Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada difaaca Puntland, gaar ahaan ururka Gantaal oo kaashanaya Booliska degmada Qandala, ayaa qabtay gaari laga shakiyay xilli uu marayay deegaanka Unuun ee gobolka Bari.
Gaarigan ayaa loo tuhunsan yahay in uu sahay iyo raashin u waday firxadkii kooxda Daacish ee weli ku dhuumaaleysanaya dhulka buuraleyda ah ee Calmiskaad.
War kasoo baxay Hawl-galka Calmiskaad ayaa lagu sheegay in gaariga oo ah nooca loo yaqaan Probox uu siday raashin, qalab isgaarsiin iyo qalab kale oo sahay ah, iyadoo sidoo kale lala qabtay ninkii waday.
Warbixinta ayaa intaas ku dartay: “Ciidanku waxay Turmasaale keeneen gaari iyo ninkii watay, oo lagu soo qabtay isagoo raashin, solar iyo agab isgaarsiin u wada dhulka laga sifeynayo firxadka argagixisada Daacish.”
Dhawaan ayey aheyd markii ciidamada difaaca ee Puntland ay gacanta ku dhigeen gaari sahay u swaday maleeshiyaadka Daacish. Gaarigaas oo siday raashin uu ka qaaday Boosaaso ayaa ciidamadu ay ku qabteen deegaanka Biyo Kulule, halkaas oo ay weli ka socdaan howl-gallo culus.
Howl-galladan waxaa barbar socda duqeymo culus oo ay saaxiibada caalamiga ah ka fuliyaan deegaannada la tuhunsan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan Daacish. Weeraradan ayaa si weyn u taageera ciidamada difaaca Puntland ee haatan howl-gallada culus ka wada aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Si kastaba, Guulaha laga gaaray howl-galka Hillaac ayaa la sheegay inay yihiin kuwa si buuxda u wiiqay awooddii ururka Daacish ee gobolka, inkasta oo weli loo baahan yahay feejignaan dheeri ah oo ku wajahan ragga firxadka ah iyo isku daygooda ah inay dib usoo abaabulaan.