Puntland iyo Kooxda Axmed Madoobe oo gaaray heshiis la xiriira doorashada

Gaalkacyo (Caasimada Online)  – Maamulka Puntland iyo kooxda Axmed Madoobe ee Jubba ayaa gaaray heshiis buuxa oo la xiriira in dowladda Soomaaliya lugu cadaadiyo doorashada madaxtinimo ee dalka inay ka dhacdo 2016.

Heshiiska labada dhinac ayaa yimid kaddib markii wafti wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Puntland ay tagen magaalada Kismaayo halkaas oo ay kula soo shireen madaxda maamulka Jubba.

Waftigan ayaa maanta dib ugu soo labtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,halkaaso lugu soo dhaweeyey.

Xubnaha waftigaan waxaa hoggaaminayey wasiirka caddaaladda iyo arimaha diinta Ismaaciil Maxamed Warsame ayna ka mid yihiin wasiirka deegaanka Guuleed Saalax Barre iyo laba mudane waxaa garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo ku soo dhaweeyay masuuliyiinta degmada Gaalkacyo kuwa gobolka Mudug.

Duqa degmada Gaalkacyo, C/casiis Jaamac Guuleed iyo gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur oo si wada jira wafdiga garoonka ugu soo dhaweeyay una soo ambabixiyay magaalada Garoowe ayaa sheegay inay booqashada wafdigan ee maamulka Jubba ay astaan u tahay isu-soo dhawaanshaha labada maamul.

Wasiirka deegaanka, Guuleed Saalax Barre oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka ayaa sheegay in dhammaan arrimihii ay Kismaayo u tageen ay guulo ku soo dhamaadeen, ayna qayb ka ahayd dajinta xiisado dhawaan ka unkamay magaalada Kismaayo.

“Waxaan Kismaayo kula soo shirnay madaxda maamulka Jubba waxaana garney heshiisyo dhinacyo badan leh,waxaana lamataaneeyey gobollada Jubbada hoose iyo Nugaal” ayuu yiri wasiir Guuled.

Wafdigan isugu jira wasiirada iyo xildhibaanada Puntland ayaa isla maanta u sii gudbay magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com