26.4 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Puntland oo ciidamo hor leh gaysay gobolka Sanaag

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhahar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Puntland ay maanta ciidamo dheeraad ah gaysay gobolkaasi, kuwaas oo wata gaadiidka deegaalka, waxayna fariisimo cusub ka sameysteen degmooyinka Dhahar iyo Badhan.

Saraakiil u hadashay Puntland ayaa sheegay in ciidamadan ay xoojin doonaan kuwii horay u joogay degmooyinkaasi, isla markaana ay sugi doonaan amniga guud ee gobolka.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegaya in haatan xaaad kacsanaan ah laga dareemayo aaggaasi, maadaama ay horay u joogeen ciidamo kale oo taabacsan kuwa maamulka SSC-Khaatumo, waxaana laga cabsi qabaa inuu dagaal horleh ka qaraxo gobolka Sanaag.

Ujeedka Puntland ayaa ah inay ka hortegto dhaq-dhaqaaqa ciidamada SSC iyo kuwa Maakhir ee ku sugan halkaasi, kuwaas oo horay ula dagaalamay ciidamadeeda ku sugan degmada Dhahar.

Tallaabadan ayaa uga sii dareysa xiisadda ka taagan Sanaag ee ka dhalatay dhammeystirka maamul-goboleedka SSC-Khaatumo ee haatan loo fadhiyo magaalada Laascaanood.

Puntland ayaa ka carootay qaabka wax loo wado, maadaama goboka Sanaag loo qorsheeyay inuu ku biiro maamulka SSC, taas oo keentay xiisadda ka taagan gobolkaasi.

Si kastaba, shirka dhammeystirka dowlad-dhiska SSC-Khaatumo ayaa hadda ku dhow gabgabo, waxaanais-afgarad laga gaaray arrimo muhiim ah sida magaca, calanka, astaanta, iyo nidaamka maamulka.

Maamulka cusub ayaa lagu magacaabi doonaa Woqooyi-bari, magacaas oo la rumeysan yahay inuu astaan u yahay mideynta gobollada Soomaaliyeed ee waqooyiga ee doonaya is-maamul hoosaad ka madax bannaan Somaliland.

Dadka qaar ayaa sheegaya in magaca “Woqooyi-Bari” la doortay ayadoo ah xeelad looga taqalusay ama lagu dilay sheegashooyinkii labada maamul ee Waqooyi [Somaliland] iyo Bari [Puntland] ee muddo isku haystay dhulka Khaatumo iyo Maakhir.

Calanka maamulka Woqooyi-bari ayaa lagu sifeeyay inuu ka kooban yahay buluug leh xiddig cad, oo ay wehliyaan cagaar iyo caddaan u muuqda sidii farasle. Astaanta maamulka ayaa noqon doonta calanka oo ay garbaha ka hayaan laba faras – mid bidixda ah iyo mid midigta ah – taasoo lagu micneeyay astaan u taagan geesinimo iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo lagu heshiiyay  in Laascaanood ay noqoto caasimadda rasmiga ah ee maamulka cusub. Qaab-dhismeedka maamulka ayaa la sheegay inuu ka koobnaan doono: Madaxweyne, Madaxweyne ku-xigeen, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Laba ku-xigeen oo Baarlamaanka ah.

- Advertisement -

Read more

Local News