Puntland oo badnow kusoo rogtay deegaanadeeda

Garoowe (Caasimada Online) – Taliska guud ee Ciidanka Booliska Puntland ayaa ku bandow kusoo rogay guud ahaan maamulkaas, gaar ahaan inta ay socoto doorashada.

Afhayeenka Ciidanka Booliska maamul goboleedka Puntland oo lagu magacaabo, Gaashaanle Sare Xassan Cabdullahi Maxamed ayaa warbaahinta u faahfaahiyay go’aanka ay soo saareen oo la xariira amniga doorashooyinka qof iyo codka ah ee ka dhacaya Puntland.

Gaashaanle Sare Xassan Cabdullahi Maxamed ayaa sheegay in la joojinayo dhammaan isku socodka gaadiidka deegaanada Puntland, sababo la xariira habsame u socodka doorashada.

“Taliska Ciidanka Booliska Puntland wuxuu ku wargelinayaa dadweynaha reer Puntland in la joojinayo isku socodka gaadiidka guud ahaan gobollada Puntland, inta lagu guda jiro doorashooyinka golayaasha deegaanka” ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Booliska Puntland.

Afhayeenka ayaa xusay in bandowga uu bilaabanayo 24-ka bishaan, isla-markaana uu soconayo illaa 26-ka isla bishan May oo lasoo gabagabeyn doono codeynta doorashada.

“Xilliga isku socodka la joojinayo ayaa ku beegan 24-ka May 2023-ka, saacadda marka ay tahay 6:00PM, illaa 26 May 2023, saacadda 6:00AM,” ayuu markale yiri afhayeenku.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in amarkan uu saameyn doono guud ahaan gaadiidka, haddii ay yihiin kuwa dadweynaha ama kuwa gaarka loo leeyahay intaba.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray reer Puntland, wuxuuna ka codsaday in qof walba oo caawin u baahan uu la xariiro Booliska, inta uu bandowga soconayo.

“Qof walba oo reer Puntland ah, una baahan caawin wuxuu la xiiriiri karaa ciidanka Booliska, gaar ahaan labmarka gaaban ee 999,” ayuu markale yiri Afhayeenka Booliska.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada golaha deegaanka ay ka socoto guud ahaaan Puntland, taas oo ay si weyn ugu loolamayaan ururada siyaasadda ee maamulkaas oo uu ku jiro midka madaxweyne Deni.