Pompeo “Ilaah ayaa Trump usoo saaray inuu dadka Yahuuda ah bad-baadiyo”

Washington DC (Caasimada Online) – Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa sheegay “in Ilaah uu Trump madaxweyne uga dhigay si uu Israel uga bad-baadiyo Iran.”

Wareysi uu siiyey taleefishinka CBN (Christian Broadcast Network), ayaa Pompeo lagu weydiiyey su’aal ahayd “Macquul ma tahay in Trump uu xilliga usoo baxay si la mid ah Queen Esther, si uu dadka Yahuudda ah uga bad-baadiyo xasuuqa Iran?”

Pompeo ayaa ku jawaabay “Maadaama aan ahay qof Kirishtan ah, waxaan aaminsanahay in taas ay suurta-gal tahay”

Pompeo ayaa sidoo kale sheegay inuu “Ku kalsoon yahay in waxa hadda socda ay yihiin shaqo ilaah” marka uu eego waxyaabaha Trump uu ka sameeyey Bariga Dhexe iyo in weli dal Yahuud ah uu jiro.

Hadalkiisa ayaa yimid sacaado kadib markii Trump uu ku dhowaaqay in dhulka Golan Heights ee Israel ay xoogga uga haysato Syria uu aqoonsanayo inuu yahay dhul ay leedahay.

Trump ayaa Yahuudda u qabtay wax uusan u qaban madaxweyne kale oo Mareykan ah, isaga oo horeyna magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yahuuda, islamarkaana si xun u bah-dilay dalalkii Carbeed oo uu ku qasbay inay ku daba feelaan Yahuudda.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com