Prof. Afyare Cilmi: Haddii la soo celiyo Madeira weji uu dalka kusii joogo ma leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Machadaka Darasaadka Siyaasadda ee Heritage Prof. Afyare Cabdi Cilmi oo wareysi siiyey VOA ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan khilaafka culus ee taagan iyo ceyrintii Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

Prof. Afyare Cabdi Cilmi oo si weyn u falanqeeya arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka ayaa shaaca ka qaaday in hilaafkan cusub uu saameyn ballaaran ku yeelan karo dowalnimada Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ceyrinta Francisco Madeira ay tahay dhaawac culus oo dhacay, isla-markaana kala qaybisay madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Marba haddiiba meeshaan ay gaarto oo qaybo ka mid ah mujtamacii dowladda ay ka koobneyd ay ay leeyihiin ma imaan karo oo weliba ra’iisul wasaarihii iyo wasiiradii muhiimka ahaa qaarkood ay leeyihiin ma imaan karo oo Viso mala siin karo, qola kalena ay leedahay waa lasiin karaa waxaa muuqata damage culus oo dhacay” ayuu yiri Prof Afyare.

Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in qudhiisa Wakiilka Midowga Afrika ay arrintan ku tahay dhaawac weyn, isaga oo tilmaamay in uusan jirin weji kale oo uu kusii joogo dalka.

“Ninkaas u maleyn maayo xiittaa, haddii hala soo celiyo la yiraah weji uu kusii joogo maleh inuu iska tego ayey noqoneysaa,” ayuu raaciyey.

Waxa kale oo uu  ku daray “Laakiin ma ah habkii runtii dowliga ahaa ee laga filanaayey Institutions isla socda oo u dhaqmo ma’aha,” ayuu markale yiri aqoonyahan Afyare.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya, iyada oo Wasaaradda Amniga oo tixraaceyso warqadda tixraaceedu yahay Ref. OPM/0194/04/2022 ee ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ay hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ku amartay inay degenaanshaha kala noqoto Danjire Madeira, isla-markaana aan dib dambe loo siin waraaqaha dal-ku-galka ah.