Puntland oo ciidamo tiro badan dhoobtay xeebaha maamulka

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ciidamo dheeri ah geeyay Xeebaha maamulka kadib markii la sheegay inay kusoo xirtaan xeebaha Doonyo ay la socdaan Ajaanib looga shakisan yahay inay sahay u wadaan Argagixisada ku dhuumaaleysaneysa Buuraha Galgala.

Ciidamada dheeriga ah ee la geeyay Xeebaha ayaa xiliyada Habeenkii ku gaaf wareega badda si ay u fashiliyaan Doonyahaasi.

Xeebaha ugu badan oo ay kusoo xirtaan Doonyahaasi ayaa waxaa kamid ah xeebaha Nugaal iyo Mudug, waxaana jira warar sheegaya in Doonyaha qaar ay soo xirtaan xiliyada Habeenkii.

Ciidamada ayaa la faray inay gacanta ku dhigaan xitaa Doonyaha u raran Ganacsatada si looga dhex baaro wax waliba oo qalqal galinkara amniga deegaanada maamulka.

Maamulka ayaa cabsi ka qaba in Doonyahaasi Xeebaha Puntland lagu keeno Dagaalyahaano Ajaanib iyo Hub dhuumasho ah.

Buuraha Galgala ayaa waxaa ku jira Kooxo taabacsan Daacish kuwaasi oo Saanada Militeri loo soo mariyo Badda.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com