Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in la kala diro madasha diblomaasiyadeed ee C6+, iyada oo ku tilmaantay mid duugowday oo aan waafaqsanayn heerka siyaasadeed iyo hay’adeed ee uu dalku maanta gaaray.
Warqad rasmi ah oo uu u diray Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan, ayuu Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibadda, Mudane Cali Cumar (Cali Balcad), ku sheegay in qaab-dhismeedkan – oo in ka badan toban sano laga joogo markii la aasaasay si loogu mideeyo taageerada beesha caalamka – aanu hadda ka tarjumayn horumarka ay Soomaaliya gaartay.
“Joogteynta C6+ sida aalad lagu hago siyaasadda dibadda waa mid duugoobay oo caqabad ku ah horumarka,” ayuu Cali Balcad ku yiri warqadda. Wuxuu xusay in madashan, oo laga hirgeliyay xilli uu dalku ku jiray xaalad nugul, ay wax u dhimayso madax-bannaanida Soomaaliya isla markaana muujinayso in dalka weli la kontoroolo.
Madasha C6+ ayaa la aas-aasay kadib 2010 si ay isugu keento daneeyeyaasha beesha caalamka – oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Boqortooyada Midowday, Talyaaniga, Iswidhan, Itoobiya, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD – si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya kaddib sannado colaado iyo burbur hay’adeed ah.
Kooxdan ayaa door muhiim ah ka ciyaartay hannaanka doorashooyinka, horumarinta nabadda, iyo hagidda kala-guurradii siyaasadeed ee dalku soo maray.
-“Soomaaliya oo muujisay horumar”-
Hase yeeshee, dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in xilligii madashaasi loo baahnaa uu dhammaaday.
“Maanta Soomaaliya ma aha dal maraya kala-guur. Waa waddan madax-bannaan oo leh hay’ado dastuuri ah oo shaqeynaya, nidaam dimoqraadiyadeed oo bislaaday, iyo aragti qaran oo cad oo ku wajahan nabad iyo horumar,” ayaa lagu yiri warqadda.
Hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tallaabsaday barnaamij dib-u-habeyn ballaaran oo ay ka mid yihiin diyaarinta sharci doorasho oo cusub, hirgelinta doorasho hal qof hal cod ah, iyo kala-guurka laga gudbayo howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika loogana wareegayo hannaan amni oo ay Soomaaliya hormuud ka tahay.
Mas’uuliyiintu waxay aaminsan yihiin in weli ku tiirsanaanta madalaha dibadda laga hago ay dhaawacayso kalsoonida lagu qabo geeddi-socodkaas dib-u-habeyn.
Cali Balcad wuxuu si cad u sheegay in Soomaaliya aysan doonayn inay jarto iskaashiga beesha caalamka, balse ay rabto in wada-shaqeyntaasi ku dhacdo si ka turjumaysa heerka maanta ee dowladnimada iyo yoolalka qaranka.
“Soomaaliya waxay weli ka go’an tahay in ay si dhow oo wax-ku-ool ah ula shaqeyso dhammaan xubnaha C6+, iyadoo saldhig u ah is-ixtiraam iyo yoolal la wadaago,” ayuu ku daray.
Xiisadda Villa Somalia iyo C6+ oo korortay
Warqaddan ayaa imaneysa xilli dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ay dib u hanato doorkeeda caalamiga ah iyo in ay si buuxda ula wareegto hagidda siyaasadda iyo amniga gudaha dalka.
Dowladda ayaa muujisay niyad-jab ay ka qabto in hannaanada sida C6+ ay inta badan ka shaqeeyaan meel ka baxsan qaab-dhismeedka rasmiga ah ee dowladda, taas oo hoos u dhigaysa milkiyadda qaran ee isbeddelada muhiimka ah.
Ilo diblomaasiyadeed oo ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in warqaddaasi dhalisay wada-tashiyo hoose oo u dhexeeya xubnaha C6+. Inkastoo aan wali laga bixin war rasmi ah, haddana waxaa socda falanqeyn lagu eegayo in dib loo qiimeeyo qaabka iskaashi, iyadoo la eegayo baaqa Soomaaliya.
Warqaddan ayaa sidoo kale daba socota xiisad sii kordheysa oo u dhexeysa Villa Somalia iyo beesha caalamka, taas oo salka ku haysa shir qaran oo la qorsheynayo. Sida markii ugu horreysay lagu daabacay warbixin gaar ah oo ay qortay Caasimada Online, safaaradaha reer Galbeedka iyo Qaramada Midoobay, oo ka howlgala gudaha xeryaha si aad loo ilaaliyo ee Halane, ayaa hoggaaminaya dadaallada lagu qabanayo shir heer sare ah.
Shirkaas ayaa lagu wado in uu isugu keeno madaxda federaalka, madaxda dowlad-goboleedyada, mucaaradka iyo madax hore si looga wadahadlo arrimaha doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka, iyo siyaasadda amniga.
Villa Somalia ayaa si adag uga soo horjeesatay shirkan, iyadoo u aragta faragelin ka dhan ah arrimaha gudaha ee dalka. Warqadda loo diray Wakiilka UN-ka James Swan ayaa si weyn loo arkaa in ay tahay jawaab toos ah oo dowladda uga hortimid tallaabadaasi ay u aragtay xadgudubka beesha caalamka.
Xiisadda ayaa sii xumaatay kadib markii madaxda mucaaradka ee Madasha Samatabixinta Qaran—oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed—iyo dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland ay si cad uga soo horjeesteen shir gaar ah oo dowladda qorsheysay inuu qabsoomo 15-ka Juun.
Iyadoo labada dhinac ay adkeysteen mowqifyadooda, waxaa sii xoogeysanaya suurtagalnimada inuu dhaco ismari-waa siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo daneeyeyaasha caalamiga ah ee muhiimka ah.