Patrice Evra ayaa cadeeyey inaysan Manchester City weligeedna gaari doonin kooxda ay xafiiltamaan ee Machester United.
Wiilasha Roberto Mancini ayey Red Devils gacmahooda ku weysay Premier League maalintii ugu dambeysay xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay
Waxaana uu daafaca United Evra meesha ka saaray inay mar uun Sky Blue soo gaarto xittaa hooska United xilli ay labada koox qoorta isku gelayaan bisha soo aadan isagoo yiri: “Ma jiro xafiiltan run ah oo ka dhexeeya labada koox, United had iyo jeer wey ka wanaagsaneyd City.
“Had iyo jeer waxaan nahay kooxdii koowaad oo Manchester aheyd.
“Xaqiiqda ayaa midaas ah horyaalkii ay ku guuleysteen sanadii hore waxba kama bedelyaayo arinka.”
Kooxaha ka dhisan gobolka Manchester ayaa Etihad Stadium ku kulmi doona 9ka December.
W/Q: Ahmed Jaangoan
E-mail: [email protected]
Caasimada — Somalia.