Hargeysa (Caasimada Online) ― Waxa saacadihii u dambeeyay aad loogu baahinayey baraha bulshada gabadh dhallinyaro ah oo reer Somaliland oo lagu magacaabo Suhuur Fatxi Mukhtaar oo si dhiirran Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame oo ku sugan meel fagaare ah u gudbisay dalab.
Suhuur ayaa Madaxweynaha Rwanda ka dalabtay inuu aqbalo rabitaanka bulshada Somaliland, oo isla markaana uu aqoonsado siday sheegtay dal buuxiyey shuruudihii dawladnimo.
Gabadhaasi oo kamid noqotay ka qeyb galayaasha Shirka isku xidhka dhallinyarada Afrika (YouthConnekt Africa) oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyaradda Rwanda oo taageero ka helaysa hay’ado ay ka mid yihiin UNDP.
Suhuur Fatxi Mukhtaar oo fursad u heshay inay ka mid noqoto dadka sida tooska ah su’aalo u weydiinayey Madaxweyne Paul Kagame, ayaa waxay iyadoo shucuurteedu ay aad u sarreyso tidhi “Magacaygu waa Suhuur waxaan ka imid dal la yidhaahdo Somaliland. Waxaanan kaaga mahad-celinayaa sidaad halkan (Ruwanda) noogu soo dhaweysay. Waxaan ku faraxsan nahay inaan halkan kuugu soo qadimayaa codsi ee kuma weydiinayo su’aal”.
Waxayna intaas kusii dartay “Waxaad ka warqabtaa inuu dalkayagu yahay mid nabdoon oo xasiloon. Waxa kaloo aanu leenahay dawlad shaqeynaysa, waxaannu leenahay dastuur, hase ahaatee wali aqoonsani kama aanu helin caalamka iyo dalalka Afrika”.
“Sidaas darteed, waxaannu kaa codsanayaa adiga (Madaxweynaha Ruwanda) inaad aqbasho dalabkayaga oo aad na aqoonsato” ayey tiri Suhuur Fatxi Mukhtaar.
Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame oo isaguna ka jawaabayey soo jeedinteeda ayaa waxa uu yiri “Waxaan u malaynayaa inaad ii dirayso shaqo adag. Waayo waxa jira shuruuc caalamiya oo jidaynaya qaabka loo aqoonsanayo dawlad ama dal, waxaan filayaa inaad arrintaas u halgamaysaan ilaa aad ka xaqiijinaysaan oo gaadhaysaan qaddiyadiinna”.
“Waxaad muddo ka tirsanaan jirteen Soomaaliya, intaas kadib tiro dambiyo ah ayaa dhacay sax iyo khalad waxay doonaan ha noqdeene’ markaa waxaad bilowdeen inaad noqotaan Somaliland”.
Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaad leedihiin waxaannu doonaynaa inaanu xor ahaano. Xukuumaddii Federaalka Soomaaliyana waxay leedahay ‘maya annaga ayaad naga mid tihiin’ markaa sidaad sheegtay waxay noqonaysaa inaad hawlihiina wadataan wax kasta oo ay noqonayso”.
Suhuur Fatxi oo iyadu mar labaad makarafoonka qabsatay ayaa madaxweynaha Rwanda, ayaa waxay ku tiri “Haa Madaxweyne, waxaan doonayaa inaan idhaahdo waxaanu buuxinay shuruudihii qaranimo, waayo waxaanu leenahay dastuur, xudduudo iyo dawladnimo shaqeynaysa”.
“Waxa kaloo aanu leenahay shacab, waxaanan xornimadayadii la soo noqonay 27 sannadood ka hor. Sidoo kalena waxaannu ku guulaysanay inaanu qabanno doorasho hal qof iyo hal cod ah, waxaanse wali u halgamaynaa sidii aanu ku kasban lahayn aqoonsi”.
Madaxweynaha Rwanda oo isaguna soo af-meeray xog-warankaaasi ayaa waxa uu yiri “Sidaad sheegtay waxaad qaadeen tallaabooyin badan, sidaad uga gun gaadhaysaan waxay noqon kartaa dhawaan ama barito”.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com