan hal bilyan oo doolar.

Abiy Axmed ayaa yiri “Marka ay shaqadu dhamaato ee aan ka dhoofino dekedda Jabuuti waxaan qiyaasaynaa in aan sannadkii ka heli doono siddeed bilyan oo doolar”