25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Kaydkii hubka Al-Shabaab iyo gaadiid ay qaraxyo ku diyaariyeen oo la burburiyay

0

Aadan Yabaal (Caasimada Onlin) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya duqey culus oo mar kale dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah ay si wadajir ah uga fuliyeen gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Duqeynta oo ahayd bartilmaameed ayaa si  gaar ah uga dhacday laba xarumood oo muhiim ahaa Al-Shabaab, ayna ku lahaayeen xaafadda Howlwadaag ee degmadaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in labada xarumood oo gebi ahaan la burburiyay ay Khawaarijta u adeegsan jireen diyaarinta gaadiidka dagaalka iyo kaydka hubka, iyada oo lagu qaaday weerar aad loo qorsheeyay oo u dhacay sidii loogu talagalay.

Mid ka mid ah xarumaha la beegsaday waxaa sidoo kale ku jiray gaadiid lagu diyaariyay waxyaabaha qarxa, iyada oo duqeynta kadib uu dab ka kacay halkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka maanta lagu qaaday Al-Shabaabka ku sugan degmada Aadan Yabaal.

Waa duqeyntii labaad ee saacado gudahood ka dhaceysa degmadan oo dhowaan uun ay dib u qabsadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxana ay ahayd shalay markii la beegsaday guri ay ku sugnaayeen horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab, waxaana halkaas lagu dilay ilaa 12 xubnood oo ka tirsanaa kooxda, oo ay ku jiraan saraakiil sar sare.

Guriga bartilmaameedka u ahaa howl-galka ayaa ahaa goob Al-Shabaab u aheyd xarun istaraatiiji ah oo lagu aruuriyo saanadda ciidanka, sidoo kalena laga abaabulo maleeshiyaadkooda.

Intii uu socday howl-galkaas, waxaa sidoo kale la burburiyay gaadiid dagaal, hub farabadan iyo saanado kale oo muhiim u ahaa cadowga, iyadoo howlgalkaan uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Si kastaba, waxaa weeraradan cirka ah ay qayb ka yihiin guluf culus oo ay waddo dowladda Soomaaliya, ayna ku dooneyso inay uga hortagto culeyska ay Al-Shabaab soo saareen deegaannada maamulka goboleedka HirShabelle kadib markii ay isku fidiyen dhul balaaran.

Saldhigyada Mareykanka ee IRAN ay ka aargudan doonto kadib weerarkii Mareykanka

Tehran (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa Sabtidii sheegay in ciidamada Maraykanka ay duqeeyeen saddex goobood oo ku yaalla Iiraan, talaabo si toos ah Mareykanka uga qeyb-gelienysa dadaalka Israel ee lagu doonayay in lagu curyaamiyo barnaamijka nukliyeerka ee dalkaas.

“Waxaan soo gabagabaynay weerar aad u guuleystay oo aan ku qaadnay saddexda goobood ee Nukliyeerka ee Iiraan, oo ay ku jiraan Fordow, Natanz, iyo Esfahan,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.

Haddaba, halkan waxaan ku eegeynaa qaar ka mid ah saldhigyada iyo ciidamada Maraykanka ee gobolka ku sugan ee wajihi kara aargudasho.

Ciidamada Maraykanka ee wajahaya halista aargudashada

“Khasaaraha soo gaaraya Maraykanka wuxuu noqon doonaa mid aan laga soo kabsan karin haddii ay si milatari ah ugu lug yeeshaan iska hor imaadkan,” ayuu Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, ku yiri baraha bulshada Arbacadii.

Tobannaan kun oo askari oo Maraykan ah ayaa ku sugan Bariga Dhexe.

Saldhigga Cirka ee Al-Asad, oo ah xarun Ciraaqi ah oo 150 mayl galbeed ka xigta Baqdaad, ayna si wadajir ah u maamulaan ciidamada cirka ee Ciraaq iyo Maraykanka, ayaa waxaa ku sugan kumanaan askari oo Maraykan ah, waana tirada ugu badan ee ciidamo Maraykan ah oo dalkaas ku sugan. Iiraan iyo maleeshiyooyinka ay taageerto ayaa sanadihii u dambeeyay si isdaba joog ah u weerarayay saldhiggaas.

Kadib markii Maraykanku uu bishii Jannaayo 2020 dilay Janaraalkii sare ee Iiraan, Qaasim Suleymaani, ayay Tehran 16 gantaal ku garaacday saldhigyo ay ciidamada Maraykanku ku leeyihiin Ciraaq.

Kow iyo toban ka mid ah gantaalladaas ayaa ku dhacay saldhigga Al-Asad, halkaasoo ay ku dhaawacmeen tobanaan askari oo Maraykan ah, waxayna qodeen godad waaweyn, iyadoo weerarkaas ay mas’uuliyiintu sheegeen in loogu talagalay in lagu dilo askarta. Sidoo kale, Iiraan waxay weerarkaas gantaallo ku garaacday saldhig milatari oo ku yaal magaalada Irbil ee waqooyiga Ciraaq, oo ka tirsan ismaamulka Kurdistan.

Maleeshiyooyinka Iiraan ay taageerto ayaa gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weeraray saldhigga Al-Asad xitaa bishii Ogoosto.

Maamulka Trump ayaa bishan sheegay inuu dhimayo tirada ciidamada Maraykanka ee Suuriya ka jooga, isagoo ka soo raraya siddeed saldhig oo uu ku reebayo hal keliya: Tanf, oo ah saldhig istaraatiiji ah oo ku yaal koonfurta Suuriya, meel u dhow xuduudaha Ciraaq iyo Urdun. Si kastaba ha ahaatee, faahfaahinta jadwalka arrintan ayaa ah mid aan caddayn.

Weerar bishii Jannaayo 2024 lagu qaaday Tower 22, oo ah saldhig hor leh oo Maraykanku ku leeyahay Urdun, 12 maylna koonfur ka xiga Tanf, ayaa waxaa lagu dilay saddex askari oo Maraykan ah, waxaana ku dhaawacmay tobanaan kale. Wuxuuna ahaa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ciidamada Maraykanka lagu qaado tan iyo burburkii Kabul ee 2021.

Saldhigyada waaweyn ee ciidamada Maraykanka ee Khaliijka waxaa ka mid ah Saldhigga Taageerada Badda ee Baxrayn (Naval Support Activity Bahrain), oo ah xarunta Ciidanka 5-aad ee Badda Maraykanka (U.S. 5th Fleet) ayna ku sugan yihiin ilaa 8,300 oo askari oo Maraykan ah.

Dhanka kale, waxaa jira Saldhigga Cirka ee Al-Udeid ee dalka Qatar, oo ah kan martigeliya ciidanka ugu badan ee Maraykanka ee Bariga Dhexe. Al-Udeid, oo 20 mayl koonfur-galbeed ka xiga Doha, waa xarun talis oo hor leh oo ay leedahay Taliska Dhexe ee Maraykanka (U.S. Central Command), waxaana degi kara in ka badan 10,000 oo askari.

Goobaha kale ee Khaliijka ee ay ciidamada Maraykanku ku sugan yihiin waxaa ka mid ah xerada Camp Buehring iyo Saldhigga Cirka ee Ali al-Salem ee Kuweyt, iyo sidoo kale Saldhigga Cirka ee al-Dhafra ee Imaaraadka Carabta, oo hoy u ah Guutada 380-aad ee Hawlgallada Cirka (380th Air Expeditionary Wing).

Saraakiil Iiraaniyiin ah ayaa toddobaadkan u digay dalka Qatar, iyagoo sheegay in saldhigyada Maraykanka ee Khaliijka ay noqon doonaan bartilmaameed sharci ah haddii Maraykanku weerar qaado, sida uu sheegay sarkaal Yurub ah oo warbixintan laga siiyay, kaasoo codsaday inaan magaciisa la sheegin sababo la xiriira xogta xasaasiga ah.

Si kastaba, ma cadda haddii weerarka laga qaaday qaar ka mid ah saldhigyada ku yaalla dalalka Carabta.

Sidoo kale, safaaradaha Maraykanka iyo xarumaha diblomaasiyadeed ee gobolka ayaa iyagana bartilmaameed noqon kara. Maraykanka ayaa shaqaale iyo qoysaskooda ka daadgureeyay xarumihiisa Ciraaq iyo Israa’iil.

Maleeshiyooyinka ay Tehran maalgeliso ayaa sidoo kale hanjabaad ku noqon kara shaqaalaha iyo danaha Maraykanka ee gobolka.

“Qorshayaal hawlgal ayaa loo diyaariyay ujeedadaas,” ayuu yiri Abu Ali al-Askari, oo ah sarkaal amni oo ka tirsan maleeshiyada Shiicada ah ee Kataa’ib Xisbullah oo Ciraaq fadhigeedu yahay Iiraanna ay taageerto, isagoo sii raaciyay Khamiistii: “Shaki kuma jiro in saldhigyada Maraykanka ee gobolka oo dhan ay noqon doonaan goobo ugaarsi… iska daa waxyaabaha lama filaanka ah ee diyaaradahooda cirka kaga imaan kara.”

Markii la weydiiyay diyaar garowga looga hortagayo aargudasho kasta oo Iiraan ka timaada, ayuu xafiiska saxaafadda ee Wasaaradda Difaaca (Pentagon) wargeyska The Washington Post u gudbiyay bayaan uu Isniintii soo saaray Wasiirka Difaaca Pete Hegseth, kaasoo ku dhawaaqay “in awoodo dheeri ah loo daabulayo” Bariga Dhexe.

“Ilaalinta ciidamadeena Maraykanka ayaa ah mudnaantayada koowaad, daabulidanna waxaa looga gol leeyahay in lagu xoojiyo habkayaga difaaca ee gobolka,” ayuu Hegseth ku qoray bartiisa X.

“Ciidamada Maraykanku waxay ku jiraan heegankoodii difaaca, taasina isma beddelin,” ayuu Afhayeenka Pentagon, Sean Parnell, ku yiri bayaan uu Isniintii soo saaray, kaasoo xafiiska saxaafadda ee Pentagon uu sidoo kale tilmaamay.

Shirkadaha diyaaradaha ee Air France iyo KLM ayaa kansalay duulimaadyadii ka imaanayay kuna socday Garoonka Caalamiga ah ee Dubai Arbacadii. Xafiiska saxaafadda ee Air France ayaa sabab uga dhigay “xaaladda amniga ee gobolka,” mana aysan sheegin goorta duulimaadyadu dib u bilaaban doonaan.

Iiraan ma weerari kartaa Maraykanka?

Inkastoo Iiraan ay haysato gantaallo kala duwan oo nooca Ballistic iyo Cruise ah, haddana midkoodna kama mid ah hubkeeda, xitaa kuwa la horumarinayo, kuma dhowaan karo inuu gaaro Maraykanka, sida uu sheegay mashruuca difaaca gantaallada ee Xarunta Daraasaadka Istaraatiijiyadeed iyo Caalamiga ah (Center for Strategic and International Studies).

Ciidanka Cirka ee Iiraan ma laha awood ay ku gaaraan Maraykanka. Taasina waa sababta aargudashada lagu beegsanayo ciidamada gobolka ku sugan ay tahay tan ugu weyn ee Maraykanku ka walaacsan yahay.

Mareykanka oo weerar ku qaaday IRAN kuna biiray dagaalka ay ku jirto Israel

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa Sabtidii sheegay in ciidamada Maraykanka ay duqeeyeen saddex goobood oo ku yaalla Iiraan, talaabo si toos ah Mareykanka uga qeyb-gelienysa dadaalka Israel ee lagu doonayay in lagu curyaamiyo barnaamijka nukliyeerka ee dalkaas.

“Waxaan soo gabagabaynay weerar aad u guuleystay oo aan ku qaadnay saddexda goobood ee Nukliyeerka ee Iiraan, oo ay ku jiraan Fordow, Natanz, iyo Esfahan,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.

“Dhammaan diyaaraduhu waxay hadda ka baxsan yihiin hawada Iiraan. Culeys buuxa oo bambooyin ah ayaa lagu soo daadiyay goobta ugu muhiimsan, Fordow. Dhammaan diyaaraduhu waxay si nabad ah ugu socdaan saldhigyadooda.”

Trump wuxuu sheegay in la adeegsaday diyaaradaha qarsoon ee B-2 (B-2 stealth bombers) balse ma uusan cayimin noocyada bambooyinka la soo daadiyay. Aqalka Cad iyo Pentagon-ka ayaan isla markiiba faahfaahin ka bixin hawlgalka.

“Tani waa waqti taariikhi ah oo u ah Mareykanka, Israa’iil, iyo guud ahaan dunida. Iiraan waa inay hadda oggolaataa inay dagaalkan dhammayso. Mahadsanid!” ayuu ku qoray barta Truth Social.

Duqaymahaani waa go’aan halis ku ah Maraykanka maadaama Iiraan ay ballanqaaday inay aargudan doonto haddii ay ku biirto weerarka Israel. Sidoo kale, shakhsiyan Trump ayay khatar ku tahay, isagoo ku guuleystay Aqalka Cad isagoo ballanqaaday inuu Maraykanka ka ilaalin doono khilaafaadka dibadda ee kharashka badan, isla markaana quursaday qiimaha faragelinta Maraykanka.

Trump wuxuu Jimcihii u sheegay suxufiyiinta inuusan dan ka lahayn in ciidamo dhulka ah loo diro Iiraan. Wuxuu horay u tilmaamay inuu go’aan kama dambeys ah gaari doono laba toddobaad gudahood – jadwal u muuqda mid aan jirin maadaama xaaladdu si degdeg ah isu beddeshay.

Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan Ayatollah Cali Khamenei ayaa Arbacadii Maraykanka uga digay in duqaymaha lagu beegsado Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay “keeni doonaan burbur aan la soo celin karin oo iyaga soo gaara.” Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan Esmail Baghaei wuxuu ku dhawaaqay “faragelin kasta oo Maraykan ah waxay noqon doontaa bilowga dagaal dhamaystiran oo gobolka ka dhaca.”

Trump wuxuu ballanqaaday inuusan u oggolaan doonin Iiraan inay hesho hub nukliyeer ah, wuxuuna markii hore rajaynayay in hanjabaadda xoogga ay keeni doonto in hoggaamiyeyaasha dalkaas ay si nabad ah uga tanaasulaan barnaamijkooda nukliyeerka.

Militariga Israel ayaa Sabtidii sheegay inay u diyaar garoobayaan suurtagalnimada dagaal dheer, halka wasiirka arrimaha dibadda Iiraan uu ka digay ka hor weerarka Maraykanka in ka qaybgalka ciidamada Maraykanka “uu noqon doono mid aad iyo aad khatar u ah qof kasta.”

Rajada dagaal ballaaran ayaa sidoo kale soo ifbaxday. Maleeshiyada Xuutiyiinta ee Yemen oo Iiraan ay taageerto ayaa sheegay inay dib u billaabi doonaan weerarrada maraakiibta Maraykanka ee Badda Cas haddii maamulka Trump uu ku biiro ololaha militari ee Israel. Xuutiyiintu waxay hakiyeen weerarrada noocaan ah bishii Maajo kaddib heshiis ay la galeen Maraykanka.

Safiirka Maraykanka ee Israel wuxuu ku dhawaaqay in Maraykanka uu billaabay “duulimaadyo lagu daadgureynayo dadka,” kuwaasoo ahaa kuwii ugu horreeyay ee ka baxa Israel tan iyo weerarkii Hamas-ka ee Oktoobar 7, 2023, kaasoo sababay dagaalka Gaza.

Laakiin Trump wuxuu u muuqdaa inuu sameeyay xisaab – isagoo ay ku boorrinayeen saraakiisha Israel iyo xildhibaanno badan oo Jamhuuri ah – in hawlgalka Israel uu jilciyay xaaladda isla markaana uu bixiyay fursad aan hore loo arag oo lagu dib u dhigi karo barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan, laga yaabee in si joogto ah loo joojiyo.

Israa’iiliyiintu waxay sheegayaan in weerarkooda uu horay u curyaamiyay difaacyada cirka ee Iiraan, taasoo u oggolaatay inay si weyn u wiiqaan goobo badan oo nukliyeer ah oo Iiraan leedahay.

Si kastaba ha ahaatee, si loo burburiyo warshadda kobcinta shidaalka nukliyeerka ee Fordow, Israel waxay ka codsatay Trump bambooyinka Maraykanka ee burburiya goobaha adag, kuwaas oo ah GBU-57 oo 30,000 oo rodol ah.

Bambooyinkan waxay adeegsadaan miisaankooda iyo xoogga ay ku dhex galaan si ay u gaaraan bartilmaameedyada si qoto dheer u aasan ka dibna ay u qarxaan. Qalabkan hadda waxaa kaliya soo daadiya diyaaradda qarsoon ee B-2 (B-2 stealth bomber) ee Maraykanka.

Bambadaani waxay sidataa madax-qarax caadi ah, waxaana la rumeysan yahay inay awood u leedahay inay dhex gasho ilaa 200 oo fiit (61 mitir) oo ka hooseeya oogada dhulka ka hor inta aysan qarxin.

Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atamiga (International Atomic Energy Agency – IAEA) ayaa xaqiijisay in Iiraan ay soo saarayso uranium si heer sare ah loo kobciyay oo ku yaalla Fordow, taasoo kor u qaadaysa suurtagalnimada in walxaha nukliyeerka ah ay ku fidaan aagga haddii GBU-57 loo adeegsado in lagu garaaco goobta.

Duqaymihii hore ee Israel ee goob kale oo nukliyeer ah oo Iiraan leedahay, Natanz, oo ah goobta centrifuge-ka, waxay sababeen wasakhaynta goobtaas oo kaliya, maaha aagga ku xeeran, ayay IAEA sheegtay.

Go’aanka Trump ee faragelinta tooska ah ee ciidamada Maraykanka ayaa yimid kaddib markii maamulkiisu uu laba bilood oo aan lagu guuleysan waday dadaallo – oo ay ku jiraan wadahadallo heer sare ah oo toos ah oo lala yeeshay Iiraaniyiinta – oo loogu talagalay in lagu qanciyo Tehran inay yareyso barnaamijkeeda nukliyeerka.

Bilooyin badan, Trump wuxuu sheegay inuu u heellan yahay dadaal diblomaasiyadeed oo lagu qancinayo Iiraan inay ka tanaasusho hamigeeda nukliyeerka. Labo jeer – Abriil iyo mar kale dabayaaqadii Maajo – wuxuu ku qanciyay Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu inuu dib u dhigo tallaabada militari ee ka dhanka ah Iiraan oo uu diblomaasiyadda siiyo waqti dheeraad ah.

Maraykanka ayaa maalmihii la soo dhaafay ku wareejinayay diyaaradaha milatari iyo maraakiibta dagaalka ee Bariga Dhexe iyo agagaarkeeda si loo ilaaliyo Israel iyo saldhigyada Maraykanka ee weerarrada Iiraan.

Dalalka Khaliijka oo Trump u soo diray dalab deg deg ah oo ku saabsan Israa’iil

Riyadh (Caasimada Online) – Wadamada Khaliijka Carabta ayaa ku boorrinaya dalka Mareykanka inuu xakameeyo Israa’iil, xilli ay socdaan weerarada lagu bartilmaameedsanayo barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan, ayna soo kordhayaan baaqyada ka imaanaya xubno ka tirsan dowladda Israa’iil ee ku aaddan in xukunka laga tuuro xukunka Tehran.

Sida uu qoray The Wall Street Journal, walaacaasi wuxuu sii xoogeystay toddobaadkan, waxaana isa soo taraysa cabsi laga qabo in Mareykanku uu ku garab siiyo Israa’iil weeraradeeda. In kasta oo wadamada Khaliijku ay ka baqdin qabaan barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan, faafinta gantaalaheeda, iyo taageerada ay siiso maleeshiyooyinka gobolka, haddana waxay si isku mid ah uga welwelsan yihiin saameynta taban ee ku imaan karta dhaqaalahooda iyo in Bariga Dhexe mar kale lagu rido iska-hor-imaad hor leh.

Waxaa sidoo kale jira walaac laga qabo dhaqanka sii kordhaya ee Israa’iil ee ku aaddan inay awooddeeda militari ee ballaaran u adeegsato xalinta dhibaatooyinka muddada dheer ka taagan gobolka, halkii ay ka dooran lahayd wada-hadal diblomaasiyadeed.

Madaxweyne Trump ilaa hadda ma muujin wax astaan ah oo uu ku doonayo inuu ku xakameeyo Israa’iil. Ka dib markii uu sanadka intiisa badan ka meeraysanayay xal militari, wuxuu haatan u muuqdaa mid ku faraxsan wax uu arko guusha ay gaareen duqeymihii bilowga ahaa ee Israa’iil. Jimcihii, wuxuu gebi ahaanba iska indha-tiray fikradda ah in cadaadis la saaro Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu si uu u joojiyo weerarada.

“Waxaan aaminsanahay inay aad u adag tahay in codsigaas la jeediyo xilligan,” ayuu Trump u sheegay weriyeyaasha. “Haddii dhinac uu guuleysanayo, way ka sii adag tahay in taas la sameeyo marka loo eego mid guuldarreysanaya. Laakiin annagu diyaar ayaan nahay, waan dooneynaa, awoodna waan u leenahay, wadahadallo ayaana noo dhexeeyay Iiraan, waana arki doonnaa sida ay wax u dhacaan.”

Iiraan waxaa saaran cadaadis xooggan oo ku qasbaya inay samayso tanaasulaad waaweyn ayna ka harto kobcinta Yuraaniyamka, si loo helo xal diblomaasiyadeed oo lagu soo afjaro iskahorimaadka. Tehran ayaa si isdaba joog ah toddobaadkan u celcelisay inaysan dib u bilaabi doonin wada-xaajoodyada ilaa la hirgeliyo xabbad-joojin rasmi ah. Waxay sidoo kale si kulul uga digtay inay beegsan karto saldhigyada Mareykanka iyo danaha kale ee ku yaal Khaliijka haddii uu Mareykanku kusoo biiro duullaanka.

Israa’iil, oo ay weli damqinayso weerarkii kediska ahaa ee Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023, isla markaana ay weeraro joogto ah kaga imaanayaan maleeshiyooyinka Iiraan ay taageerto sida Xisbullah ee Lubnaan, ayaa wax ka beddeshay aragtideeda amni, iyadoo haatan qaadatay mabda’a ah in halisaha la weeraro ka hor inta aysan soo weynaan.

Saraakiil sar sare oo Khaliijka ah, oo hore u taageeray dadaalladii diblomaasiyadeed ee Trump ee lagu xallinayay is-mari-waaga nukliyeerka Iiraan, ayaa waxaa lama filaan ku noqday wejiga dagaal-doonka ah ee ay xaaladdu yeelatay. Waxay ka walaacsan yihiin in maalgashigii ay ku bixiyeen xiriirka kala dhexeeya Mareykanka, kaasoo si cad u muuqday booqashadii Trump ee gobolka ee bishii hore, uusan miro dhalin oo uusan u tarjumin saameyn siyaasadeed oo dhab ah.

“Ilaa hadda, isfahamkii iyo xiriirkii tooska ahaa ee ay la lahaayeen Iiraan wuxuu ahaa mid wax-ku-ool u ah ka hortagga in colaaddu ku soo fido Khaliijka, laakiin hadda Israa’iil ayaa meesha ka saartay fursaddaas,” ayay tiri Yasmine Farouk, oo ah agaasimaha mashruuca Khaliijka ee xarunta cilmi-baarista Kooxda Caalamiga ah ee Dhibaatooyinka (International Crisis Group). “Waxaa jira aragti mideysan oo ka dhaxaysa wadamada Khaliijka oo ah inay rabaan in dagaalkan la xakameeyo oo la joojiyo.”

Mowqifka wadamada Khaliijka ayaa caqabad ku ah Mareykanka, oo saldhigyo muhiim ah oo dhanka cirka iyo badda ah ku leh dalalkooda. Masuuliyiinta Khaliijka ayaa si cad ugu sheegay dhiggooda Mareykanka iyo Iiraan inaysan sinaba uga qayb qaadan doonin weerarada, aysana oggolaan doonin in hawadooda loo adeegsado duqeymahaas. Bishii Abriil, Sacuudi Carabiya waxay Tehran u dirtay wasiirkeeda gaashaandhigga, Amiir Khaalid bin Salmaan, si uu Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, ugu wargeliyo in boqortooyadu ay si buuxda uga soo horjeedo tallaabo militari oo ka dhan ah barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.

Khilaafkani waa mid xasaasi u ah Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta. Imaaraatku wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii Heshiisyadii Abraham (Abraham Accords) ee xiriirka lagula yeeshay Israa’iil, halka Sacuudiguna uu gabagabo u marayay heshiis la mid ah ka hor intii uusan weerarkii 7-dii Oktoobar curyaamin dadaalladaas.

Awoodahan Khaliijka ayaa sidoo kale horey khasaare ugala kulmay weeraro uga yimid Iiraan iyo xulafadeeda. Sacuudiga ayaa Iiraan ku eedeeyay weerarkii ba’naa ee lagu qaaday xaruntiisa saliidda ee Abqaiq sanadkii 2019, halka Xuutiyiinta Yemen ee Iiraan ay taageerto ay gantaallo iyo diyaarado Drone ah ku garaaceen Imaaraatka sanadkii 2022. Labada dalba waxay taageeraan dhinacyada ka soo horjeeda Xuutiyiinta ee dagaalka sokeeye ee Yemen.

Weeraradaasi waxay iftiimiyeen nuglaanshahooda amni, xilli ay isku dayayeen inay xoogga saaraan kobcinta dhaqaalahooda. Dowladaha Riyadh iyo Abu Dhabi waxay ku guuleysteen inay heshiis xiisad-dejin ah (detente) la gaaraan Iiraan, iyagoo isbarbar wada xiriir dhow oo ay la leeyihiin Mareykanka, waxayna labaduba ka baqayaan in lagu qasbo inay kala doortaan labada dhinac.

“Midkoodna wadamada Khaliijka ma rabo in Mareykanku uu arrintan soo dhex galo,” ayay tiri Farouk. “Hadday taasi dhacdo, waxay ka dhigan tahay in badbaadada taliska Iiraan ay halis galayso. Taasina waxay Iiraan ku qasbi kartaa inay iska illowdo heshiiska xiisad-dejinta oo ay si toos ah wadamada Khaliijka ugu soo darto dagaalka, ama uu Mareykanku sidaas sameeyo isagoo ka dalbanaya inay taageeraan duullaankiisa militari ee ka dhanka ah Iiraan.”

“Arrintani waxay wadamada Khaliijka ku xireysaa gees ciriiri ah,” ayay hadalkeeda kusoo koobtay.

In kasta oo wadamada Khaliijku ay soo dhaweynayaan in la wiiqo awoodda Iiraan, hadal-haynta ku saabsan isbeddel talis waxay dib u xusuusinaysaa dagaalkii Ciraaq iyo fowdadii ka dhalatay burburkii xukuumaddii Saddam Xuseen. Farqiga ugu weyn ee hadda iyo xilligaas u dhexeeya ayaa ah in dagaalku uu ka socdo waddan 90 milyan oo qof ku nool yihiin oo dhinaca kale kaga beegan marin-biyood istiraatiiji ah oo ciriiri ah.

Magaalada Dubai, oo ah mid ka mid ah xarumaha dhaqaale ee ugu firfircoon caalamka kuna taal Gacanka Faaris, waxay wax ka yar 100 mayl u jirtaa dhul-weynaha Iiraan.

Dhowaanshahaas juqraafiyeed ayaa abuuraya walaac ku saabsan khasaaraha deegaanka iyo dhaqaalaha ee uu keeni karo dagaalku. Gobolkan oo ah saxare ayaa nolosha biyaha u cabbo ka helaa macaaneynta biyaha badda ee Khaliijka, kaasoo sidoo kale ah isha laga dhoofiyo inta badan saliidda iyo gaaska adduunka, iyo marin muhiim u ah maraakiibta xamuulka.

Baxrayn ayaa diyaarinaysa tobanaan goobood oo lagu magan galo xaaladaha degdegga ah, halka Golaha Iskaashiga Khaliijka (Gulf Cooperation Council) uu hawlgeliyay Xaruntiisa Maareynta Xaaladaha Degdegga ah (Emergency Management Center) ee Kuwait si ay ula socoto heerarka shucaaca.

Iyadoo madaxa hay’adda tamarta atamka ee Qaramada Midoobay uu ka digay khataraha amni ee ka dhalan kara weerarada lagu qaado xarumaha nukliyeerka, ayay khubaro kale sheegayaan in halista shucaac ka faniina xarun sida Fordow ee Iiraan ay yar tahay.

Israa’iil weli ma aysan weerarin xaruntan, oo ku dhex aasan buur hoosteeda, taasoo khubarada militarigu ay isku raacsan yihiin inaysan gaari karin bambooyinka caadiga ah, marka laga reebo kuwa ugu awoodda badan. Waxaa loo arkaa inay noqon doonto bartilmaameedka koowaad ee ciidanka Mareykanka iyo bambooyinkiisa dhulka dusiya (bunker busters) haddii uu Mareykanku go’aansado inuu dagaalka ku biiro.

Trump wuxuu ku baaqay in Iiraan ay isku dhiibto shuruud la’aan, wuxuuna si hoose u meel mariyay qorshayaal weerar, balse wuu dib u dhigayaa si uu u arko bal in Iiraan ay ka laaban doonto hamigeeda nukliyeerka. Ciidanka Mareykanka ayaa sii wada daabulidda ciidamada iyo agabka dagaal ee Yurub iyo goobaha u dhow Bariga Dhexe, kuwaasoo ay ka mid yihiin diyaaradaha shidaalka, maraakiibta dagaalka ee difaaca gantaalada, guuto labaad oo ah maraakiibta diyaaradaha xambaara, iyo diyaaradaha dagaalka ee casriga ah ee F-22.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa Arbacadii sheegay in Mareykanku uu xoojinayo nidaamyadiisa difaaca ee Bariga Dhexe. Tani waa arrin si weyn looga fiirsanayo, maadaama weerar uu Mareykanku ku qaado xarunta Fordow ay Tehran ku dhiirigelin karto inay si aargoosi ah u weerarto ciidamada iyo danaha Mareykanka.

Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in Mareykanku uu qaar ka mid ah agabkiisa militari ee dheeraadka ah u daabulayo Yurub, maadaama saldhigyada ku yaal wadamada Khaliijka ay yihiin kuwo ay si fudud u gaari karaan gantaalada Iiraan.

“Waxaa jira noocyo badan oo gantaallo ah oo si gaar ah loogu farsameeyay in lagu garaaco saldhigyada Mareykanka,” ayuu yiri Fabian Hinz, falanqeeye militari oo ka tirsan Machadka Caalamiga ah ee Daraasaadka Istaraatiijiyadeed (International Institute for Strategic Studies). “Dhinaca Mareykanka, su’aashu waxay noqonaysaa: ma iska joogaysaa Khaliijka, mise waxaad u guuraysaa meel ka baxsan aagga halista si aad marka hore u burburiso awoodda hubka ee cadowga?”

Dagaalka IRAN iyo Israel – Soomaaliya oo maanta ka mid noqotay dalal dhowr ah oo…

Istanbul (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uga qeyb galay shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), kaas oo looga hadlayo dagaalka ka dhex qarxay Iran iyo Israel.

Kalfadhiga 51-aad ee wasiirrada arrimaha dibadda ee dowladaha islaamka oo maanta furmay ayaa socon doona laba maalmood, wuxuuna diiradda saarayaa xaaladda cakiran ee u dhaxeysa Israel iyo Iran.

Waxaa la filayaa in gabagabada shirkaan ay wasiirradu soo saaraan baaq wadajir ah oo lagu dalbanayo xabad-joojin, si looga hortago xasillooni darrada gobolka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Dhaay ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo gaar ah la-yeesho dhiggiisa dalalka kale ee ka qeyb galaya shirkan.

Wasiirka ayaa sheegay in madashaan uu kaga faa’iideysa doono xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay waddamada Islaamka.

Shirkan ayaa imaanaya iyadoo xiisadda u dhaxeysa Israel iyo Iran ay cirka isku shareertay, waxaana la rajeynayaa in dadaallada OIC ay horseedi doonaan xasillooni iyo nabad waarta oo ka hirgasha gobolka.

Hadaba maxaa u dambeeyey xogta dagaalka labada dal?

Sabtidii maanta waxay ku beegneyd maalintii 9-aad ee dagaalka u dhaxeeya Iran iyo Israa’iil oo soo billowday 13-kii June.

Wakaalada wararka ee Nour News Agency oo soo xiganaysa bayaan kasoo baxay wasaarada caafimaadka ee Iran oo tilmaamaya tirada dhimashada, ayaa tebisay in ugu yaraan 430 qof ay ku dhinteen 3,500 oo kalena ay ku dhaawacmeen tan iyo markii uu bilowday iska horimaadka socda.

Dhinaca Israa’iil waxay sheegtay in 25 qof ay ku dhinteen, 2,517 kalena ay ku dhaawacmeen weerarrada ka imaanaya dhanka Iran.

Milatariga Israa’iil ayaa wax yar ka hor ku dhawaaqay in weeraro kale oo lagu bartilmaameedsanayo kaabayaasha militariga Iran ee koonfur galbeed dalkaas ku yaalla ay qaadi doonaan.

Xog: Axmed Madoobe oo ku wajahan Garowe – Maxay isaga iyo Deni damacsan yihiin?

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa la filayaa inuu toddobaadkan booqasho ku tago caasimadda Puntland ee Garoowe, halkaas oo uu kulan heer sare ah kula yeelan doono Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, xilli ay dalka ka jirto xaalad siyaasadeed oo cakiran, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Booqashadan, oo ay xaqiijiyeen ilo ku dhow labada maamul, ayaa ujeeddadeedu tahay in la sii adkeeyo xiriirka labada dowlad-goboleed iyo in la iska kaashado arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan khilaafaadka doorashooyinka ee soo jiitamaya iyo xaaladda amniga.

Wadahadallada la qorsheeyay ayaa la rajeynayaa inay sare u qaadaan iskaashiga labada dhinac, dib u dhisaan kalsoonida siyaasadeed, iyo in wax looga qabto caqabadaha baaxadda leh ee horyaalla nidaamka federaalka Soomaaliya.

“Kulanka Madaxweyne Madoobe iyo Madaxweyne Deni waa mid muhiimad gaar ah u leh is-waafajinta istaraatiijiyadaha gobollada iyo in laga yeesho aragti mideysan arrimaha waaweyn ee qaranka,” waxaa sidaa u sheegay Caasimada Online sarkaal ka tirsan Puntland oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

Labada hoggaamiye waa xulafada soo jireen ah oo u ololeeya nidaam federaali ah oo awoodda la baahiyo, waxaana iskaashigooda loo arkaa mid culeys siyaasadeed ku keeni kara dadaallada awood-urursiga ah ee ay dowladda dhexe ka waddo magaalada Muqdisho.

Is-mari-waaga doorashooyinka

Wadahadallada waxaa udub-dhexaad u ah is-mari-waaga siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee muddada dheer aan xalka loo helin. Khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ee ku saabsan qaab-dhismeedka doorashada, wax-ka-beddelka dastuurka, iyo awood-qaybsiga ayaa curyaamiyay horumarkii siyaasadeed, wuxuuna dib u huriyay kalsooni-darradii jirtay.

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni, labaduba, waxay si isdaba-joog ah u dhaliileen maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku tilmaamay mid wada go’aanno aan lagala tashan oo kor laga keenay, kuwaasoo meesha ka saaraya codka iyo aragtiyaha maamul-goboleedyada.

Falanqeeyayaasha siyaasadda waxay tilmaamayaan in kulankani uu gacan ka geysan karo abuurista aragti mideysan oo ku aaddan habraacyada doorashooyinka, isla markaana uu xoojinayo baaqa loo jeedinayo hannaan siyaasadeed oo loo wada dhan yahay, kuna dhisan is-afgarad.

Sidoo kale, labada maamul-goboleed waxaa ka dhaxeeya walaac amni oo qoto dheer. Puntland iyo Jubaland waxay labaduba xuduud la wadaagaan goobo ay colaado ka oogan yihiin, waxayna safka hore kaga jireen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida iyo kooxda Daacish.

Hase yeeshee, iskaashiga dhanka amniga ee kala dhexeeya dowladda federaalka ayaa inta badan ahaa mid aan la isku halleyn karin, taasoo wiiqday dadaalladii qaran ee la-dagaallanka argagixisada.

Dal maraya marxalad kala-guur ah

Xilliga ay booqashadani ku soo aadday ayaa hoosta ka xarriiqaysa sida ay muhiim ugu tahay xaaladda taagan. Soomaaliya waxay wajahaysaa isku-dhaf caqabado ah oo isugu jira fadhiidnimo siyaasadeed, amni-darro, iyo dhibaatooyin bani’aadannimo.

Xiisadihii ugu dambeeyay ee u dhexeeyay Muqdisho iyo qaar ka mid ah maamullada dalka ayaa sii xoojiyay cabsida laga qabo inuu burbur ku yimaado wadajirka nidaamka federaalka. Beesha Caalamka, oo ay ugu horreeyaan Qaramada Midoobay, iyo Midowga Afrika ayaa marar badan ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay yeeshaan wada-hadal dhab ah, kana fogaadaan wax kasta oo sii murgin kara khilaafaadka.

In kasta oo uu baaxad ahaan kooban yahay, kulankani wuxuu noqon karaa tallaabo wax-ku-ool ah oo loo qaaday dhanka dib-u-soo celinta kalsoonidii ka dhaxaysay maamullada, laguna dardargelinayo geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya ee is-mari-waagu ragaadiyay.

Axmed Madoobe wuxuu hoggaaminayay Jubaland tan iyo sanadkii 2013-kii. Wuxuu waayihiisa ku billaabay hoggaamiye maleeshiyo, kaddibna wuxuu isbahaysi la yeeshay ciidamada Kenya ee dagaalka kula jiray Al-Shabaab, isagoo markii dambe u gudbay hoggaanka siyaasadda. Wuxuu xilka madaxweynaha ku guuleystay markii afaraad 25-kii Nofeembar, 2024, iyadoo doorashadiisa ay hareeyeen muran iyo diidmo ay ka muujisay dowladda federaalka.

Siciid Cabdullaahi Deni, oo ah madaxweynaha Puntland tan iyo 8-dii Jannaayo, 2019, wuxuu hore usoo noqday wasiirka qorsheynta Soomaaliya. Waxaa dib loo doortay 8-dii Febraayo, 2024, wuxuuna si weyn ugu ololeeyaa hirgelinta federaal dastuuri ah iyo in la xoojiyo awoodaha ismaamul ee gobollada.

Khamenei oo soo gudbiyey saddex musharax oo beddeli kara haddii la dilo

Tehran (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, ayaa hadda la taliyeyaashiisa iyo taliyeyaasha ciidamada la hadla isagoo isticmaalaya kaaliye uu si buuxda ugu kalsoon yahay, Sida ay New York Times u sheegeen saddex sarkaal oo Iiraani, kuwaas oo si dhow ula socda qorshayaashiisa degdegga ah ee dagaalka. Tallaabadan ayaa lagu macneeyay mid looga gaashaamanayo isku day dil, iyadoo gabi ahaanba la joojiyay isgaarsiinta elektarooniga ah si ay u adkaato in la helo goobta uu ku sugan yahay.

Ayatollah Cali Khamenei, oo ku jira qol difaac adag oo dhulka hoostiisa ah (bunker), ayaa si taxaddar leh u magacaabay shaqsiyaad kala duwan oo beddeli doona silsiladda hoggaanka ciidankiisa, haddii ay dhacdo in la dilo saraakiil kale, iyada oo mas’uuliyiintu sheegeen in uu sidoo kale magacaabay saddex wadaad oo sare kuwaasoo uu xusay in loo dooran karo beddelkiisa haddii uu isagu dhinto—arrin muujinaysa culeyska iyo xaaladda adag ee hoggaamintiisu wajahayso.

Tan iyo markii Israel ay Jimcihii 13-kii June ay billowday weerarro lama filaan ah, Ayatollah Khamenei wuxuu qaaday tallaabooyin aan horay loo arag si uu u ilaaliyo jiritaanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

Inkasta oo dagaalku socdo toddobaad keliya, weerarrada Israel ayaa noqday kuwa ugu xooggan ee lagu qaado Iran tan iyo dagaalkii Iran iyo Ciraaq ee 1980-meeyadii. Waxa ay si gaar ah u saameeyeen caasimadda Tehran oo ay ka dhigeen meel si daran loo beegsaday. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in waxyeellada Israel ka geysatay Tehran maalmo gudahood ay ka weyntahay middii Saddam Hussein geystay siddeed sano oo dagaal ah.

Iiraan waxay u muuqataa inay ka soo kabsatay naxdintii bilowga ahayd, iyadoo dib isku abaabushay si ay u qaaddo weerarro celis ah oo maalinle ah oo ay ku hayso Israa’iil, iyadoo beegsatay isbitaallo, warshadda sifaynta saliidda ee Haifa, goobo cibaado iyo guryo rayid ah.

Sida ay sheegayaan saraakiisha Iiraan, kuwaas oo codsaday inaan la magacaabin sababtoo ah looma ogolayn inay si furan uga hadlaan qorshaha Ayatollah, saraakiisha sarsare ee Iiraan waxa ay sidoo kale si aamusnaan ah ugu diyaar garoobayaan noocyo kala duwan oo natiijooyin ah iyadoo dagaalku sii xoogaysanayo iyo iyadoo Madaxweyne Trump uu ka fekerayo inuu dagaalka soo galo.

Awoodda Iiraan oo wali shaqaynaysa  

Inkasta oo uu adagtahay in si toos ah loo fahmo waxa ka socda gudaha hoggaanka Iran, haddana ilo-wareedyo iyo diblomaasiyiin ku sugan Tehran ayaa sheegaya in silsiladdii amarka dowladdu ay wali shaqaynayso, inkasta oo lagu dhuftay dhaawacyo halis ah. Ilaa hadda, ma jiraan calaamado muujinaya khilaaf ama kala qaybsanaan siyaasadeed oo ka dhex muuqda maamulka.

Ayatollah Khamenei, oo 86 sano jir ah, waxa uu si buuxda uga warqabaa in Israel ama Mareykanku isku dayi karaan in ay dilaan—arrin uu isagu u arko shahidnimo haddii ay dhacdo. Sidaas darteed, waxa uu amray Golaha Khubarada (Assembly of Experts) ee magacaaba hoggaamiyaha sare, inay si degdeg ah mid ka mid ah saddexda musharrax ee uu magacaabay uga doortaan beddelkiisa haddii loo baahdo.

Saddexda musharax ayaa ah kuwa sir ah, oo aan magacyadooda la hayn sababo amni dartood.

Caadi ahaan, doorashada hoggaamiye cusub waxay qaadan kartaa bilo, iyadoo wadaaddada sare ay ka doortaan magacyo kala duwan. Balse iyadoo Iran ay haatan dagaal ku jirto, Khamenei wuxuu doonayaa in isbeddelka hoggaanka uu noqdo mid degdeg ah oo nidaamsan si uu u xaqiijiyo dhaxal uu ka tago.

“Mudnaanta ugu weyn ee ay Iran leedahay waqtigan waa badbaadinta nidaamka dawliga ah,” ayuu yiri Vali Nasr, khabiir ku takhasusay arrimaha Iran kana tirsan Jaamacadda Johns Hopkins. “Go’aannada hadda la qaadanayo waa kuwo xisaabsan oo ku dhisan dan qaran.”

Mawduuca beddelka Ayatollah Khamenei waxa uu muddo dheer ahaa arrin xasaasi ah, marar dhif ahna si fagaare ah ayaa looga hadlaa. Hoggaamiyaha sare ee Iran waxa uu leeyahay awood buuxda oo ka saameyn badan qeybaha sharci-dejinta, garsoorka, fulinta, iyo sidoo kale hoggaanka ugu sarreeya ee ciidamada qalabka sida. Waxa uu sidoo kale yahay Vali Faqih—ilaaliyaha ugu sarreeya ee madhabta Shiicada.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in wiilkiisa Mojtaba Khamenei, oo xiriir dhow la leh Ilaalada Kacaanka (Islamic Revolutionary Guards Corps), uusan ka mid ahayn musharraxiinta. Madaxweynihii hore ee ra’yi xagjirka ahaa, Ibrahim Raisi, oo horey loogu saadaalinayay in uu beddeli karo Khamenei, ayaa ku dhintay shil diyaaradeed sanadkii 2024.

Tan iyo markii uu dagaalku bilowday, Khamenei wuxuu laba jeer muuqaal duuban kula hadlay shacabka isaga oo fadhiyay xafiis la shaashadeeyay, calanka Iran-na dhinac yaal. “Shacabka Iran marna ma aqbali doonaan dagaal lagu soo rogay,” ayuu yiri isagoo ballan qaaday inaan la is dhiibayn.

Isagoo caadi ahaan ku nool xarun si weyn loo ilaaliyo oo ku taalla bartamaha Tehran lana yiraahdo Beit Rahbari (Guriga Hoggaamiyaha), Khamenei ma bixi karo marar badan, waxaana saraakiisha sare ay ugu yimaadaan kulammo toddobaadle ah.

Haddana, u guuristiisa god-hoostiisa waxay muujinaysaa sida ay Tehran ugu jirto xaalad dagaal oo dhab ah, taasoo mas’uuliyiinta Iran ku tilmaameen mid ka dhacaysa laba jiho.

Iiraan oo ku jirta dagaal laba jiho ah

Jiho kowaad waa weerarada cirka ah ee Israel ku qaadday saldhigyada milatari, xarumaha nukliyeerka, kaabayaal tamareed, iyo xitaa saynisyahano iyo saraakiil lagu dilay guryahooda ku yaalla xaafado ciriiri ah. Taliyayaal badan oo sare ayaa hal mar lagu laayay.

Boqolaal qof ayaa la dilay kumannaan kalena waa dhaawacmeen—rayid ayaana lagu laayay guud ahaan dalka, sida ay sheegayaan kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ee gudaha iyo dibadda.

Dhinaca kale, Iran waxay sheegtay in dagaal labaad uu ka socda gudaha dalka, iyadoo howlgalayaal Israeli ah iyo la-hawlgalayaal kuwa maxalli ah ay qaraxyo iyo diyaarad-drones ah la beegsanayaan xarumo muhiim ah. Cabsi xoog leh oo laga qabo in la dhexgalay hay’adaha amniga iyo sirdoonka ayaa gaartay ilaa xafiiska Khamenei.

“Waa cadahay in ay naga dhacday jab amni iyo sirdoon aad u weyn—taasi lama dafiri karo,” ayuu yiri Mahdi Mohammadi, la-taliye sare oo u dhow guddoomiyaha baarlamaanka, Gen. Mohammad Ghalibaf, isagoo ku hadlayay duubis uu falanqaynayay dagaalka. “Taliyayaashayadii ugu sareeyay waxa la wada laayay muddo saacad gudaheed ah.”

Wuxuu intaas ku daray in guuldarradii ugu weynayd ay ahayd in aan la ogaan qorshaha dheer ee Israel ku soo gelisay gantaallada iyo qalabka drones-ka ee lagu qaaday dalka.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in Iran ay hadda diiradda saaraysay saddex arrimood oo muhiim ah: isku day dilka Ayatollah Khamenei, suuragalnimada Maraykanka oo dagaalka ku soo biiro, iyo weerarro ba’an oo lagu beegsanayo kaabeyaasha muhiimka ah sida warshadaha tamarta, saliidda, gaaska iyo biyo-xireennada.

Haddii Mareykanku ku biiro dagaalka, khatarta waxa ay noqonaysaa mid aad u sareysa. Inkasta oo Israel ay sheegtay in ay doonayso burburinta barnaamijka nukliyeerka Iran, haddana khubaradu waxay sheegeen in keliya Mareykanka uu leeyahay diyaarado iyo bambooyin miisaankoodu gaarayo 30,000 rodol kuwaasoo gaari kara godadka buuraleyda ee xarunta ugu muhiimsan ee Fordo.

Iran waxay ku hanjabtay inay beegsan doonto bartilmaameedyo Mareykan ah oo ku sugan gobolka, balse arrintaasi waxay u horseedi kartaa dagaal sii fida oo masiibo kale u keena Iran iyo cidda ay la dagaallamayso.

Cabsida dilka iyo basaasnimada ayaa gaartay heer ay Wasaaradda Sirdoonka Iran ku dhawaaqday amarro cusub, oo ay ku jirto in la joojiyo isticmaalka telefoonada iyo qalabka elektaroonigga ah. Waxa kale oo la faray dhammaan saraakiisha sare ee dowladda iyo ciidamada in ay ka shaqeeyaan god-hoosaadyo.

Maalin kasta, Wasaaradda Sirdoonka ama Ciidanka Qalabka Sida waxay soo saaraan digniino dadweynaha lagu wargelinayo in ay soo sheegaan qof ama gaari looga shakiyo, isla markaana laga fogaado sawiridda ama duubista weerarrada ka dhacaya goobaha xasaasiga ah.

Sawirro: Suuqa Saamiyada Soomaaliya oo markii ugu horeysay laga furay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horreysay lagu daahfuray Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed, waxaana munaasabadda furitaanka ka soo qaybgalay madax iyo mas’uuliyiin kala duwan.

Waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Maxamuud Cabdikariin Gabayre; Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Faarax; xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka; Agaasimaha Guud ee SOMINVEST, Maxamed Dubo; shirkadaha isgaarsiinta dalka; iyo Midowga Bangiyada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa ka qeyb galay Maareeyaha Suuqa Saamiyada Rwanda, ahna Guddoomiyaha Midowga Suuqyada Saamiyada Afrika, Pierre Celestin Rwabukumba; Maareeyaha Suuqa Saamiyada Nairobi, Frank Mwiti; iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed, Yaasin Maxamuud Cibaar, ayaa tilmaamay muhiimadda uu suuqani u leeyahay dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in uu furo fursado horleh oo dhanka maalgashiga ah.

Suuqan saamiyada ayaa ganacsatada u sahlaya in ay helaan raasamaal ballaaran si ay u kobciyaan ganacsigooda, halka shacabka Soomaaliyeedna uu siinayo fursad ay ku maalgashadaan oo ay saamiyo furan ku yeeshaan shirkadaha gudaha iyo kuwa caalamiga ahba, meel kasta oo ay joogaan. Sidoo kale, suuqani waxa uu fursad siinayaa shirkadaha caalamiga ah inay isdiiwaangeliyaan, si ay u helaan saamilay Soomaali ah.

Arrintan waxay astaan u tahay hannaan rasmi ah oo dhiirrigelinaya maalgelinta, horumarinta bulshada, iyo koboca dhaqaale ee waara. Hadda fursaddu waa caddahay, maadaama la daahfuray Suuqa Saamiyada – waana waqtigii ay Soomaaliya si dhab ah uga mid noqon lahayd isbeddelka iyo horumarka ka socda gobolka Geeska Afrika.

Axmed Madoobe oo maanta guddoomiyay shir culus oo ka dhan ah DF + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maalin kahor ku laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa isa markiiba bilaabay dhaq-dhaqaaq culus oo ka dhan ah dowladda dhexe.

Axmed Madoobe oo uu haatan khilaaf xooggan kala dhexeeyo Madaxweyne Xasan ayaa maanta guddoomiyay kulan gaar ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirada Jubaland, kaas oo diiradda loogu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka culus ee taagan.

Inta uu socday kulankan ayaa waxaa lagu falanqeeyay aragtida Jubaland ee la xiriirta dib-u-eegista Dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka 2026, iyada oo qoraal kasoo baxay shirka lagu sheegay qaabka ay hadda wax u socdaan aanay ka tarjumayn rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay hal dhinac wax ku socdaan.

Sidoo kale Axmed Madoobe iyo golihiisa wasiirada ayaa isku raacay in ay muhiim tahay in la qabto shirweyne qaran oo loo dhan yahay, si loo gaari xal siyaasadeed oo loo dhan yahay.

“Golahu Wuxuu isku raacay in go’aamada masiiriga ah ee dalka aan lagu gaari karin hannaan cid gaar ahi hagayso, balse ay lagama maarmaan tahay in lagu gaaro shirweyne Qaran oo loo dhan yahay, si loo dhiso jihada siyaasadeed ee dalka kuna salaysnaato heshiis guud iyo kalsooni wadajir ah” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirka Axmed Madoobe.

Waxaa kale oo kulanka lagu soo qaaday farogelin ay Jubaland sheegtay in dowladda federaalka ay ka waddo Gobolka Gedo, iyada oo laga digay khatar ka imaan karta halkaasi, taas oo waxyeeleyn karta nabadgelyada, wadajirka bulshada iyo xasilloonida deegaanka.

Ugu dambeyn Golaha Wasiirada Jubaland ayaa isla gartay in la dardar-geliyo hirgelinta hannaan casri ah oo lagu xaqiijinayo dabagal, isla xisaabtan, iyo korjoogteyn joogto ah oo ku saabsan mashaariicda dowladda, si loo hubiyo in mashaariicdu u dhacaan si hufan, loogana dhaxlo natiijooyin muuqda oo wax ku ool u ah shacabka.

Jubaland ayaa waxaa haatan khilaaf xooggan uu kala dhexeeyaa Villa Soomaaliya, kaas oo bannaanka usoo baxay kadib dib u doorashadii Axmed Madoobe oo ay ku gacan seertay dowladda federaalka, waxaana kadib meesha ka baxay wada shaqeyntii labada dhinac.

Tallaabada ay haatan qaaday Jubaland ayaa kusoo aadeyso, xilli ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo xoogleh, kuwaas oo u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo mucaaradka dalka, waxaana haatan loo ballansan yahay wada-hadallo lagu raadinayo xal siyaasadeed oo dhab, si wadajir loogu wajaho arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Madobe to meet Deni as Somalia’s political rift widens

GAROWE, Somalia — Jubbaland President Ahmed Mohamed Islam, widely known as Ahmed Madobe, is set to visit Puntland’s capital, Garowe, this week for a high-level meeting with Puntland President Said Abdullahi Deni, amid growing political uncertainty in Somalia, sources told Caasimada Online.

The visit, confirmed by sources close to both administrations, aims to bolster ties between the two federal member states and coordinate on national issues, particularly Somalia’s ongoing electoral disputes and worsening security situation.

The scheduled talks are expected to enhance intergovernmental cooperation, restore political trust, and address the broader challenges facing Somalia’s federal structure.

“The meeting between Presidents Madobe and Deni is crucial for aligning regional strategies and presenting a united stance on key national matters,” a Puntland official told Caasimada Online, speaking on condition of anonymity.

The two leaders are longtime allies in advocating for a decentralized federal system, and their coordination is seen as a potential counterweight to the federal government’s growing centralization efforts in Mogadishu.

Election stalemate 

At the heart of the talks lies Somalia’s protracted electoral deadlock. Disagreements between the federal government and member states over the electoral framework, constitutional amendments, and power-sharing have stalled political progress and triggered renewed mistrust.

Both Madobe and Deni have publicly criticized President Hassan Sheikh Mohamud’s administration for what they view as top-down decision-making that marginalizes regional voices.

Analysts suggest this meeting could help forge a common position on election modalities and reinforce the call for a more inclusive, consensus-based political process.

The two regional states also share serious security concerns. Both Puntland and Jubbaland border key conflict zones and have been on the front lines in the fight against the al-Qaeda-linked al-Shabaab militant group.

Yet coordination with the federal government on security matters has often faltered, weakening national counterterrorism efforts. By strengthening regional security collaboration, Madobe and Deni may aim to fill operational gaps left by inconsistent federal engagement.

A country at a crossroads

The timing of the visit underscores its urgency. Somalia faces a complex mix of political paralysis, security instability, and humanitarian challenges, including displacement driven by climate shocks and conflict.

Recent tensions between Mogadishu and various regional administrations have heightened fears of a breakdown in federal cohesion. International partners, including the United Nations and the African Union, have called on Somali leaders to pursue genuine dialogue and avoid deepening divisions.

Though limited in scope, this meeting could mark a critical step toward re-establishing inter-regional trust and reinvigorating Somalia’s stalled political transition.

Ahmed Madobe has led Jubbaland since 2013. He began as a militia commander, later allied with Kenyan forces in the fight against al-Shabaab, and transitioned into political leadership. He secured his fourth term as president on November 25, 2024, amid controversy and federal objection.

Said Abdullahi Deni, Puntland’s president since January 8, 2019, previously served as Somalia’s planning minister. He was re-elected on February 8, 2024, and advocated for constitutional federalism and enhanced regional autonomy.

Xog: SACIID DENI oo kulan deg-deg ah isugu yeeray mas’uuliyiinta Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni ayaa lagu soo warramayaa in kulan deg-deg ah ah uu isugu yeeray mas’uuliyiinta maamukaasi, kaas oo looga hadlayo xaaladaha ka jira deegaanada Puntland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online kulankan ayaa qabsoomi doono Talaadada todobaadkan, wuxuuna ka dhacayaa xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daray in loo yeeray dhammaan guddoomiyeyaasha gobollada iyo kuwa degmooyinka, kuwaas oo lagu wargeliyay inay si buuxdo usoo xaadiraan shirka.

Sida qorshuhu yahay Madaxweyne Saciid Deni ayaa warbixin siin doono mas’uuliyiintan, isaga oo sidoo kale kala hadli doono xaaladda Puntland iyo dagaalka kooxda Daacish.

Waxaa kale oo lasoo warinayaa in suuragal yahay in kulankan ay ka qayb-galaan madax kale oo sar sare, isla markaana lagu soo qaado khilaafka haatan Puntland kala dhexeeyo dowladda Soomaaliya.

Deni ayaa wada abaabul xooggan, isaga oo haatan diiradda saaraya dagaalka kooxda Daacisha ee buuraha gobolka Bari, kaas oo guullo waawayn ay kasoo hoyeen ciidamada Puntand, waxaa kale oo jira in arrimaha siyaasadda uu karkarinayo, maadaama ay is hayaan Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul wasaare Xamza.

Dhowaan waxaa jirtay Muqdisho ay yimaadeen qaar kamid ah hoggaanka ururada siyaasadeed ee Puntland, kuwaas oo ka qayb-galay gogoshii uu dhigay Madaxweynaha Soomaaliya, xilli uu horay u diiday Madaxweynaha Puntland oo gebi ahaan qaadacay shirarka dowladda dhexe.

Arrimaha ayaa sii xoojinayo xiisadda u dhexeysa labada dhinac, taas oo saameyn toos ah ku yeelatay wada shaqeyntii Garoowe iyo Muqdisho oo gebi ahaanba meesha ka baxday.

Si kastaba ha ahaatee lama sida ay wax noqon doonan waxaase laga war sugayaa natiijada shirarka ka socda Muqdisho iyo Garoowe oo diiradda lagu saarayo arrimaha gudaha dalka.

Muungaab oo sameeyay isbeddalo kale oo waawayn, magacaabay xilal kale oo cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta sameeyay isbedalo waawayn, kadib wareegto uu soo saaray, taas oo isugu jirto magacaabis iyo xilka qaadis.

Muungaab ayaa Cali Macallin Xuseen u magacaabay Agaasimaha Waaxda Farsamada dhulka Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana xilkaas laga qaaday Yaasiin Nuur Ciise.

Duqa Muqdisho ayaa Mudane Cali Macallin Xuseen kula dardaarmay in uu dardargeliyo howlaha shaqo ee loo idmaday, gaar ahaan arrimaha dhulka Dowladda Hoose ee Xamar.

Sidoo kale, wareegto kale oo kasoo baxday xafiiska guddoomiye Muungaab ayaa waxaa mas’uuliyiin cusub loogu magacaabay waaxda warfaafinta ee gobolka Banaadir.

Wariye Xuseen Cabdulle Maxamed ayaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Warfaafinta ee Gobolka Banaadir, iyada oo xilalkii laga qaaday Xasan Cali Cabdiraxmaan iyo Cabdinaasir Xirsi Iidle.

Sidoo kale Wariye Farxiya Maxamed Yuusuf, ayaa iyadana loo magacaabay madaxa TV-ga ee Waaxda Warfaafinta Gobolka Banaadir.

Wariye Jacfar Maxamed Cali, ayaa isna loo magacaabay Madaxa Idaacada ee Waaxda Warfaafinta Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhammaan mas’uuliyiinta uu magacaabay u rajeeyay in ay dardargeliyaan howlaha shaqo ee Waaxda Warfaafinta Gobolka Banaadir.

Isbeddelkan ayaa qayb ka ah tallaabooyin dheeraad oo uu haatan wado Muungaab oo horay xilalkii uga qaaday guddoomiyeyaal degmo, isaga oo magacaabay kuwa kale oo cusub oo durbo xilalka la wareegay, waxaana arrintan ay qayb ka tahay qorshihiisa horumarineed ee caasimada.

Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa si dardar leh u shaqeynayey tan iyo markii uu xilka la wareegay, waxaana lagu tilmaamay nin aad u garanaya shaqada loo dhiibay iyo hoggaaminta gobolka.

Si kastaba ahaatee, Muungaab ayaa xilkan horay usoo qabtay waxaana guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho loo magacaabay sannadkii 2014, isaga oo intii uu hayay ku guuleystay hirgelinta qorsheyaal dib-u-habeyn ah oo lagu hagaajinayay maamul-wanaagga, nadaafadda magaalada, iyo amniga Muqdisho.

Waxaa kale oo uu horay usoo noqday guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo xilligaas caan ku noqday adkeynta sharciga iyo la dagaalanka dambiyada la xiriira amniga qaranka.

Heshiiskii Somaliland oo xaalad xun dhex-joojiyay Itoobiya – Maxaa dhacay?

Addis-Ababa (Caasimada Online) — Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, oo mar loo arkayay inuu yahay isbeddel-doon iyo xasiliyaha gobolka, ayaa hadda wajahaya dhaleecayn sii kordhaysa oo la xiriirta siyaasaddiisa arrimaha dibadda ee Badda Cas iyo Geeska Afrika, taasoo ah mid dhiirranaan leh balse sii kordhinaysa qalalaasaha. Falanqeeyayaashu Itoobiya waxay ka digayaan in siyaasaddani ay wiiqday saamayntii Itoobiya, kana soocday dunida inteeda kale diblomaasiyad ahaan, isla markaana ay halis gelisay danaha asaasiga ah ee qaranka.

Tan iyo markii uu xukunka la wareegay sannadkii 2018-kii, Abiy waxa uu dib u qaabeeyey xaaladda Itoobiya ee ah waddan aan bad lahayn, isagoo ku tilmaamay dhibaato “jiritaanka halis gelinaysa.” Ololihiisa gardarrada ah ee uu ku doonayo inuu ku helo marin badeed—oo si weyn uga duwan diblomaasiyaddii taxaddarka lahayd ee hoggaamiyeyaashii isaga ka horreeyay—ayaa kiciyey deriskiisa waxayna xiisadaha gobolka gaarsiiyeen heerkii ugu sarreeyay ee abid ugu halista badnaa.

“Baahida Itoobiya u qabto deked waa mid dhab ah,” ayuu yiri Surafel Getahun, oo ah falanqeeye arrimaha Geeska Afrika. “Laakiin sida uu Abiy u maray—oo ahayd tallaabooyin hal dhinac ah oo khatar badan iyo hadallo iska hor imaad kicinaya—waxay dalka ka dhigtay mid ka nugul oo ka go’doonsan sidii hore.”

Heshiis dib u dhac keenay: Is-afgaradkii Somaliland (MoU)

Tallaabadii ugu muranka badnayd waxay timid bishii Jannaayo 2024, markaasoo Itoobiya ay Is-afgarad (Memorandum of Understanding – MoU) la saxiixatay Somaliland—gobol iskiis madaxbannaani ugu dhawaaqay oo ka tirsan Soomaaliya. Heshiiskan, oo ay Itoobiya ku bixin lahayd aqoonsi suurtagal ah oo ay siinayso madaxbannaanida Somaliland, waxay ku helaysay kiro 20 kilomitir oo xeeb ah muddo 50 sano ah si ay uga dhisto saldhig ciidan badeed iyo inay hesho marin deked ganacsi.

Canbaaraynta ka dhalatay heshiiskaas waxay ahayd mid degdeg ah oo aad u daran.

Soomaaliya waxay heshiiska ku tilmaantay duullaan toos ah oo lagu qaaday madaxbannaanideeda, waxayna u yeeratay safiirkeedii, iyadoo arrinta horgeysay Midowga Afrika (African Union), Qaramada Midoobay (United Nations), iyo Ururka Jaamacadda Carabta (Arab League).

Midowga Afrika wuxuu ku celiyay taageeradiisa midnimada dhuleed ee Soomaaliya, halka Masar iyo dalalka Khaliijka, oo ka walaacsan dardarta sii kordhaysa ee Itoobiya, ay walaac ka muujiyeen saamaynta xasilooni-darrada ah ee uu heshiisku keeni karo.

“Intii uu furi lahaa fursado cusub, is-afgaradkii Somaliland wuxuu kiciyay duufaan diblomaasiyadeed,” ayuu yiri Getahun. “Wuxuu Itoobiya ka fogeeyay deris muhiim ah, wuxuu la kulmay cambaarayn ballaaran, mana u keenin wax faa’iido istiraatiiji ah oo cad.”

Halkii uu ka xoojin lahaa qadiyadda aqoonsi-raadinta ee Somaliland, heshiisku wuxuu daaha ka rogay go’doonkeeda. Dhanka kale, dedaalka Itoobiya ee ay ugu jirto helitaanka dekedo kale ayaa shaki geliyey Jabuuti—oo ah marinka ganacsigeeda ugu weyn—wuxuuna sababay in kormeerayaasha gobolka iyo kuwa caalamkuba ay ka digaan halista colaad hor leh oo ka qaraxda Geeska Afrika.

Xiriirka sii xumaanaya ee Eritrea iyo Jabuuti

Heshiiskii nabadeed ee Abiy uu la galay Eritrea sannadkii 2018-kii, oo markii hore loo arkayay mid taariikhi ah, ayaa abuuray rajo ah in xiriirku caadi noqdo lana helo marin Badda Cas ah oo laga sii maro dekedaha Casab ama Massawa. Laakiin xiriirkaasi si dhakhso ah ayuu u xumaaday.

Faragelintii milateri ee Eritrea ee dagaalkii Tigray, oo ay garab kaga siisay ciidamada Itoobiya, ayaa dhalisay cambaarayn caalami ah waxayna sii dhaawacday sumcaddii caalamiga ahayd ee Itoobiya. Ciidamada Eritrea ayaa weli ku sugan meel u dhow xudduudda Itoobiya, rajadii laga qabay in dekedo laga helo ayaana hadda u muuqata mid aad u fog.

“Wixii ku bilowday nabad lagu mutaystay abaalmarinta Nobel waxay isu beddeshay culays istiraatiiji ah,” ayuu yiri Getahun. “Asmara weli kalsooni-darro weyn ayay qabtaa, rajadii Itoobiya ee dekedaha Eritrea gebi ahaanba way meesha ka baxday.”

Saamaynta ka dhalatay damaca Abiy ee Badda Cas ayaa dhaafsiisan Soomaaliya iyo Eritrea.

Jabuuti—oo hadda maamusha in ka badan 95% ganacsiga Itoobiya—waxaa ka shakisay dedaallada Itoobiya ee dhanka Somaliland. Jabuuti, oo ahaan jirtay saaxiib la isku halleyn karo, waxay bilowday inay kala duwato macaamiisheeda, iyadoo yaraynaysa ku tiirsanaanteeda xamuulka Itoobiya si ay uga gaashaamato hubanti la’aan siyaasadeed oo dheeraad ah.

Dalka Suudaan, dagaalka sokeeye wuxuu gebi ahaanba xiray jidkii Dekedda Port Sudan. In kasta oo aanay tani toos uga dhalan siyaasadda Itoobiya, haddana xasilooni-darradu waxay meesha ka saartay marin muhiim ah oo kale waxayna abuurtay khataro cusub oo dhinaca ammaanka ah oo ka jira xudduudda waqooyi-galbeed ee Itoobiya.

Kenya waxay weli tahay saaxiib xasilloon, laakiin kaalin xaddidan ayay ku leedahay helitaanka dekedaha Itoobiya, iyadoo diiradda saaraysa dekedaha Badweynta Hindiya sida Mombasa iyo Lamu.

Xasilooni-darro gudaha ah iyo awood milateri oo fidsan

Gudaha dalka, ciidanka Itoobiya weli waa mid aad u fidsan oo daallan. Dagaalkii ba’naa ee Tigray, oo cunay awood milateri iyo mid siyaasadeed oo aad u weyn, waxaa xigay rabshado cusub oo ka qarxay deegaannada Amxaarada iyo Oromada.

“Itoobiya waxay la tacaalaysaa dabab badan oo gudaha ah iyadoo isku dayaysa inay awooddeeda dibadda ku muujiso—taasina waa khatar,” ayuu ka digay Getahun. “Waxay wiiqaysaa awoodda dalka uu gobolka ku hoggaamin karo ama uu ku difaaci karo danihiisa ballaaran.”

Doorkii soo jireenka ahaa ee Itoobiya ee ahaa tiirka amniga Geeska Afrika—oo ay ku jiraan hawlgallada la dagaallanka argagixisada ee Soomaaliya—ayaa hoos u dhacay. Qalalaasaha gudaha ayaa xaddiday awooddeeda ay kaga qayb qaadan karto hawlgallada nabad-ilaalinta ee dhinacyada badan leh ama dedaallada xasilinta gobolka.

Istaraatiijiyad iskeed isu wiiqaysa

Falanqeeyayaashu waxay ka digayaan in habka Abiy uu wiiqayo hadafyadii loo qorsheeyay inuu gaaro.

  • Go’doon diblomaasiyadeed: Siyaasadda gardarrada ah ee Itoobiya waxay ka fogaysay deris muhiim ah waxayna daciifisay codkeeda wada-xaajoodyada muhiimka ah—laga soo bilaabo wada-hadallada biyo-xireenka GERD ee Masar ilaa heshiisyada ganacsiga gobolka.
  • Dayacnaan dhaqaale: Is-afgaradkii Somaliland kuma guulaysan inuu keeno marin badeed, wuxuuna dhaawacay xiriirkii Jabuuti, oo ah halbowlaha nolosha Itoobiya ee hadda. Carqalad kasta oo ku timaadda Jabuuti waxay keeni kartaa masiibo.
  • Xiisado sii kordhaya: Heshiisku wuxuu sare u qaaday xiisadda kala dhaxaysa Soomaaliya wuxuuna horseeday loollan cusub oo gobolka ah, iyadoo Masar iyo dalalka Khaliijku ay ka faa’iidaysanayaan khilaafaadka Itoobiya.
  • Culays milateri oo xad-dhaaf ah: Ballanqaadyada milateri ee jihooyin badan—gudaha iyo dibaddaba—ayaa daciifinaya awoodda Itoobiya ay si wax-ku-ool ah ugu maareyso khataraha.
  • Sumcad-xumo: Itoobiya, oo mar loo arkayay xasiliye gobolka, ayaa hadda si isa soo taraysa loogu arkaa inay tahay awood xasilooni-darro wadda oo ka baxsan xeerarka caalamiga ah.

“Itoobiya waxay bixinaysaa qiime sare oo ku wajahan istaraatiijiyad loogu talagalay in lagu sugo mustaqbalkeeda,” ayuu yiri Getahun. “Intii ay ballaarin lahayd saamaynteeda, way wiiqday.”

Maamulladii hore ee Itoobiya—in kasta oo ay si isku mid ah uga warqabeen baahida loo qabo dekedaha—waxay doorteen habab taxaddar badan. Waxay ka shaqeeyeen hay’adaha gobolka sida Midowga Afrika (AU) iyo Urur-goboleedka IGAD, waxay xiriir deggan la lahaayeen Jabuuti, waxayna raadinayeen guulo aayar-socod ah oo aan buuq lahayn halkii ay ka raadin lahaayeen heshiisyo waaweyn oo warbaahinta qabsada.

“Digniino kama dambays ah iyo keli-talisnimo ayaa astaan u ah siyaasadda Abiy,” ayuu yiri Getahun. “Laakiin iyadoo dalku wajahayo xasilooni-darro gudaha ah oo qoto dheer, tani waa xilligii loo baahnaa diblomaasiyad, ee aan loo baahnayn qarka-saarnaan.”

Gunaanad: Qaran ku dhex lumay biyo qallafsan

Istaraatiijiyadda Badda Cas ee Itoobiya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed waxay noqotay tusaale muujinaya xad-gudub. Waxa ku billaabatay isku-day geesinimo leh oo lagu xallinayo caqabad qaran oo muhiim ah, waxay dad badan isku raacsan yihiin inay dalka gelisay xaalad ka sii halis badan.

“Hirarka istiraatiijiga ah ee Badda Cas waa kuwo qallafsan,” ayuu kusoo gabagabeeyay Getahun. “Itoobiyana, hagidda ay hadda ku socoto, waxay halis ugu jirtaa inay ka sii fogaato badqabka—kuna sii dhacdo dhibaato qoto dheer.”

Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in dib u hanashada saamayntii luntay ay u baahan tahay in lagu laabto diblomaasiyadda dhinacyada badan leh, dib-u-habeyn lagu sameeyo xiriirka deriska, iyo in diiradda la saaro midnimada gudaha. Haddii aan isbeddelkaasi la samayn, qaranku wuxuu isku arki karaa isagoon deked lahayn oo keliya, balse sidoo kale aan lahayn jiheeye.

Ciidamada DF iyo AUSSOM oo dagaal kula wareegay maanta deegaan muhiim ah

0

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka AUSSOM oo qaaday howlgal culus ay la wareegeen deegaanka Sabiid iyo Caanoole oo indhowaanahan ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa dagaal adag la galay Al-Shabaab, kadibna waxa ay ka faramaroojiyeen deegaankaasi oo ah mid istaraatiiji ah oo u dhow degmada Afgooye.

Labada dhinac ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyada oo mar dambe laga adkaaday maleeshiyaadka Al-Shabaab oo jab culus lagu gaarsiisyay dagaalka.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka warbixiyay xaaladda deegaanka, wuxuuna sheegay inay si buuxdo gacanta ugu hayaan ciidamada Xoogga iyo kuwa dowladda Uganda ee ku sugan halkaas.

Najax ayaa u hambalyeeyay ciidamada qabtay Sabiid iyo Canoole, isaga oo sheegay inay sii socon doonaan howlgallada xoreynta ee gobolka.

“Marka ugu horreyso waxaan rabaa inaan halkan uga hambalyeeyo ciidamada qaranka iyo saaxibada kale ee ka socda dowlada Uganda ee runtii maanta gacanta ku dhigay, kana sifeeyay deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee degmada Afgooye kooxda Khawaarijta ah oo muddooyinkii ugu dambeeyay shacabka ku dhibaateynaayay halkaasi” ayuu yiri Najax.

Sidoo kale wuxuu ballan qaaday in ka maamul ahaan ay hormuud u noqon doonaan dagaallada Shabeellaha Hoose looga xoreynayo argagixisada, ayna garab siin doonaan ciidamada.

“Annaga haddaa nahay maamulka gobolka waxaan ballan qaadeynaa in geedaha hoostooda iyo meel walbaba aan u tagi doono, aana la howlgeli doono ciidamada” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu farriin culus u diray dadka deegaanka, isaga oo ugu baaqay inay qaataan doorkooda, ayna u istaagaan sidii gobolka looga saari lahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Sidaas si lamid ah waxaan rabaa inaan baaq u diro shacabka ku nool gobolka Shabeellaha Hoose ogaada dalkiinii waxaa jooga ka dagaalamayaa nolol idin diidan koox Khawaarij ah oo weligeeda soo jirtay oo kaliya taqaano is la’iska celiyo” ayuu markale yiri gudoomiyuhu.

Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Shabaab, waxaana badanaa ay kasoo abaabushaa weerarada tooska ah iyo kuwa qaraxyada ay ka fuliso gudaha caasimada waxaase hadda ka socda guluf culus oo looga xoreynayo gobolkaasi.

Xisbiyadii ugu badnaa oo ka horyimid qodobada ka soo baxay shirkii Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Illaa 10 xisbi Siyaasadeed oo ku mideysan Isbahaysiga Caddaaladda iyo Rajo Soo celinta Soomaaliyeed (ICRSOS) ayaa soo saaray bayaan culus oo ku aadan xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka taagan doorashooyinka 2026.

Xisbiyadan ayaa ugu horeyntii si weyn uga horyimid qodobada kasoo baxay Gogoshii Wadatashiga Qaran ee uu dhowaan magaalada Muqdisho ku qabtay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban qoddobo door ah sida: arrimaha doorashooyinka, ilaalinta midnimada dalka iyo dhamaystirka dastuurka, oo muran xooggaan ka taagan yahay.

“Gogoshu waxay isla qaadatay in doorasho dadban nooc kasta oo ay tahay aan dib loogu noqon. Iyadoo laga ambaqaadayo khibradaha dhanka dimuqraadiyaynta iyo doorashooyinka ee maamullada Somaliland iyo Puntland, gogoshu waxaa ay hoosta ka xariiqday in si deg-deg ah loo qabto doorashada dawladaha hoose ee deegaanada kale ee dalka,” ayaa lagu yiri war-murtiyeed kasoo baxay shirki uu qabtay Madaxweyne Xasan.

10-ka Xisbi ee haatan soo saaray bayaanka ayaa waxa ay cambaareyn kala dul dhaceen shirka ay Villa Soomaaliya ku qabatay magaalada Muqdisho, waxayna ku tilmaameen mid noqday sharci-darro oo ka leexday heshiisyadii siyaasadeed ee hore Ummadda Somaaliyeed u gaartay uuna isku beddalay shirkaasi madal hal xisbi isku ah.

Ururada ayaa sidoo kale ku baaqay midnimo siyaasadeed, doorasho loo dhan yahay iyo in la ilaaliyo dastuurka u yaalla dalka oo ay sheegeen inuu horay u laalay Xasan Sheekh.

Waxaa kale oo ay si adag u cambaareeyeen weeraro ay sheegeen in lagu hayo ururrada siyaasadeed ee sharciga ah iyo abuurista xisbiyo been abuur ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Xisbiyadan ku mideysan Isbahaysiga Caddaaladda iyo Rajo Soo Celinta Soomaaliyeed (ICRS) waxa ay intaasi ku dareen in loo baahan yahay in si midnimo ah loo wajaho xaaladda taagan, si looga hortago burbur ku yimaada dowladnimada Soomaaliya.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan loo ballansan yahay shir kale oo ay yeelan doonaan Madaxweynaha iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee la baxay Golaha Samatabixinta, kaas oo isna looga hadli doono is mariwaaga siyaasadeed ee ka taagan gudaha dalka.

Soomaaiya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo cakiran, waxaana la’isku hayaa qorshaha Villa Somalia ay ku dooneyso qabashada doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay walaac xooggan ka muujinayaan Puntland, Jubaland iyo syaasiyiinta mucaaradka dalka.

Israa’iil oo wajaheysa xaalad ku qasbeysa in ay si deg deg ah u joojiso dagaalka IRAN

Tel Aviv (Caasimada Online) – Sida lagu sheegay qiyaaso hordhac ah, iska horimaadka Israa’iil ay kula jirto Iiraan ayaa dalkaas ugu kacaya boqollaal milyan oo dollar maalintii, waana kharash xaddidi kara awoodda ay Israa’iil u leedahay inay gasho dagaal muddo dheer socda.

Sida ay khubaradu sheegeen, qeybta ugu weyn ee kharashkan ayaa ah gantaallada difaaca cirka ee loo adeegsado burburinta kuwa ay soo riday Iiraan, kuwaas oo keligood ku kici kara inta u dhaxeysa tobanaan milyan ilaa $200 oo milyan maalintii. Waxaa sidoo kale kharashkaas qeyb ka ah rasaasta iyo diyaaradaha dagaalka, waxaana intaas dheer burbur baaxad leh oo soo gaaray dhismayaasha. Qiyaasaha qaar ayaa tilmaamaya in dib-u-dhiska iyo dayactirka burburka uu Israa’iil ugu kici karo ugu yaraan $400 milyan.

Kharashka sii kordhaya ayaa saaraya Israa’iil culeys ah inay si degdeg ah usoo afjarto dagaalka.

Saraakiisha Israa’iil ayaa sheegay in howlgalkan cusub uu socon karo labo toddobaad, halka Ra’iisul Wasaaraha, Benjamin Netanyahu, uusan muujin wax astaan ah oo uu ku joojinayo dagaalka ilaa ay Israa’iil ka xaqiijiso dhammaan hadafyadeeda. Hadafyadaas waxaa ka mid ah ciribtirka barnaamijka Nukliyeerka Iiraan, iyo sidoo kale awooddeeda soo saarista iyo keydka gantaallada baallistikada ah. Hase yeeshee, dagaalku waa mid kharash badan.

“Arrinta ugu weyn ee sida dhabta ah u go’aamin doonta kharashka dagaalka waa muddada uu soconayo,” ayay tiri Karnit Flug, guddoomiyihii hore ee Bankiga Israa’iil, haddana ah khabiir sare oo ka tirsan machadka fikirka ee Israel Democracy Institute. Flug waxay sheegtay inay aaminsan tahay in dhaqaalaha Israa’iil uu u adkeysan karo olole kooban. “Haddii uu socdo toddobaad, waa arrin,” ayay tiri. “Laakiin haddii uu gaaro labo toddobaad ama bil, markaas waa sheeko aad u kala duwan.”

Maalmihii la soo dhaafay, Iiraan waxay in ka badan 400 oo gantaal ku soo riday Israa’iil, sida ay sheegtay dowladda Israa’iil, kuwaasoo u baahan habab difaac cirka oo casri ah si loo joojiyo. Gantaallo badan waxay inta badan ka dhigan yihiin kharash badan oo ku baxa difaaca.

Nidaamka David’s Sling, oo ay si wadajir ah u horumariyeen Israa’iil iyo Mareykanka, wuxuu soo ridi karaa gantaallada riddada dhow ilaa kuwa fog, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo diyaaradaha kale. Wuxuu ku kacayaa qiyaastii $700,000 mar kasta oo la hawlgeliyo, iyadoo la adeegsanayo labo gantaal oo difaac ah, taasoo ah tirada ugu yar ee sida caadiga ah la rido, sida uu sheegay Yehoshua Kalisky, cilmi-baare sare oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Amniga Qaranka (Institute for National Security Studies) ee fadhigiisu yahay Tel Aviv.

Arrow 3, nidaam kale oo la adeegsanayo, wuxuu difaac ka yahay gantaallada baallistikada ah ee riddada dheer, kuwaas oo gaara meel ka baxsan dulka sare ee dhulka, wuxuuna ku kacayaa qiyaastii $4 milyan halkii gantaal ee la iska celiyo, sida uu sheegay Kalisky. Nooc ka duugsan oo loo yaqaan Arrow 2, wuxuu ku kacayaa qiyaastii $3 milyan halkii gantaal.

Kharashyada kale ee milateri waxaa ka mid ah qiimaha tobannaan diyaaradood oo dagaal, sida F-35, oo saacado badan ku jira hawada meel u jirta ilaa 1,000 mayl dhulka Israa’iil. Diyaarad kasta waxay saacaddii duulimaadka ku kacdaa qiyaastii $10,000, sida uu sheegay Kalisky. Sidoo kale, waa in lagu xisaabtamaa kharashka shidaal ku shubidda diyaaradaha iyo rasaasta, oo ay ku jiraan bambooyinka noocyadoodu yihiin JDAMs iyo MK84s.

“‘Maalin kasta, aad ayuu uga kharash badan yahay dagaalka Gaza ama kan Xisbullah. Farqiga oo dhanna wuxuu ka imaanayaa rasaasta, ha noqoto tan difaaca ama tan weerarka. Taasi waa kharashka ugu ballaaran,'” ayuu yiri Zvi Eckstein, oo madax ka ah Machadka Aaron ee Siyaasadda Dhaqaalaha ee Jaamacadda Reichman ee Israa’iil.

Sida lagu sheegay qiyaas uu sameeyay machadku, dagaal bil socda oo lala galo Iiraan wuxuu ku kici doonaa qiyaastii $12 bilyan.

Kharashka milateri ee Israa’iil ayaa kordhay tan iyo markii uu dagaalku bilowday, haddana dhaqaaleyahannadu ma saadaalinayaan hoos u dhac dhaqaale xilligan, ayuu yiri Eckstein. Qeybo badan oo ka mid ah dhaqaalaha Israa’iil ayaa hakad galay maalmihii la soo dhaafay sababo la xiriira weerarada Iiraan. Waxaa shaqada loo yeeray oo keliya shaqaalaha ka shaqeeya warshadaha nolosha muhiimka u ah, waxaana la xiray ganacsiyo badan sida maqaayadaha. Garoonka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalka ayaa xirnaa dhowr maalmood, balse hadda waxaa loo furay duulimaadyo kooban oo dalka kusoo celinaya dadkii dibedda ku xayirnaa.

Isniintii, hay’adda qiimeynta ee S&P ayaa soo saartay falanqeyn ku saabsan khatarta ka dhalan karta xiisadda Israa’iil iyo Iiraan, laakiin ma aysan beddelin aragtideeda ku aaddan qiimeynta deynta dalkaas. Suuqyada Israa’iil ayaa Arbacadii gaaray heerkii ugu sarreeyay abid, iyagoo sii waday inay ka hormaraan jaangooyooyinka suuqyada Mareykanka inkastoo ay jirto colaadda Iiraan, taasoo muujineysa rajo ah in dagaalku ku dhammaan doono guul ay gaarto Israa’iil. Dhaqaaleyahannada qaar ayaa sheegaya in suuqyadu ay u muuqdaan inay aaminsan yihiin in dhaqaalaha Israa’iil uu muujin doono adkeysi, sidii uu sameeyay 20-kii bilood ee dagaalka Gaza uu socday.

Hase ahaatee, burburka ka dhashay weerarada gantaallada Iiraan ayaa noqon doona mid isbiirsada. Injineeradu waxay sheegeen in burburka ay geysteen gantaalaha waaweyn ee baallistikada ahi uusan ahayn mid ay arkeen tobannaankii sano ee dagaalladii hore ee Israa’iil. “Boqollaal dhisme ayaa gebi ahaanba burburay ama si weyn u waxyeelloobay, waxayna ku kici doonaan boqollaal milyan oo dollar si dib loogu dhiso ama loo dayactiro,” ayuu yiri Eyal Shalev, oo ah injineer dhisme oo loo xilsaaray qiimeynta burburka soo gaaray kaabayaasha rayidka.

Shalev wuxuu ku qiyaasay inay ku kici doonto ugu yaraan tobanaan milyan oo dollar dayactirka hal dhisme oo kuwa dhaadheer ah oo dhowaan laga dhisay bartamaha Tel Aviv, kaasoo ay saameeyeen duqeymuhu.

In ka badan 5,000 oo qof ayaa guryahooda laga daadgureeyay sababo la xiriira burburka gantaallada, qaar ka mid ahna waxaa la dejiyay hoteello ay dowladda kharashkooda bixineyso, sida ay sheegtay Agaasinka Qaran ee Diblomaasiyadda Dadweynaha ee Israa’iil (Israel’s National Public Diplomacy Directorate).

Welwelka ugu weyn ee Israa’iil wuxuu ahaa bartilmaameedsiga kaabayaasha aas-aasiga ah ee dalka. Laba weerar oo lagu qaaday warshadda saliidda ee ugu weyn Israa’iil ee waqooyiga dalka ayaa horseeday in la xiro, waxaana ku dhintay saddex ka mid ah shaqaalaha warshadda. Shaqaalaha qaarkood ee ka shaqeeya warshadaha xasaasiga ah ama muhiimka ah ayaa lagu amray maalmihii la soo dhaafay inaysan shaqada imaan, sida uu sheegay Dror Litvak, agaasimaha guud ee ManpowerGroup Israel, oo dalka ka shaqaaleysiiya in ka badan 12,000 oo qof.

Arbacadii, Taliska Difaaca Gudaha ee Israa’iil ayaa sheegay inay qeyb ahaan qaadi doonaan xayiraadda isku imaatinka—iyagoo oggolaanaya ilaa 30 qof inay isugu yimaadaan—iyo in goobaha shaqada ee dalka intiisa badan dib loo furi karo illaa iyo inta ay jirto gabbaad u dhow.

Laakiin iyadoo dugsiyadii weli xiran yihiin, waalidiin badan ayaa la daalaa dhacaya sidii ay isugu dheellitiri lahaayeen shaqada guriga laga wado iyo maaweelinta carruurtooda, xilli uu socdo olole kale oo milateri.

Ariel Markose, oo 38 jir ah, ahna madaxa istiraatiijiyadda ee hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo Israa’iil ah, ayaa hadda wicitaannadeeda shaqo ee subaxdii ka qabata beer ku taal Jerusalem halkaas oo ay dhowr saacadood la qaadato afarteeda carruur ee yaryar. Waxay guriga ku laabataa abbaare 4-ta galabnimo waxayna sii wadataa shaqada halka ninkeedu uu la wareegayo carruurta.

“Waxaa jira qoysas gebi ahaanba culayskan la burburaya,” ayay tiri.

Sawirro muujinaya burburka Israel ka soo gaaray dagaalka

Mucaaradka Xasan oo is-dhaafiyey fursad dahabi ah

Soomaaliya waxay mar kale taagan tahay isgoys taariikhi ah—mid xambaarsan rajo horumar, midnimo, iyo dib-u-habeyn dimuoraadi ah oo muddo dheer la haminayey. Baaqii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhawaan ku dhawaaqay, oo ahaa in Muqdisho lagu qabto shir qaran oo loo dhan yahay, wuxuu dhigay bog cusub oo muhiim ah oo ku saabsan safarka siyaasadeed ee Soomaaliya. Ujeeddada saldhigga u ah hindisahan waa mid geesinimo leh: in la hirgeliyo nidaamka “hal qof, hal cod” si ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed dib ugu helaan awooddii ay ku dooran lahaayeen hoggaankooda, kaddib tobannaan sano oo siyaasadda ay xukumayeen nidaamyo qabaa’il iyo awood qaybsi lagu heshiiyey.

Bilowgii, hoggaamiyeyaal badan oo mucaarad ah ayaa si diirran u soo dhaweeyay hindisaha madaxweynaha—taas oo ahayd astaan muujinaysay rajo laga qabo in dalka u gudbo marxalad wadahadal miro dhal ah. Balse rajadaas waxay noqotay mid cimri gaaban. Dhowr maalmood gudahood, qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashii ugu horreeyay ee taageeray hindisaha ayaa ka laabtay, diidayna inay ka qaybgalaan madashii furneyd ee loogu talagalay in lagu xalliyo welwelkooda siyaasadeed ee muddo dheer ay ka cabanayeen.

Su’aal la xiriirta mas’uuliyadda siyaasadeed?

Isbeddelkaas lama filaanka ah wuxuu keenayaa su’aalo culus: Haddii aysan hadda suurtagal ahayn, goorma ayay noqon doontaa? Haddii aan wadahadalka lagu xallin, sidee kale?

Muddo tobannaan sano ah, Soomaaliya waxay ku shaqaynaysay nidaamka 4.5 ee ku saleysan qabiilka, halkaas oo odayaal iyo kooxo siyaasadeed gaar ah ay si qarsoodi ah u magacaabi jireen xildhibaannada. Inkastoo nidaamkani uu gacan ka gaystay ilaalinta xasillooni dhismeed, haddana wuxuu hor istaagay kobaca dimoqraadiyadeed. Hadda oo dalka u jeestay dhanka cod-bixin dadweyne oo guud, xitaa haddii ay dhaliil leedahay, tallaabadaasi waxay ka turjumaysaa rabitaanka sii kordhaya ee shacabka Soomaaliyeed ay u qabaan in ay si toos ah u doortaan hoggaamiyeyaashooda.

Dabcan, tallaabooyinka uu qaaday madaxweynuhu—sida ansixinta dastuurka ku-meelgaarka ah ee wax laga beddelay iyo magacaabista Guddiga Doorashooyinka Qaranka—waxay kicisay cabashooyin. Qaar ayaa ku doodaya in arrimahan lagu dhaqaaqay iyadoo aan lala tashan dowlad-goboleedyada iyo daneeyayaasha kale ee muhiimka ah. Cabashooyinkaas waa sharci, waxaana mudan in si furan looga doodo. Laakiin maxay tahay madasha ka wanaagsan in lagaga doodo arrimahaas, haddii aysan ahayn shir qaran oo shacabka hortiisa ah?

Qeexidda sharciyadda mucaaradka

Iyadoo uu shirkii Muqdisho socday, arrin kale oo muran dhalisay ayaa soo baxday: qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ka baaqday shirka waxay ku tilmaameen saaxiibadoodii hore—kuwa shirka ka qaybgalay—in aysan ahayn sharciyad. Waxay sheegeen in kuwa la fariistay madaxweynaha aysan ahayn daneeyayaal siyaasadeed oo sharci ah. Tani waxay keeneysaa su’aalo degdeg ah: Yaa go’aamiya cidda daneeyaha ka ah geedi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya? Yaa siiyay dad gaar ah xuquuq gaar ah oo ay mucaaradka ugu matalaan?

Arrintani waa mid gaar ahaan walaac abuureysa sababtoo ah qaar badan oo kamid ah xubnaha ka qayb-galay shirka ayaa horay u garab taagnaa dadka hadda dhaleecaynaya—kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwii isugu yimid kulankii Hotel Jazeera oo ay kasoo qayb galeen madaxweynayaashii hore, ra’iisul wasaareyaashii hore iyo musharraxiintii dhawaan tartanka ka qayb-galay.

Haddii shaqsiyaadkan loo aqoonsaday inay yihiin daneeyayaal muhiim ah markii ay ka qayb galeen kulankii Hotel Jazeera, maxay tahay sababta hadda qaar ka mid ah loogu diidayo xaqnimadooda oo ay ku waayeen kaliya inay doorteen wadahadal halkii ay go’doomin lahaayeen?

Kala-soocidda noocan ahi waxay dhaawac ku tahay midnimada mucaaradka, waxaana ay sidoo kale wiiqaysaa mabda’a aasaasiga ah ee siyaasadda isku-duubnida badan. Hoggaan dhab ah wuxuu soo dhoweyaa xeeladaha iyo dooddaha kala duwan; uma isticmaalo xaqnimada siyaasadeed si hub ahaan loogu dagaallamo.

Arrinta muhiimka ah ee laga hadlayaa waa su’aashan: Yaa si fiican ugu habboon inuu la xisaabtamo madaxweynaha—kuwa qolka gudihiisa jooga ee tooska ula hadlayaa, mise kuwa bannaanka ka daawanaya?

Haddii qaar ka shakisan yihiin in madaxweynuhu qorshe doorasho oo qarsoon ku daboolayo magaca doorasho dadweyne, habka ugu fiican ee looga hortegi karo waa in toos loo wajaho, lagula xisaabtamo, isla markaana lagu soo bandhigo fagaaraha wadahadalka—ma aha in la qaadaco goobta ay go’aannadu ka dhacayaan.

Wadahadalka ma ahan is-dhiibid

Waxaa muuqata in qaar kamid ah mucaaradku ay isku qasayaan wadahadalka iyo is-dhiibitaanka. Laakiin ka qaybgalka wadahadalka macnihiisu ma aha inaad taageertay go’aammada dowladda—ee waa inaad booskaaga miiska ka qaadato, codkaagana u isticmaasho inaad saamayn ku yeelato natiijada. Marka ay wadahadalka isaga baxaan, hoggaamiyayaasha qaarkood ee mucaaradku waxay luminayaan saamayntooda, mana xoojinayaan.

Maqnaashahoodu wuxuu sii muuqanayaa marka la eego xubno kale oo mucaarad ah—kuwaas oo geesi ah isla markaana siyaasad ahaan qaangaaray—kuwaas oo fadhiyay hoolka shirarka ee Muqdisho, si toos ahna ula hadlay madaxweynaha, isla markaana soo bandhigay aragtidooda mustaqbalka Soomaaliya. Dadkani waxay fahmeen in mucaarad dhab ah ay tahay in xalal kale la keeno, mana aha in wadahadalka laga fogaado.

Sida Nelson Mandela mar uu yiri: “Haddii aad rabto inaad nabad la samayso cadowgaaga, waa inaad la shaqaysaa cadowgaaga, dabadeed wuxuu noqonayaa saaxiibkaaga.” Soomaaliya uma baahna cadow badan, waxay u baahan tahay shuraako dalka dhisa.

Dadka Soomaaliyeed way la socdaan

Yaan la yaraysan heerka wacyiga siyaasadeed ee uu gaaray shacabka Soomaaliyeed. Kaddib sannado dagaal, barakac iyo ka saarid siyaasadeed, hadda waxay doonayaan in ay cod ku yeeshaan mustaqbalkooda. Cod-bixintu uma aha oo keliya fal siyaasadeed—ee waa astaan muujinaysa sharaf, ka mid ahaansho iyo rajo.

Iyadoo la diidayo wadahadalka, hoggaamiyeyaasha mucaarad ah ayaa shacabka ka diidaya fursadda ay ku arki lahaayeen mas’uuliyad siyaasadeed oo ficil ahaan u dhacaysa. Soomaaliya waxay u baahan tahay geedi socod hufan, halkaas oo hoggaamiyayaasha si furan loogu xisaabtami karo—ma aha oo keliya shir jaraa’id iyo qoraallo baraha bulshada lagu soo bandhigo.

Sida ay Soomaalidu ku maahmaahdo: “Nin aan talin jirin, tuug baa u talin jirtay.”

Dadka Soomaaliyeed waxay doonayaan inay soo ceshtaan xaqooda ah inay go’aamiyaan—doorasho, diidmo iyo inay dalbadaan wax ka fiican.

Hoggaamiyayaasha isaga baxa nidaamkan waxay halis ugu jiraan inay ka harayaan dadkii ay sheeganayeen inay matalaan. Diidistoodu waxay sidoo kale diraysaa fariin dhaawac leh: taasoo ah inay wali door-bidayaan geeddi-socodka shisheeye ee Xalane halkii ay ka doorbidi lahaayeen wadahadal Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu qabto—oo fool-ka-fool loola kulmayo madaxweynaha iyo shacabka, kuna dhacaya si xor ah, oo aan cadaadis ama dhex-dhexaadin shisheeye ku jirin.

Aragtidan waxay muujinaysaa ku tiirsanaan joogto ah oo ku saabsan faragelinta shisheeye iyo kalsooni darro ka muuqata awoodda dadka Soomaaliyeed inay arrimahooda xalliyaan. Halkii ay ka faa’iideysan lahaayeen fursaddan ay miiska ku fariisan lahaayeen, waxay dib u dhigayaan xal dhab ah oo Soomaaliyeed—waxayna ku dheggan yihiin nidaam hore oo ku dhisan kaalmada dibadda, howlgalka Qaramada Midoobay, iyo ilaalinta Cutubka Toddobaad oo ah nidaamkii siyaasiyiinta loogu quudin jiray siyaasadda, waxaana laguna curyaamin jiray hal-abuurka Soomaalida.

Gunaanad

Dimoqraadiyadda laguma dhiso hal maalin, cidina kama filayso in Soomaaliya ay si fudud uga gudubto arrimahan. Laakiin inaad ka baxdo goobta ay yaalliin fursadaha isbeddelka—iyadoo xubno kale oo dhinacaaga ah ay doorteen inay sii joogaan oo u dagaallamaan xuquuqda shacabka—ma aha xeelad siyaasadeed, waa is-dhiibid siyaasadeed.

Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu ku xiranyahay hoggaamiyeyaal yimaada, codkooda soo bandhiga, oo u istaaga horumarka. Su’aashuna waxay tahay: yaa lagu xusuusan doonaa inuu qayb ka ahaa mustaqbalkaas?

Waxaa English ku qoray Mohamed Dhugad, waxaa tarjumay bahda Caasimada Online

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Maxaa laga filan karaa shirka Xasan iyo Mucaaradka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay shirka loo ballansan yahay ee ay dhowaan yeelan doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha mucaaradka dalka, kaas oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xiisada ka dhalatay hannaanka doorashooyinka 2026.

Siyaasiyiinta mucaaradka oo intooda badan kusoo laabtay magaalada Muqdisho ayaa mabda’a ahaan isku raacay inay la kulmaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib dalab ka yimid Villa Somalia, sida ilo xog ogaal ah ay Caasimada Online u xaqiijiyeen.

Sidoo kale waxaa la sheegay in kulan kale dhexdooda ah uu u dhiman yahay, si ay uga tashadaan waqtiga munaasibka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh ay la kulmayaan iyo xubnaha matali doona mucaaradka.

Xubnahan ayaa hiray si cad u diiday inay ka qeybgalaan gogoshii uu fidiyey Madaxweynaha ee lagu qabtay Muqdisho, ugu dambeyntiina laga soo saaray war-murtiyeed rasmi ah.

Haddaba,Maxaa laga filan karaa shirka Xasan iyo Mucaaradka ee loo ballansan yahay?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaalaha baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay shirka lagu wado inuu dhex-maro Villa Soomaaliya iyo mucaaradka, waxayna raji wanaagsan ka muujiyeen in lagu gaari doono heshiis ku aadan doorashooyinka.

Cabdullahi Siidhii: “Ilaahey guul haku dhammeeyo qof iyo cod siiba in ay nucaaradku aqbalaan”.

Sacdiya Simoon: “Inta hoolkan fadhisa hadii midkood Madaxweyne noqdo inta kale oo soo hartay ayaa majaha qabaneysa Soomaaliya meel umas ocoto”.

Xuseen Diyaaz: “Kulanka kadib waxaan ka sugnaa inay dhahaan teendho danbe looma laabanaayo”.

Barre Caraale Maxamuud: “Aan wada–hadalno waa aan heshiinno”

Cabdifitaax Axmed: “Intaan meesha fadhisaa isku uur maahan waa kala aragti marka micno makeeneyso iney kulmaan iyo inkale”

Doorasho maanta ka dhacday Garowe, Deni oo soo saaray…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa maanta lagu qabtay doorashada kursi ka banaana Aqalka Sare, kaas oo uu horay uga geeriyooday Allaha u naxariistee Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab).

Doorashada oo ka dhacday xarunta golaha wakiilada Puntland ayaa lagu soo buuxiyay kursigan oo deegaan doorashadiisu ahayd magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi.

Kulankii maanta ee baarlamaanka Puntland ayaa lagu doortay Cabdi Cabdullaahi Haashi Goley oo buuxinaya kursigan, waxaana cod aqlabiyad leh ku doortay golaha.

“Goluhu wuxuu Maanta buuxiyey kursiga Aqalka Sare ee ku metelayey Puntland kaas oo uu ka geeriyooday Senatar hore Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) waxana uu Golaha cod aqlabiyad ah ku doortay Cabdi Cabdullaahi Haashi Goley in uu buuxiyo kursigaasi” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddoonka sare ee baarlamaanka maamulka Puntland.

Cabdi Cabdullaahi ayaa kamid ah saaxibada aadka u dhow Madaxweyne Saciid Deni, isaga oo u ahaa la-taliye gaar ah, waxaana loo xiray kursigan oo uu keligiis u tartamay buuxintiisa, maadaama uu tartanka tanaasulay musharrixii kale ee kula tartami lahaa.

Kuraasta ka bannaan baarlamaanka ayaa waxaa haatan ku socoto buuxin, iyada oo shalay agaasimihii dhawaan xilka laga qaaday ee hay’adda NISA Cabdullahi Sanbaloolshe uu dib u helay kursigiisi xildhibaannimo, kadib doorasho ka dhacday gudaha magaalada Jowhar.

Sanbaloolshe ayaa sida muuqata dib loo siiyay kursigiisi xildhibaan, kaasi oo uu lumiyay kadib markii loo magacaabay NISA. Doorashada oo ay ka soo qeyb-galeen xubno labada gole ee dowladda, bulshada rayidka iyo ergada beesha leh kursiga bannaanaa ayaa waxaa la sheegay inuu tanaasulay musharax Ismaaciil Warsame Faarax.

Waxaa kale oo dhowaan lasoo buuxiyay kuraastii ay ka geeriyoodeen Khadiija Diiriye iyo Xildhibaan Seeyseey oo iyagana doorashadooda lagu qabtay magaalada Jowhar.

Dhammaan doorashooyinkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo beri labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ay geli doonaan fasax dheer oo laba bilood ah, sida lagu sheegay qoraal maanta kasoo baxay guddoonka sare ee labada aqal.

“Guddoonka Labada Aqal ee BJFS iyaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah waxay go’aamiyeen in Kalfadiga 6aad ee baarlamaanka 11aad uu xirmayo taariikh 22-ka Juun 2025, dibna u furmo 22-ka Agoosto 2025” ayaa lagu yiri qoraalka labada guddoomiye.

Fasaxa Baarlamaanka ayaa kusoo aaday, xilli haatan ay jirto xiisad ka dhalatay hannaanka doorashooyinka oo ay isku hayaan Villa Soomaaliya, mucaaradka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka, taas oo xittaa saameysay kulamadii xubnaha labada Gole.

BF oo galay fasax dheer xilli ay taagan tahay xiisad culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka ayaa galaya fasax dheer, iyadoo haatan dalka uu ku jiro marxalad siyaasadeed oo aad u cakiran, taas oo ka dhalatay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka KMG ah.

Guddoonka Labada Gole oo bayaan soo saaray ayaa ku dhowaaqay in Kafadhiga lixaad ee Baaralamaanka lasoo xiri doono beri oo Axad ah, kuna beegan 22-ka bisha June, waxayna qoraalkooda ku caddeeyeen in xildhibaannada iyo senatorada ay geli doonaan fasax laba bil ah.

Sidoo kale, waxaa isla qoraalka lagu sheegay in Baarlamaanka uu dib isugu soo noqon doonaan 22-ka bisha Agoosto ee sanadkan, markaas oo dib loo sii amba qaadi doono shaqooyinka horyaalla.

“Guddoonka Labada Aqal ee BJFS iyaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah waxay go’aamiyeen in Kalfadiga 6aad ee baarlamaanka 11aad uu xirmayo taariikh 22-ka Juun 2025, dibna u furmo 22-ka Agoosto 2025” ayaa lagu yiri qoraalka labada guddoomiye.

Sidoo kale, xildhibaannada ayaa looga mahadceliyay shaqooyinka ay qabteen Kalfadhigaan, waxaana loo rajeeyay inay nabad iyo caafimaad ku dhameeyaan shaqooyinka u haray.

Fasaxa Baarlamaanka ayaa kusoo aaday, xilli haatan ay jirto xiisad ka dhalatay hannaanka doorashooyinka oo ay isku hayaan Villa Soomaaliya, mucaaradka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka, taas oo xittaa saameysay kulamadii xubnaha labada Gole.

Inta badan xildhibaannada ayaa ku milmay siyaasadaha is-diidan, taas oo keentay in kooram la’aan u baaqdaan saddexdii kulan ee ugu dambeysay ee Baarlamaanka.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag, waxaana soconayo shirar siyaasadeed oo looga arrinsanayo xiisadda taagan kuwaas oo ay leeyihiin Villa Soomaaliya iyo mucaaradka.

Si kastaba, Baarlamaanka oo dib isugu laaban doono laba bilood kadib ayaa la filayaa inuu go’aanno ka gaaro shuruuc muhiim u ah doorashooyinka iyo dhameystirka Dastuurka.