25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Puntland oo ciidanka PMPF geynaysa degmada Laasqoray kadib dalabkii Imaaraadka

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa haatan qorsheynayo in ciidamada badda ee PMPF uu geeyo magaalo xeebeedka Laasqoray  ee gobolka Sanaag, halkaas oo ay ka bilaabi doonaan dhaq-dhaqaaqyo culus.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo ciidamada in qorshaha ugu wayn ee Puntland uu yahay in ciidamadaasi ay saldhig cusub ka sameystaan degmada Laasqoray, si ay halkaasi uga abaabulayaan howlgallo culus oo ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada badda Puntland (Puntland Maritime Police Force – PMPF) ayaa xaqiijyay in ciidamadooda loo diyaariyay sidii ay u gaari lahaayeen magaalada Laasqoray, maadaama uu halkaasi ka bilaabanayo guluf culus oo ka dhan ah argagixisada.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in saldhigga cusub ee degmada Laasqoray uu noqon doono saldhiga labaad ee ugu weyn oo ay lee yihiin ciidamada gaarka ah PMPF, marka laga yimaado kan Boosaaso, si ay u xaqiijiyaan ammaanka guud ee xeebaha magaaladaasi.

Sida uu qorshuhu yahay ciidamada PMPF ayaa marka ay sameystaan saldhiggooda cusub waxa ay ku dhawaaqi doonno howlgal dhinaca dhulka ah oo ka bilaabaya gobolkaasi. Ujeedka Puntland ayaa ah mid lagu ballaarinayo howlgal loogu magac daray Onkod oo isku xiran kana soo billaabanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, isla markaana la gaarsiinayo illaa Laasqoray oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Madaxweynaha Puntand Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa horay u sheegay in halkaas laga bilaabi doono wajiga labaad ee howlgallada, si looga xoreeyo kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaaleysanayo Buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag.

Tallaabadan cusub ee ay qaadeyso dowlad-goboleedka Puntland ayaa kusoo aadayso, iyada oo haatan Laascaanood looga dhowaaqay maamul cusub oo la magac baxay Waqooyi Bari Soomaaliya, kaas oo ka talin doono saddexda gobol ee kala ah Sool, Sanaag iyo Todheer.

Waxaa kale oo ay arrintan ay kusoo beegmeysaa, iyada oo dhowaan dowladda Imaaraadka Carabta ay Puntland u soo jeedisay in ay gacanta ku dhigaan magaalada Laasqoray, si looga hortago qorshaha dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa dalbaday in magaaladaas la geeyo ciidanka ay maalgaliyaan ee PMPF-ta Puntland, si looga hortago in degmada Laasqoray laga dhiso Dekad uu yeesho maamulka cusub ee lagu dhisay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Si kastaba, Imaaraadka ayaa u arka in maamulka lagu dhisay Laascaanood mid qaadi doono tallaabo uu ku dhisanayo Dekadda magaalada Laasqoray ee gobolka Sanaag. Sababta Imaaraadku ay cabsi badan uga qabaan in Laasqoray deked cusub laga dhiso waa inay cuuryaamin karto macaashkooda maalgashiga ay ku sameeyeen dekadaha Berbera iyo Boosaaso.

- Advertisement -

Read more

Local News