Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed kulul oo ay kaga hadleyso dagaalkii shalay ka dhacay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, iyadoo eedeyn culus u jeedisay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.
Qoraalka dowladda ayaa yimid saacado kadib markii maamulka Puntland uu dhacdadan iyo siyaasadda Dowladda Federaalka ee ku wajahan gobollada Puntland ka soo saaray cambaareyn adag.
Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa si xooggan ugu baaqay dhammaan shacabka deegaanka inay isdejiyaan, kana fogaadaan falal kicin kara xasillooni darro iyo isku dhacyo. Waxaa sidoo kale la xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.
Qoraalka oo si toos ah eedeyn ugu jeediyay Siciid Deni ayaa lagu yiri: “Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa Madaxweynaha Puntland in uu joojiyo falalka sii hurinaya collaadda, isla markaana uu dib ugu celiyo ciidamada uu kasoo diray degmada Qardho, kuwaas oo loogu talagalay in ay la dagaalamaan Khawaarijta balse nasiib darro loo weeciyay dano kale oo aan waxtar lahayn.”
Dhinaca kale, Dowladda Federaalka ayaa ka codsatay maamulka Puntland in si degdeg ah loo sii daayo sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka oo lagu xiray magaalada Dhahar. Bayaanka ayaa lagu sheegay in xarigga sarkaalkaas uu ahaa mid aan sharci ku dhisnayn, isla markaana aan loo haynin wax caddayn ah oo muujinaya dambigiisa.
Horey ayaa maamulka Puntland dhankiisa u soo saaray war-saxaafadeed si adag u cambaareynaya Dowladda Federaalka, iyagoo ku eedeeyay in ay maalmahan ka wado gobollada Puntland ee nabadda ah “duruuf colaadeed, kicin bulsho iyo degenaansho la’aan.”
Bayaanka Puntland ayaa sidoo kale si adag u cambaareeyay xukuumadda Soomaaliya, isagoo sheegay in galabnimadii Talaadada ay maleeshiyaad hubeysan oo ay dowladda abaabushay ay xiisad colaadeed ka abuureen degmada Dhahar ee gobolka Haylaan, taasoo keentay dhimasho iyo dhaawac.
“Falkan gurracan, oo lagu dhabar-jebinayo halganka xaqa ah ee ay Dowladda Puntland kula jirto argagixisada caalamiga ah ee Daacish iyo Al-Shabaab ee buuraha Calmidhkaad iyo Calmadow, wuxuu noqonayaa mid Dowladda Federaalka lagula xisaabtami doono,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Sidoo kale, Puntland waxay nasiib darro ku tilmaantay in xukuumadda Soomaaliya, oo ku fashilantay hawlihii loo igmaday, ay iyadoo adeegsanaysa deeqaha caalamiga ah ee Soomaaliya loogu talagalay, ay hub ku dhex wado gobollada nabadda ah ee Puntland, una adeegsato dano lagu dumayo xasilloonida.
“Ugu dambeyntii, waxaan ugu baaqeynaa shacabka reer Puntland in ay gacmaha isqabsadaan, midnimadooda iyo wadajirkoodana ilaashadaan.”
Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay xaafada sare ee degmada Dhahar oo ah halka laga soo galo magaalada, waxaana fariisin ku leh ciidamada degaanka ee Maakhir oo xirtay halkaasi, waxaana fashilmay dadaallo la doonayay in lagu xalliyo arrintaasi.
Labada dhinac ayaa waxaa dhex-maray dagaal dhaliyay dhimasho iyo dhaawac, iyada oo rasaasta ay is waydaarsanayeen si xooggan looga maqlay inta badan magaaladaasi.
Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay halkaasi, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid kacsan, maadaama dhaq-dhaqaaqyo culus laga dareemayo gudaha Dahahar.