Warqad furran oo ku socota Madaxweyne Xasan kana timid….!

Waxaa lagu jiraa xilli adeg waxaana socda dadaaladii looga bixi lahaa dhammaanba dhibkii la soo maray 22-kii sano ee dowlad la’aantu ay jirtay. Waxaa howshaasi dhexda uga jira oo looga fadhiyaa waa dowlada cusub ee hadda yeelatay Madaxweynaha,Baarlamaanka iyo guddoonkiisa.

Iyaddoo dowlado ku meel gaar ah oo ina soo maray uu waqtiga uga dhamaaday waxqabad la’aan iyo fullinta danaha wadamada deriska la ah Soomaaliya, waxaana hadd iyo jeer ay iska indho-tiri jireen baahiyaha shacabka Soomaaliyeed, ee u baahnaa nabad, caafimaad, dib u dhis dalkooda iyo waliba dib u hishiisiin dhab ah oo laga soo bilaabo guri kasta oo Soomaaliyeed.

Haddaba shacabka Soomaaliyeed oo muddo badan kadib helay Dowlad rasmi ah oo aan la mid aheyn kuwii hore waxay fishaan waa is badal dhab ah oo ku dhisan dareenkooda iyo rabitaanka hogaamiyaha ay rabaan.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxaan usoo jeedin laheyn inuu soo magacaabo Ra’iisul wasaare ku imaanaya rabitaanka shacabka iyo qofka ay u doortaan inuu noqon karo hoggaamiye lagu kalsoon yahay.

” Waxaa shacabka kuu muujiyeen inta aad xafiiska joogtay qofka ay u arkayeen inuu hoggaamin karo, haddaba adiga oo tixgellinaya midaasi, waxaa kula gudboon inaad soo magacowdo ra’iisul wasaare ah, dooranaha shacabka”

Laakiin waxaan kaaga digeynaa Madaxweyne inaadan ku raaligelin soo magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub wadamada deriska iyo dalalka caalamka sidii ay horey u sameeyeen saaxiibadii kursigan kaaga horeeyey,kuwaasi oo aad ogtahay inay ceel-dheer ku direen rabitaankii iyo rajadii shacabka Soomaaliyeed oo aad ka mid aheyd, ka hor inta aan maanta laguu dooran Madaxweynaha.

Dhinaca kale waxaan Madaxweyne aad ka timid bulshada rayidka,waxaa dalka joogtay muddadii burburka adigoo u dulqaatay dhamaan wixii dagaal sokeeye iyo mid waji diimeed leh ee ka dhacayey. Waxay taasi waayo-aragnimo kuu siin doonaa inaad ogtahay meesha ay shacabka ka jiran yihiin iyo shaqsiga daweyn kara oo ay doorteen.

Madaxweyne haddiiba aad ku dhawaad bil ku jirtay wadahadalo u badnaa, latashiyo qofkii aad ka dhigi laheyd Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya kula hoggaaminaya 4 sano ee soo socota, waxaa haddaba kuu soo jeedineynaa inaad fiiriso qofkii horey loo soo tijaabiyey iyo kan cusub ee la tijaabin doono farqiga u dhexeeya.

Haddii aad nin cusub hadda doorato waxa uu waqti badan kaaga lumi doonaa barashadiisa iyo la qabsiga shaqada hortaala, si aysan taasi u dhicin waxaan tallo ahaan kuu siin laheyn inaad doorato mas’uulka ay shacabka Soomaaliyeed u caleemo saarteen inuu xilkaasi qabto. Taasi ood sameyso waxay ka dhigan tahay inaad tahay ” Madaxweyne u yimid raaligelinta Shacabkiisa” .

Madaxweyne waxaa halbowle u ah shacabkasta haweenka,adigoo maskaxda ku haya muddadii burburka kaalinta ay nolosha Soomaalida kasoo qaateen haweenka waxaan kaa codsaneynaa inaad il-gaar ah ku fiiriso dareenka haweenka. Waxaa hubaal ah in haddii aad magacowdo Ra’iisul wasaare ku imaanaya rabitaanka haweenka iyo da’yarta Soomaalida inay dowlada aad hoggaamisaa dalka u horseedi doonto dib u dhis qaran iyo dowladnimo dib inoogu curata.

” Madaxweyne waxaa niyada ku heysaa in laga soo gudbay 22 sano oo ah badil lagu hayey shacabka Soomaaliyeed ee dunida ku nool iyo dowladii KMG ahaa,balse maanta waxaa tahay madaxweyne hogaan u ah dowlad rasmi ah oo go’aan qaadashadeeda iska leh. Fadlan dib ha inoogu celin raad-arooryaad oo horey loogu soo hungoobay, noqo ninkii qaadan lahaa go’aan aan uga imaan dalalka deriska iyo beesha caalamka.

Tallooyinka aan soo jeedinay haddii uu madaxweynaha meel mariyo waxay wadada u xaari doontaa in aan dalka dib ugu soo noqono, oo aan qeyb ka qaadano dib u dhiska dalka iyo howlaha baaxada leh ee dalkeena horyaala. Dadka rajo ayey Madaxweyne kaa qabaan, rajadaasi oo ah in aad noqoto ” Badelaha wadada xun iyo u hogaamiyaha wadada horumarka”Haddaba taasi waxay ku xiran tahay tillaabada koowaad ee aad u qaado magacaabista Ra’iisul wasaaraha.

Baaqan waa mid ka yimid shacabka Soomaaliyeed ee Holland deggan waxaana uu ku socdaa Madaxweynahooda Prof, Xasan Shiikh Maxamuud kaasi oo maanta looga fadhiyo magacaabista Ra’iisul wasaare. Waa baaq ku dhisan xirir wadatashi oo ka dhexeeya Madaxweyne iyo shacabkiisa.

Isbadel waa kii alle noqo kii dadaala oo dareema shacabka.

Abdirahmaan Maxamed Cumar
Sahro Diiriye Gamadiid.
Cumar Khaanso