Police Nigerian ah oo tagaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Nigeria ayaa shaaca ka qaaday in ay Soomaaliya u direyso 140 askari oo bilays ah si ay qeyb uga noqdaan qaybta bilayska ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Sarkaal u hadlay xukuumadda Abuja , ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay heshiis labo geesood ah oo ay kala saxiixdeen Nigeria iyo Midowga Afrika.

Guddoomiyaha guddiga nabadda iyo ammaanka ee AU Ramtane Lamamra ayaa heshiiska u saxiixay Midowga Africa , halka Nigeria uu u saxiixay wakiilkeeda u qaabilsan AU oo lagu magacaabo Bulus Lolo.

Sidoo kale aggaasimaha nabad ilaalinta ee ciidamada bilayska Nigeria Kayode Aderanti ayaa sheegay in dowladiisa ay ka go’an tahay siddii loo nabadeen lahaa Soomaaliya oo dagaalo ay ka socdeen in ka badan 20-sano.

Si kastaba, bishii hore September ee sanadkan ayaa 70- askari oo boolis ah oo ka socday Nigeria waxay soo gaareen magaalada Muqdisho, si ay ugu biiraan booliska AMISOM ee ka howlgalaya saldhigyada caasimadda.

AMISOM ayaa oo howlgalkooda bilaabay 2007-dii waxa hadda ay keentay Muqdisho ciidamo bilays ah kuwaas oo ku sugan saldhigyada bilayska ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho