26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Pele: Neymar xoog ahaan kuma wanaagsan inuu ka ciyaaro England Premier League.

Ciyaaryahankii hore ee xulka Brazil Pele ayaa sheegay in weeraryahanka kooxda Santos Neymar uusan awood ahaan ku wanaagsaneyn inuu ka ciyaaro horyaalka Ingiriiska.

20 jirkaan ayaa bilihii lasoo dhaafay looga gacan haatinaayey kooxaha Manchester United iyo Chelsea, laakiin halyeeyga ay isku wadanka yihiin uma arko inay taasi xidigaan u tahay dooq wanaagsan.

“Kuma waafaqsani Neymar inuu hada u baqoolo Yurub. Sanadii lasoo dhaafay wakiilka Neymar wuxuu la hadlay aabihi sababtoo ah wuxuu doonayey inuu aado kooxo ka dalabanaayey Engalnd,” ayuu Pele u sheegay Fox Sports.

“Markaas hadii aan arko waxaan doonayey inaan u sheego inaysan ku saxneyn inay aadaan kubada cagta Ingiriiska, sababtoo ah aad ayey ugu adag tahay Neymar, kaasoo ah ciyaaryahan weyn, xoog ahaana kuma fiicana.”

A.Cole oo raali gelin ka bixiyey oraahdii qaldaneyd ee uu ku dhaleeceeyey FA-ga.

Daafaca kooxda Chelsea  Ashley Cole ayaa raali gelin ka bixiyey qaladkii uu ku galay aalada bulshada ee Twitter, kaasoo uu si qalad ah ugu cambaareeyey go’aanka FA-ga.

Shalato ayuu daafaca bidix ee xulka England ku qoray akoonkiisa Twitter, hadalo uu ku gocanaayey go’aanka xiriirka Kubada cagta Ingiriisku ay ku sharaxayeen sababaha loo cuskaday ganaaxii afarta kulan ahaa ee la dul dhigay kabtanka Chelsea John Terry. Cole ayaana ku gocday hadalo aan wanaagsaneyn isagoo ku qoray akoonkiisa: “Hahahahaa, wax wanaagsan ayey sameeyeen #FA-gu miyaan been sheegay, “Bunchoft****” ka hor inta uusan ka tiring Twitter-ka.

Si kastaba, 31 jirkaan ayaa si lixaad leh uga cudur daartay. : “Aad ayaan uga murgoonayaa inaan wax aan gocanaayo waqtigaan ku qoro Twitter-ka. Raali gelin ayaan oraahdeydii qaldaneyd oo aan uga hadlay FA-ga.” Ayuu yiri Cole.

Conte oo ganaaxiisii Tobanka bilood ahaa laga dhigay keliya Afar bilood.

Macalinka kooxda Juventus Antonio Conte ayaa ganaxiisa laga dhimay lix bilood ka dib markii horay loo ganaanxay toban bilood. Wuxuuna xor u noqon doonaa inuu kooxdiisa leyliyo 9ka bisha December ee soo aadan.

Ninka reer Talyaani ayaa ka ganaaxnaa inuu qabto ciyaaraha kooxda Juventus, ka dib markii lagu helay dambi ah inuu sameeyey qamaar sharci darro ah oo uusan ogeysiin booliska ama qolyaha Ispooriga, waana intii uu kooxda Siena macalin ugu ahaa Serie B.

Conte qareenadiisa ayaa racfaan ka qaatay ganaaxa, maxkamada ayeyna u gudbiyeen in gabi ahaan laga qaado ganaaxa saaran tababaraha balse looma ogolaan iyadoo mudada ciqaabta la yareeyey.

Antonio ayaa ganaaxiisu waqtigaan ku egyahay 8da bisha December, wuxuuna xor u yahay inuu kooxdiisa leyliyo kulanka ay 9ka Decemper la ciyaareyso kooxda Palermo.

Madaxtooyada oo lagu ururay iyo qaban qaabada magacaabista R/Wasaaraha oo gebo gebo ah.

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filaayaa inuu ku dhawaaqo Ra’iisul Wasaarihiisa.

Aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee lagu soo magacaabayo Ra’iisul Wasaaraha dalka Somaaliya.

Xarunta madaxtooyada Somalia ee magaalada Muqdisho, ayaa aad mashquul ah, waxaana halkaas isugu ururay suxufiyiin iyo diblomaasiyiin, xilli lagu wado in lagu dhowaaqo ra’iisul wasaraaha cusub ee Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha uu saacadaha soo socda ku dhowaaqi doono ra’iisul wasaaraha, sidaa darteedna uu ugu yeeray suxifyiinta iyo diblomaasiyiinta.

Xogtii ugu dambeysay ee aan helnay waxa ay sheegeysay in la magacaabi doono Cabdulqadir Farax Shirdoon oo loo yaqaan Saacid, ahna odayga ay u dhaxday xildhibaanada Caasho Xaaji Cilmi.

Waxa uu kasoo jeedaa beesha Mareexaan, waxaana lala xiriirshay xisbiga madaxweynaha ee PDP.

Amamanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay islamarkaana ciidamo ayaa la tubay meel walba, si carqalado xagga amniga ah looga hor tago.

Dadka magaalada ayaa dhegta wada taagaya oo wada shitay idaacadaha, ayaga oo ka war dhowraya magacaabista, lamana garanayo sida ay uga fal celin doonaan magacaabista marka ay dhacdo kaidb.

Wixii soo kordha haka dheeraan caasimada.net. Mahadsanid

Qarax Ismiidaamin oo lagu qaaday Ciidamada Dowladda ee Afgooye.

Qarax xoogan ayaa goordhow ka dhacay Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose kaas oo faah faahino kala duwan ay kasoo baxayso.

Qaraxa ayaa lagu qaaday Goob fariisin ah oo ku taala Maqaayada Baar Cismaaciil oo  ah halka Magaalada laga galo ku taala.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Qaraxan ,Warar ayaa sheegaya in qarax Ismiidaamin ah lagu qaaday Fariisinka dowlada halka warar kale ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa Bamka gacanta laga tuuro.

Waxaa Sido kale la sheegayaa in goobta uu yaalo Maydka qof aan ahayn Ciidamada Dowlada lakiin la sheegayo inuu ahaa Qofka Ismiidaamiyay.

Qasaaraha Macada ilaa iyo hada lakiin dad sheegay in qaraxa uu ahaa Bamka gacanta lagu tuuro uu gaystay qasaaro labo dhimasho iyo Sadax dhaawac ah.

Howlgal ayaa goobta ka soconaya Iminka waxaana Magaalada Muqdisho loo qaaday Dhaawacyada ka dhashay qaraxa.

 

Ciidamada Itoobiya oo Dagaal kala horyimid Ciidamada Dowladda.

Ciidamada Itoobiya ayaa maanta Dagaal bareer ah waxaa ay kala horyimaadeen Ciidamada Dowlada ee Magaalada Beledweyne ee Xarunta Hiiraan.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii sida la sheegay ciidamada Dowladda Soomaaliya oo lugeynaya ay mareen xaafad sida la sheegay ciidamada Ethopia ay bandoow kusoo rogeen islamarkaana ay ka mamnuuceen socodka dadka.

Ciidanka Dowlada ayaa la sheegay inay ka biyo diideen hadalka ciidamada Ethopia ee ku aadan inaysan mari karin xaafada bandowga la geliyay,halkaasina waxaa ay labada ciidan isku weeydaarsadeen rasaas khasaaro dhalisay.

Waxaa la xaqiijiyay hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku geeriyooday dagaalkaasi dhexmaray ciidamada Ethopia iyo kuwa Dowladda.

majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka Dowladda ee Gobalka Hiiraan oo ku aadan dagaalkaasi la sheegay inuu dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethopia.

Saacid oo la sheegay in Ra’iisul Wasaare loo magacaabayo.

Haddii aysan saacadaha soo socda wax is beddelin, Madaxweyne xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u xushey in uu la shaqeeyo, oo uu raysal wasaarena u magacaabo Md. Cabdulqaadir Faarax Shirdoon (Saacid) oo ah ganacsade deganaa muddo dalka Kenya.

Saacid, ayaa la rajeynaaya in ugu dambeyn si toos ah loogu dhawaaaqo in uu yahay raysal wasaaraha Soomaaliya ee afarta sano soo socota 24 saac gudahood.

Dr. Cabdulqaadir Faarax Shirdoon (Saacid) waxa uu ka soo haray toban ruux, oo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu ka soo xushey ku dhawaad 50 musharax, sii uu ugu kala saaro, cidda uu xilkan ku aaminaayo. Waxana maanta Saacid iyo musharax kale isku soo harey wareeggii ugu dambeeyay ay nasiibkiisa noqotey Saacid, in uu xilkan muteysto.

Warkan, ayaa waxaa inoo sheegay ilo kalsoon yahay,

Warku waxa uu intaas ku daraya in arrinatn ay ka dambeysay ka dib wada tashiyo dhowr ah oo uu Xasan Sheekh Maxamuud la yeeshay qeybaha bulshada iyo musharixiintii u taagnaa xilka.

Maxamed C/laahi Farmaajo, oo xilkan si aad ah dadkii loogu badinaayay ka mid ahaa, ayaa sidoo kale mar haddii u cadaadis badan la kulmey, si kal iyo laab ah u tageeray Dr. Saacid in uu xilkan qabto.

Dr. Saacid, waxa uu ahaaa xisbiga Rajo, waxana sidoo kale la sheega in uu ka mid ahaa mar aas’aasayaashii xisbiga horrumarka iyo nabadda ee PDP ee uu Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha dalka uu hoggaamiyo.

Farmaajo iyo Saacid, oo ah laba ruux oo hal jufo ka soo jeeda, ayay sidoo kale dad badan sheegayan in haddii uu Farmajo meesha waayay dadkii isaga taageerayay suura gal tahay inay ayidaan Saacid, si uu isna howshan ugu guuleysto.

Dr. Saacid, waxaa u dhaxda xildhibaanadda caanka ah ee Caasho Xaaji Cilmi, oo ka mid ah mudanayasha barlamaanka kuwooda ugu magac dheer dhinaca caalamka marka la eego.

Daawo Mucjiso: Malaa’ik ka qeyb qaadatay dagaalka Suuriya!!!

Maalintii dagaalka Bader ee dhacay sanadkii 2d ee hijriga ayay Malaa’ktu wacdara ka dhigtay, oo ay gaaladii kufaarta Qureesheed si ba’an ula dirirtay iyadoo garab iyo hiil siineysa Muslimiinta. Qaar kamida saxaabadii Rasuulka (NNKH) ayaa arrintani indhahooda ku arkeen. Waxaa kamid ahaa aqwaashii ay qaar kamida saxaabadu dagaalkaasi ka yiraahdeen

”Waxaan arkeynay madax duulaya, oo cid jaraysa aanan loo jeedin”.

Waxaa kaloo kamid ahaa dagaalkaasi karaamooyinkii ka dhacay iyo wacdarihii Malaa’ikta ee maalintaas, in nin kamid ahaa saxaabada uu sooqabtay qafaal ahaan Nebiga (NNKH) adeerkiis Al Cabbaas bin Cabdilmudallib oo dhanka gaalada maalintaasi la safnaa. Saa wuxuu Cabbaas yiri markii Nebiga loo keenay ”Wallaahi buuna ninkaan isoo qabanin, waxaa isoo qabtay nin heybad ka muuqata oo dhar cad sita, haddana ugama dhex jeeda ragga”. Rasuulku (NNKH) wuxuu markaasi usheegey inay ahayd Malaa’ik uu Eebbe ugu gargaaray ciidamadiisa Muslimiinta.

Suuradaha Al Anfaal iyo Aali Cimraan oo labaduba si weyn uga hadlay dagaalkii Bader, ayaa qeexaya wacdarihii  Malaa’ikta ee Maalintaas, iyadoo lagu sheegay sida ay aayaddu tilmaamaysa 5000 oo Malaa’ik ah inay maalintaasi soo degeen, si ay ugu gargaaraan Muslimiinta.

Sidoo kale dagaalkii Uxud ayay si cad uga qeyb qaadatay Malaa’ikta, heer ay saxaabadii arkeen. Malaa’iktu waxay ka qeyb qaadataa dagaallada, iyadoo la jirta ama ka garab dagaallanta Muslimiinta Mu’miniinta ah ee ku taagan dhabbaha saxda ah iyo xaqa Islaamka. Waxay kala qeyb qaadataa heer la arka ayadoo ka garba dagaallamaysa ciidamada Ilaahay ee Muslimiinta, iyadoo ay dhacda xataa inay arkaan cadawga Muslimiinta.

Calaamadaha saman aakhirka ee axaadiista Nebiga (NNKH)  ay tilmaamayaan ayaa waxaa kamid ahayd dagaal Muslimiinta iyo gaalada dhex mari doono, kaasoo ka dhici doono dhulka Shaam. Nebiguna (NNKH) wuxuu sii sheegey in saban aakhirku ciidamada Muslimiintu ay noqon doonaan saddex goob, kuwaasoo uu ku kala sheegay Yeman, Ciraaq iyo Shaam. Markii la weydiiyeyna ”Kuwee baan Rasuul Alloow, kamid noqdaa”? Wuxuu ku jawaabay ”Calayka Bish- Shaam, saddex mar”, taasoo ka dhigan, ku dadaal inaad kamid noqoto kuwa Shaam.

Kacdoonna waaweyn ayaa ka billawday dhulalka Carbeed oo dhan sida aynu ognahay, dhammaantoodna Ruush iyo Shiina oo labo gaalo ah ma taageersanayd, wayna wada dhammaadeen kacdoonnadaasi, laakiin Shiinaha iyo Ruushka oo taageerayay mid kamid ah waddamadaasi Carbeed kacdoonkii ka billawday weli ma istaagin, marba marka ka daranna xaaladda waddankaasi (Suuriya/Shaam) waa sii qaraaraataa..

Ciidamada Suuriya ee Xurriyad doonka wacdaraha ay jiidaha dagaalka Suuriya ka dhigayaan waxaa kamid ah, wacdaradii cajiibka ahayd ee uu dhigay Saami Raxmuun oo ahaa qaa’idkii hoggaaminayay guutada loo yaqiinnay Al Calamayn. Gacanta bidixda ayaa waxaa kasoo gaaray dhaawac halis ah oo uu dhaqtar la galay ugu dambeynna uu ku waayay gacantiisii, saa asagoo dhaqtarka kujira wuxuu yiri ”Markay gacantan ii fayoobaato, waxaan ku laaban doonaa furimaha dagaalka”. Durba wuxuu ku laabtay dagaalkii kadib markii laga jaray bidixdii, isagoo midigta ku dagaallamaya. Waxaa caan baxay hadal cajiiba oo Saami Raxmuun uu yiri markuu furinta ku laabanayay, kaasoo ahaa ”Haddii gacanta kale xattaa ay iga go’da marna joojin mahaya dagaalka, oo afka iyo qalbigaan uga qeyb qaadan”.

Xaaladdu way darraatay, Suuriyana way barooranaysaa, dhiiggii Muslimiinta dhulka ayuu baddalay, masaajiddii waala burburiyey, Calawiyiinta waxay billaabeen inay ku jees jeesaan salaadaha, markii ay galaan Masjidka waxay salaadda xiranayaan ayagoo sigaar cabbaya, markay ka baxaanna minaaradaha ayay xabbada ku furaan. Raafiddada Iraan ciidama Majuus ah ayay kusoo daabbuleysaa Suuriyadii dahirsanayd.

Reer Shaam adkeysigay wax dheeryahiin ummadaha Islaamka, mar bay dhawaaqtay oo ay tiri ”Yaa Carabeey!!”, laakiin Falastiin baa ku qososhay. Intaa kadib gows dambeedka ayay qaniineen halyeeyadii reer Shaam, sabar bayna dugsadeen, haba ugu darraadeen waxa la xasuuqaya carruur shan sano ka yar iyo hooyooyin maskiima ahe, haddana Rabbi inuu kala xukmin doono iyaga iyo Bashaarka Mujrimka ayay maanka gishteen.

Waxbadan kama soo wareegin markii karaamooyin iyo mucjisaad Rabbaani ay ka soo dhalaashay Suuriyada Barakaysan. Horraantii sanadkan ayaa mar Bashaar uu ka jaray biyaha iyo korantada shacabka reer Shaam (Suuriya) waxay sare u taageen gacmaha iyagoo oranaya ”Allahayoow!! biyahaagaan uga kaaftoonnaa biyaha Bashaar”, saa daqiiqado yar gudahood roob baa dhan waliba is xiray, oo waraabiyey wax ka yar shan daqiiqa gudahooda.

Waa tan junuuddii Ilaahay (Malaa’ik) ka qeyb qaadanaysa dagaallada Suuriya oo si waadix ah loogu arkay luuqyada iyo shaarica Suuriya. Goor uu shahiiday mid kamid ah shacabka ama aan dhahee ciidamada xorta ee Suuriya, oo dadku ay kari la’ yahiin inay xabbada dhexdeeda kasoo qaadaan ayaa waxaa meel derbi dhinac waxaa kasoo baxay nin dhalin yara ah, oo wada dhar cad sita. Durba wuxuu isku soo beegay halkii uu meydka yaalay, isagoo usocda sida nin xaalad amni ku jira, oo aanan haba yaraatee dareemeyn inuu dhex maraya meel xabada ka dhacayaan. Siduu usoo tallaabayay ayuu dadkii kale uga hor maray meydkii Shahiidka, oo inta labada gacan ku qabsaday misna udhiibay gacanta midigta, oo hal gacan ku qaaday isaga dhan.

Subxanallaah!! meyd shaqsi ayuu hal gacan ku qaaday isagoo aanay ka muuqan in wax culaab ah (culays) ay ku hayso qaadiddiisa. Si degen buu ula tallaab qaaday meydkii ilaa uu ku simay dadkii dhanka kale joogay, markuu udhiibay kadibna waala waayay sida ay sheegeen dadkaasi. Culimada Suuriya iyo waddamada Islaamka oo arrintaani ka hadleen waxay sheegeen inay tahay Malaa’ikta Raxmaanka oo usoo degtay si ay ugu bishaareysa kheyr iyo nasri uguna gargaarta shacabka dulman ee reer Shaam.

Dhacdadan ayaa dhacday bartamihii sanadkan aynu kujirna.

Halkan ka daawo Mucjisada Malaa’ikta.

Qeybta 1-aad

Qeybta 2-aad

WD: Mohammed Dahir Abdi, Xafiiska Caasimada Online, Finland
Email: [email protected]
___________________________________________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.net, lama daabacan karo idan la’aan.

Maxaa xalay ka dhacay Lascaanood?

Qaraxyo Cida Masuuliyadeeda iska leh aan la garanayn ayaa waxaa lagu soo Waramayaa inay ka dhaceen  Magaalada Laascaanood.

Faah faahinada kasoo  baxaysa Qaraxyada oo ahaa nooca bambada ah ayaa waxaa lagu weeraray goob maqaayad ah oo ay ku sugnaayeen dad caweeynaye,waxaana halkaasi ka dhashay khasaaro kala duwan.

Waxaa la xaqiijiyay in labo ruux ayaa ku dhaawacmay oo kamid ahaa labo dhalinyaro ah oo goobta maqaayada ku sugnaa kuwaasi oo dhaawacooda loola cararay isbitaalka Magaalada Laascaanood.

Howlgalo lagu soo qabanayo kooxihii Weerarka bambaano ku qaaday goobtaas Maqaaayada ah ayaa saakay Waxaa uu ka soconayaa Magaalada Laascaanood in kastoo aan la ogayn in dad  loo soo qabtay Musuuliyada Weerarkaas.

Laascaanood waxaa ay kamid tahay Meelaha Maamulka Somaliland uu ka taliya waxaana lagu beegsadaa inta badan Masuuliyiin ka tirsan Maamulkaas.

DF oo u ceeb qarisay ciidankeeda.

Dowlada Soomaaliya ayaa beenisay in Ciidamada dowlada Soomaaliya ay dhac ka gaysteen Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada hoose ka tirsan.

Warar la helay ayaa sheegayay in Ciidamada dowlada ee jooga Badhaadhe ay dhac iyo boob u gaysteen dadka shacabka ah ee ku nool degmadaas.

Arintaa waxa gaashaanka ku dhuftay Gudoomiyaha degmada Badhaadhe Faarax Haybe Xaaji oo lahadlay Saakay Warbaahinta Muqdisho waxaana uu warkaas ku cabiray inuu ahaa mid loogaga been abuuranayo Ciidamada Qaranka sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiyaha ayaa carabka ku dhuftay inay wadaan qorsha ah in Ciidamada Amaanka gobolkaas ay ku xaqiijin lahayeen ,isagoo xusay in ciidamada ay nabadayn ka wadaan deegaano ku dhow dhow degmada Badhaadhe.

Dhinaca kale Gudoomiyaha ayaa qeexay in Ceelal biyoodyo ay ka hergelin doonaan deegaano ka tirsan Degmada Badhaadhe oo biyo la’aan ay ka jirto.

Kalsoonida iyo sameeynta ay ku leedahay nolosha qofka.

Waxaad mararka qaarkood moodaa in dadbadani anay ogeeynba muhiimada ay kalsoonudu leedahay, iyo doorka weyn ee ay leedahay. kalsoonidu runtii waa awooda koowaad ee nafta hogaamisa kuna dhiiri galisa fal kasta oo ay qabanayso.

Kalsooni daradda

Hadii qofku aanu kalsoni lahayn runtii aadbay u adagtay inuu nolol fiican ku noolaado inta uu aduunyaada joogo waayo, kalsooni ddaradu waxay leedahay mushkiladao badan sida cabsi badan oo nafta u timaada markastaba, wax kastana uu ka shaki qabo warwer & walaac farrabadan, go’aan la’aan anu marnaba go’aan gaadhi karin kalidii una bahanyay inu dad badan oo kale kolba wax waydiiyo.

Xifaddaha kalsoonida lagu dhiso

Hadii aad ka shakido inay kalsooni dadu yar tahay isticmaal qodabadan soo socda:

1. badso cibaddada Allaah,

2.Yaree khaladaadkaga xaga bulshada dhexdeeda aad ka gasho ama Qooskina iyo asaxaabta.

3. Hadii aad ku guuleysan wayday wax yaabo aad rabtay inaad gaadho mustaqbalka, niyada gali aduunyadu waa kaaca kuf ee ha niyad jabin sii wadna waad gadhi doonta markastooy noqataba.

4. Marka aad rabto inaad go’aan gaadho ama qorshe cusub samayeso ha ka tagin Xaqiiqda & sida suurta galka ah mararka qaarkood waxa niyad jabka keena talo aan suurta gal ahayn ood gaadho.

5. Cabir naftaada tijabo na kusamee adigoo xaqiiq ku socda tusaalo ahaan imise jeerbaad wax aad qabankareysay aad ku fashilantay, Naftaada u cadee waxa aad ku fiicantay iyo waxa aad ku xuntay, aadbay muhiim u tahay inuu qofku ogaado naftiisa.

Gabagabo

Ogoow kuligeen dhaliilo badan baynu leenahay, qofna ma dhameystira lakiin naftaada kalsooni ku qab iyo noocay tahay barana dabeecadaha dadka kale ee ku gu hareeraysan, si aad faa’iido uga hesho waxna uga baratid iyo si aad uga baydho dhibta ku qalafsan ee mushkilada inagula dhex jira heen iyo maalinba.

Buffon oo qarka u saaran inuu qandaraaska u kordhiyo kooxdiisa Juventus.

Gianluigi Buffon ayaa qarka u saaran inuu qandaraaska u kordhiyo kooxdiisa Juventus wuxuuna nagi kusoo ahaan doonaa Juve ilaa 2016ka.

Gool hayahaan ayaa lagu sheegaa mid ka mid ah gool ilaaliyeyaasha ugu wanaagsan aduunka 40.5 milyan oo euro ayuuna Parma uga soo tegay sanadii 2001dii.

Warar soo baxaayey isbuucii lasoo dhaafay ayaa sheegayey in madax weyne Andrea Agnelli uu Buffon ka dalbaday qandaraas uu sanadii ku qaadanaayo 4.5 milyan oo euro.

Magaciisa oo dhameystiran waa Gianluigi Buffon, wuxuu dhashay 28dii January 1978 (da’diisu waa 34) wuxuu ku dhashay magaalada Carrara, ee dalka Italy, dhirirkiisu waa 1.91 Meter oo u dhiganta (6 ft 3 inches), wuxuu ka ciyaaraa booska goolhayaha. Juventus ayuuna haatan goolka u qabtaa.

Kooxda Parma ayuu u soo ciyaaray intii u dhaxeysay 1995 ilaa 2001 wuxuuna u saftay 168 kulan. Isagoona wixii intaas ka dambeey ku biiray kooxdiisa haatan ee Juventus, wuxuu u saftay 330 kulan. Goolhayahaan ayaana sidoo kale xulkiisa Italy u saftay 122 kulan.

 

Roberto Di Matteo oo difaacay isticmaalka Twitter-ka ee ciyaartoyda Chelsea.

Tababaraha kooxda Chelsea Roberto Di Matteo ayaa gaashaanka ku dhuftay in ciyaartoydiisu ay gudbeen xadkii loogu talo galay marka ay isticmaalayaan aalada bulshada ee Twitter, ka dib markii Ashley Cole lagu helay inuu hadlo qaldan dhigay akoonka uu ku leeyahay.

Daacafa ayaa si xun uga hadlau ka dib markii ay xiriirka FA-gu soo saareen sababihii ka dambeeyey ganaaxa John Terry, wuxuuna erayo kulul ku qoray akoonkiisa.

Ka dib markii ay xiriirka kubada cagtu faafiyeen, Cole ayaa soo dhigay warbixin uu ula jeeday qof uun oo aheyd “bunch of t****”, laakiin tababaraha reer Italy ayaa difaacay ninkaan.

“Waxaan ka eegi doonaa Twitter-ka ka dibna waan arki doonaa.. uma maleynaayo inay ciyaartoydu gudbeen xadkodii,” ayuu RDM u sheegay saxaafada.

Ka dib markii wax laga weydiiyey in ganaaxa Terry uu saameyn ku yeelan doono xilkiisa kabtanimo ee kooxda wuxuu ku jawaabay: “Waqti xaadirkaan, waa kabtankeena.”

Ashley Cole oo ay FA-gu ku heystaan inuu hadalo qalad ah u adgeegsaday akoonkiisa Twitter.

Daafaca kooxda Chelsea Ashley Cole ayaa galay qalad iyadoo xiriirka kubada cagta Ingiriisku ay falkaas daba joogan ka dib markii FA-gu ay sharaxaad ka bixiyeen sabababihii loo cuskada ganaaaxa afarta kulan ah ee John Terry.

Cole ayaa loogu wacay inuu marqaati ka noqdo intii ay socotay dacwadii uu saxiibkiis John isaga difaacaayey hadii isir naceyd ka ahaa ee uu u adeegsaday daacafa QPR Anton Ferdinand, waxaana loogu yeeray si looga helo akoonkiisa su’aalo lagu kalsoonaan karo.

difaacii hore ee kooxda Arsenal Cole ayaa ku qoray akoonkiisa Twitter: “Hahahahaa, wax wanaagsan ayey sameeyeen #FA-gu miyaan been sheegay, #BUNCHOFT****.”

Cole ayaa taageeray saxiibkiisa ahna kabtanka Chelsea John Terry intii ay socotay dacawadii maxkamada madaniga ah 23dii October 2011, markaasoo Terry lagu waayey wax dambi ah.

Gerrard oo sheegay inay kooxiisa Liverpool ku dhameysan karto kaalinta afaraad ee Horyaalka.

Kabtanka kooxda Liverpool Steven Gerrard ayaa daaha ka qaaday in sanadkaan ay kooxdiisu xooga saareyso inay ku dhameysato kaalinta afaraad ee Horyaalka Ingiriiska, iyadoo uu hugaamiye u noqday macalinka cusub ee Brendan Rodgers.

Reds ayaa ku bilaabatay sanadkaan natiijo aan fiicneyn waxayna keliya guuleysatay afar kulan 11 kulan ee ugu horeysay, laakiin Katan Fantastik ayaa kalsooni ku qaba in kooxdiisu ay soo ceshato booskeedii Champions League.

Mar wax laga weydiiyey dareenkiisa sanadkaan ee Liverpool, Gerrard ayaa si fudud ugu jawaabay: “Afarta sare iyo koob,” isagoo la hadlaayey BBC’s ‘Football Focus’.

Liverpool ayaa guul darro 3-2 ah kasoo gaartay Udinese oo ciyaar ka tirsan Europa League kula ciyaartay garoonkeeda, laakiin 5-2 ayey ku dubteen kooxda Norwich City  kulankoodii ugu dambeeyey ee Premier League, wuxuuna Gerrard dareen san yahay in kooxdiisu ay hada cagta saartay wadadii guusha.

“Guushii Norwich waxay noo ahaan doontaa niyad dhis. Waxaan leenahay xoogaa dhibco ah laakiin kooxuhu waxay isku diyaariyaan inay si adag noola ciyaaraan.”

Xavier Hernández oo ugu hanjabay Real inuu Kulanka El Clasico ka dhilin doono Hat-trick.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Barcelona Xavier Hernández i Creus ayaa sheegay inuu kulanka ay axada kooxdiisu kulan ka tirsan Primera Division ku wajahayaan kooxda Real Madrid uu ku riyooday inuu sedaxleey ka dhalin doono.

32 jirkaan ayaa koobab kula soo guuleystay kooxdiisa iyo xulkiisa qaranka, laakiin weli wuxuu sugayaa inuu hal kulan ka dhaliyo sedax gool [Hat-trick], wuxuuna fursadaas u arkaa inay tahay mid lagu xasuusan doono hadii uu sedax gool ka dhaliyo kulanka lagu magacaabo El Clasico.

“Ma waxaa jira wax aanan weli sameyn? Waa inaan dhaliyo sedaxleey [Hat-trick]…. Waan ku farxi lahaa hadii aan dhaliyo mar aan ka hor imaanayo Madrid,” ayuu Xavi ku yiri shir jaraa’id isagoo dhoola cadeynaaya.

“Run ahaantii kama fakereyno inaan guuleysano ama aan guul dareysano kulanka Real Madrid. Keliya waxaan diirada saareynaa guul, taasoo u wanaagsan hana qaadkeena sanadkan.”

Warqad furran oo ku socota Madaxweyne Xasan kana timid….!

Waxaa lagu jiraa xilli adeg waxaana socda dadaaladii looga bixi lahaa dhammaanba dhibkii la soo maray 22-kii sano ee dowlad la’aantu ay jirtay. Waxaa howshaasi dhexda uga jira oo looga fadhiyaa waa dowlada cusub ee hadda yeelatay Madaxweynaha,Baarlamaanka iyo guddoonkiisa.

Iyaddoo dowlado ku meel gaar ah oo ina soo maray uu waqtiga uga dhamaaday waxqabad la’aan iyo fullinta danaha wadamada deriska la ah Soomaaliya, waxaana hadd iyo jeer ay iska indho-tiri jireen baahiyaha shacabka Soomaaliyeed, ee u baahnaa nabad, caafimaad, dib u dhis dalkooda iyo waliba dib u hishiisiin dhab ah oo laga soo bilaabo guri kasta oo Soomaaliyeed.

Haddaba shacabka Soomaaliyeed oo muddo badan kadib helay Dowlad rasmi ah oo aan la mid aheyn kuwii hore waxay fishaan waa is badal dhab ah oo ku dhisan dareenkooda iyo rabitaanka hogaamiyaha ay rabaan.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxaan usoo jeedin laheyn inuu soo magacaabo Ra’iisul wasaare ku imaanaya rabitaanka shacabka iyo qofka ay u doortaan inuu noqon karo hoggaamiye lagu kalsoon yahay.

” Waxaa shacabka kuu muujiyeen inta aad xafiiska joogtay qofka ay u arkayeen inuu hoggaamin karo, haddaba adiga oo tixgellinaya midaasi, waxaa kula gudboon inaad soo magacowdo ra’iisul wasaare ah, dooranaha shacabka”

Laakiin waxaan kaaga digeynaa Madaxweyne inaadan ku raaligelin soo magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub wadamada deriska iyo dalalka caalamka sidii ay horey u sameeyeen saaxiibadii kursigan kaaga horeeyey,kuwaasi oo aad ogtahay inay ceel-dheer ku direen rabitaankii iyo rajadii shacabka Soomaaliyeed oo aad ka mid aheyd, ka hor inta aan maanta laguu dooran Madaxweynaha.

Dhinaca kale waxaan Madaxweyne aad ka timid bulshada rayidka,waxaa dalka joogtay muddadii burburka adigoo u dulqaatay dhamaan wixii dagaal sokeeye iyo mid waji diimeed leh ee ka dhacayey. Waxay taasi waayo-aragnimo kuu siin doonaa inaad ogtahay meesha ay shacabka ka jiran yihiin iyo shaqsiga daweyn kara oo ay doorteen.

Madaxweyne haddiiba aad ku dhawaad bil ku jirtay wadahadalo u badnaa, latashiyo qofkii aad ka dhigi laheyd Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya kula hoggaaminaya 4 sano ee soo socota, waxaa haddaba kuu soo jeedineynaa inaad fiiriso qofkii horey loo soo tijaabiyey iyo kan cusub ee la tijaabin doono farqiga u dhexeeya.

Haddii aad nin cusub hadda doorato waxa uu waqti badan kaaga lumi doonaa barashadiisa iyo la qabsiga shaqada hortaala, si aysan taasi u dhicin waxaan tallo ahaan kuu siin laheyn inaad doorato mas’uulka ay shacabka Soomaaliyeed u caleemo saarteen inuu xilkaasi qabto. Taasi ood sameyso waxay ka dhigan tahay inaad tahay ” Madaxweyne u yimid raaligelinta Shacabkiisa” .

Madaxweyne waxaa halbowle u ah shacabkasta haweenka,adigoo maskaxda ku haya muddadii burburka kaalinta ay nolosha Soomaalida kasoo qaateen haweenka waxaan kaa codsaneynaa inaad il-gaar ah ku fiiriso dareenka haweenka. Waxaa hubaal ah in haddii aad magacowdo Ra’iisul wasaare ku imaanaya rabitaanka haweenka iyo da’yarta Soomaalida inay dowlada aad hoggaamisaa dalka u horseedi doonto dib u dhis qaran iyo dowladnimo dib inoogu curata.

” Madaxweyne waxaa niyada ku heysaa in laga soo gudbay 22 sano oo ah badil lagu hayey shacabka Soomaaliyeed ee dunida ku nool iyo dowladii KMG ahaa,balse maanta waxaa tahay madaxweyne hogaan u ah dowlad rasmi ah oo go’aan qaadashadeeda iska leh. Fadlan dib ha inoogu celin raad-arooryaad oo horey loogu soo hungoobay, noqo ninkii qaadan lahaa go’aan aan uga imaan dalalka deriska iyo beesha caalamka.

Tallooyinka aan soo jeedinay haddii uu madaxweynaha meel mariyo waxay wadada u xaari doontaa in aan dalka dib ugu soo noqono, oo aan qeyb ka qaadano dib u dhiska dalka iyo howlaha baaxada leh ee dalkeena horyaala. Dadka rajo ayey Madaxweyne kaa qabaan, rajadaasi oo ah in aad noqoto ” Badelaha wadada xun iyo u hogaamiyaha wadada horumarka”Haddaba taasi waxay ku xiran tahay tillaabada koowaad ee aad u qaado magacaabista Ra’iisul wasaaraha.

Baaqan waa mid ka yimid shacabka Soomaaliyeed ee Holland deggan waxaana uu ku socdaa Madaxweynahooda Prof, Xasan Shiikh Maxamuud kaasi oo maanta looga fadhiyo magacaabista Ra’iisul wasaare. Waa baaq ku dhisan xirir wadatashi oo ka dhexeeya Madaxweyne iyo shacabkiisa.

Isbadel waa kii alle noqo kii dadaala oo dareema shacabka.

Abdirahmaan Maxamed Cumar
Sahro Diiriye Gamadiid.
Cumar Khaanso

Saddex Nafood….!!! (Qiso Jaceyl oo xanuun badan)

QEYBTII 1-AAD

Siraad, weligaa iskuul ma aaddhigan, oo wax ma qortid waxbana ma akhridid. Weligaa habeen uma aad hoyan meel aan ahayn aqalka aabbahaa iyo hooyadaa, noloshaaduna ma ay dhaafsanayn gurigiinna aad ka adeegtid iyo suuqa aad ka soo adeegtid. Weligaa waad arradnayd, waxbana lagaama hagran jirin ee awoodda reerka ayaa sidaas ahayd.

Qof kasta oo faqiir ahi wuu ku riyoodaa nolol ka wanaagsan tiisa liidata, adiguna taas dadka kale ayaad kala mid ahayd. Wax badan baad calafkaaga sii malaysay. Wax badan baad doob baabuur qaali ah wata iyo fillo doog leh indhaha la sii raacday. Wax badan baad oori nin ladani koolkoolinayo niyadda ka xasadday. Wax badan baad sheeko nolol qurux badan ku saabsan sii dhegeysatay.

Xaalkiinna oo sidaas ah ayuu laytalkhadar idinku soo degay; nin hodan ah baa laguu dhisay reerkana lacag ku hafiyey. Wuu kaa da weynaa oo markaas aad sagaal iyo toban jirka ahayd isagu wuxuu ahaa konton. Naag ay kala tageen ayaa afar carruur ah oo koray u lahayd. Laakiin xag dhaqaale waa nolol aad u baahnayd. Waa adigii degay fillo beer leh, ee gashaday dhar qaali ah, ee u egaaday oori qiimo leh. Baabuur, telefeeshin, fiidyow, telefoon iyo qalab la nooc ah oo guryaha waqtigan ku yar ayaa laguu dhigay, adeegto shaqada u jajaban ayaa laguu qabtay, habeenkiina guriga waxaa kuu ilaaliya waardiye xoog weyn. Noloshaadii waxaa ku dhacay afgembi.

Waxaad isbarateen dad cusub oo xagga ninkaaga kaa soo galay, kuwaas oo idinla nolol ah amaba idinka sii ladan. Waxa ay ka sheekeeyaan iyo sida ay u sheekeeyaan la mid ma aha foqoradii jaahiliinta ahayd ee aad ku soo dhex kortay, kuwaas oo ahaa dad cabasho iyo calaacal badan, oo muran iyo qaylo badan, oo dagaal iyo isxagxagasho badan. Waxay ahaayeen dad sida waraabaha dirqi ku nool. Laakiin qolada cusubi waa dad deggan oo naftooda iyo noloshooda jecel. Waxay u sheekaysan jireen si qoladii hore aad uga duwan oo aad muddo la qabsan kari wayday.

Xeeb nadiif ah baa lagu geeyey oo inta dhar gaaban laguu geliyey lagu dabbaal baray. Caweys muusig dheeri ka shidan yahay baa la iswada ruxay adigana lagu ruxay. Martiqaadyo maamuus leh ayaa lagugu casumay oo dad nooc kale ah lagu baray. Yurub baa laguu dalxiis geeyay, oo aad indho sarcaadday, oo indho daraandartay, oo moodday in lagu sixray. Waxaas iyo wax la mid ah ka dib illeen dhagax ma tihid ee waad furfurantay oo milantay.

Ninkaagu bilawgii wuu ku koolkoolin jiray, laakiin beryihii dambe dan kaama geli jirin. Balwad iyo dad ay isaga isku dookh yihiin ayuu adiga kaa jeclaa waqtigiisa inta badanna siin jiray. Wuxuu bilaabay habeenka uu doono in uu iska dhaxo. Adiguna illeen dundumo ma tihid ee khaati baad noqotay. Gurigii waad ku caajistay sariirtiina ku cidlootay. Waardiyaha iyo adeegtada midna sheeko lama aad wadaagi jirin, dhaqankii cusbaa ee lagu baray ayaa ahaa in aan nolosha sare iyo ta hoose la isku darin, haddii kale ta sare ayaa nuxur iyo dhadhan beelaysa. Adeegtadu marka ay fiidka reerka cashaysiiso caweys ma haleesho ee sariirta ayey beegsataa, waardiyihuna salli xun oo uu ganjeelada agteeda u yaal ma soo dhaafo. Sidaas darteed marka aan ninkaagu joogin waxaad u cidlootay sidii boqorad laga dhintay.

Waardiyaha xoogga weyni waa adiga. Waxaad tahay xerow shan iyo labaatan jir ah oo sida jaajuurka u adag una malaasan. Kama duwanid awr reerka debedda ugu dabran. Goor walba waxaad xasuusta ku haysaa maahmaahda ah ”Rag waxaa ugu liita nin maqan oo aan la tebin, nin tegaya oo aan la celin iyo nin jooga oo aan la tirin.” Maalintii oo dhan masjidka ayaad diin barasho u yuururtaa, marka salaadda maqrib foodda laga qaadana halkan ayaad ka soo shaqo gashaa. Reerka habeenkii uun tuugta kama ilaalisid ee adiga ayaa raatubta u akhriya, danta Kitaabka Alle ka soo gashana u caddeeya. Weli waxaad tahay arday oo diinta aqoon badan uma lihid, laakiin fatwada badanaa malaha iyo qardojeexa ku dhisan iyaga ayaad kalsooni kaga raadisaa. Risiqaaga ayaa galay.

Fiidka marka aad shaqada soo gashid ganjeelada agteeda ayaad beerta salli dhigataa. Halkaas ayaa shaah iyo casho waxii habeenkaa Alle kuu qoray laguugu keenaa, oo aad ilaa waaberiga duruusta ku akhrisataa, gurigana tuugta ka ilaalisaa. Hawsha intaas kuu dheeri waa ninka reerka leh oo aad marka uu baabuurka la baxayo ama la soo gelayo ganjeelada ka furtid.

Ma jiro qof xumaan ka dhawrsani, waxaadse ku dadaashaa in aad ahaatid nin jidka Alle ku toosan. Salaadi kaama tagto, soonna hadalkii daa. Xan iyo xumaan carrabkaaga waad ka ilaalisaa, jidiinkaagana xaaraan waad uga dhaaran kartaa. Awaamirta Alle ee arrimahaas ku saabsan raacistooda intii karaankaaga ah waad ku dadaashaa. Haweenka oo ah hubka ugu daran ee sheydaanku hurdo iyo soojeedba kugula dagaallamo marka aad la hadlaysid ma eegtid ee indhaha ayaad hoos u rogtaa ama wejiga ayaad dadabtaa, waayo sida aad og tahay eegistoodu waa sino. Haddana tiro ma leh inta jeer ee aad xubnahooda yaabka leh indhaha ku xadday. Mid gambadh ku fadhida oo bawdyaha bannaysay, mid guntiinada naasku dacal ka faydmay, mid dirac khafiif ah ay laabta iyo xalusku muuqdaan, iyo mid sii foororta oo badhida xaggaaga u soo fiiqday, intuba marar badan ayey naftaada miskiinadda ah cadaab ku shideen, oo aad wayso iyo tukasho isku qaboojisay.

Habeen adiga oo wayso qaba oo si aadan Qur’aanka u illaawin dusha ka akhriyaya, oo beerta guriga wareegaya, ayaad daaqad furan ka aragtay Siraad oo qaawan……..LA SOCO QEYBTA XIGTA JIMCAHA XIGA INSHA ALLAH

W/Q: Ibraahin Axmed Yuusuf (Hawd).

Sababihii loo cuskaday ganaaxa Afarta kulan ah ee John Terry oo la shaaciyey.

Gudiga madaxa banaan ee Dishibiliinka xiriirka FA-gu ay u saareen arinta John Terry ayaa maanta sii daayey qoraal ka kooban 63 bog oo loo cuskaday ganaaxa afarta kulan iyo 220 kun ee ginni ee la dul dhigay kabtanka Chelsea.

Sida ay gudigu sheegeen ka dib markii ay daawadeen muuqaalo ku cel celis ah Terry ayaa lagu helay inuu Anton Ferdinand u adeegsaday areyo u qornaa sida tan “f***ing black c***” intii ay socotoay ciyaar u dhexeysay QPR iyo Chelsea bishii October ee sanadii lasoo dhaafay.

Gudiga aya sheegay inaysan eraryadaasi aheyn kuwo la qaadan karo, balse Terry oo in badan Is difaacay ayaa qirtay inuu keliya isagu ula jeeday su’aal uu u maleeyey inuu weydiiyey Aston inuu ka jawab bixiyo.

Balse qoraalka maanta la baahiyey ayaa sheegaya in John uu adeegsaday earayaadaas oo ah kuwo isir naceyd ah, taasoo ugu dambeyn lagu ganaaxay afar kulan iyo 220 kun oo ginni.

“Waxaan daawanay muuqaalkii dhacdadaas laga duubay dhowr jeer. Ka hor inta uusan Terry ereyada ku hadlin waxaa laga dheehan karaa isagoo dhoolacadeynaya, waxaana uu durbadiisa wajigiisa isku bedely qof careysan.” Sidaasi waxaa lagu qoray maqaalka maanta lasii daayey.

 

Madaxwaynaha Soomaaliya oo ku dhawaaqaya Ra’iisul Wasaarihisa inta lagu guda jiro 48 saacadood.

Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu soo afjaray Wadatashiyadii uu waday mudooyinkaan kaa oo uu kusoo magacaabayo ra’iisul Wasaarihiisa.

Ilo lagu Kalsoonyahay oo ay Shabakada Caasimada ka helayso Aqalka Madaxtooyada Vila Soomaaliya ayaa sheegaya in Xasan sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqayo 48 saac ee soo aadan Ra’iisul Wasaarihiisa.

Xasan Sheekh Madaxwaynaha Soomaaiya ayaa dadka Soomaaliyeed waxaa ay ka sugayaan in Ra’iisul Wasaare uu u magacaabo Shaqsi karti iyo Aqoon uleh Xilkaas,Soomaaliyana ka samata bixinaya dhibaatada ay ku jirto.

Shaqsiyaad Madaxwaynaha ku dhow dhow ayaa si hoos ah waxaa ay inoogu xaqiijiyeen in Madaxwaynaha la tashiyadii uu waday Tan iyo Markii la magacaabay uu gabo gabo yahay uuna magacaabayo Ra’iisul Wasaaraha inta lagu guda jiro 48 saac ee soo aadan.

Maxamad Cabdulaahi Farmaajo oo ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa kamid ah dadka ugu cad cad ee doonaya in Xilkaan loo dhiibo.