Somaliland iyo Hirshabeele oo fariin u diray Gaas iyo Guuleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalada ka dhacaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee u dhaxeeya maamulada Puntland iyo Galmudug.

Wasiirka warfaafinta maamulka Somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalada ka dhacaya magaalada Gaalkacyo ee u dhaxeeyo beelaha walaalaha ah.

Wasiirka ayaa ugu baaqay dhinacyada maamulada ku dagaalamaya magaalada iney ka shaqeeyaan sidii si dhaqso ah loo joojin lahaa dagaalada ka dhacaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabeele Cali Guudlaawe ayaa ugu baaqay maamulada ku dagaalamaya magaalada Gaalkacyo iney ka shaqeeyaan joojinta dagaalada ka dhacaya magaalada.

“Waxaa ku baaqayaa in dagaalka la joojiyo, dad hal deegaan ku wada nool oo wiil iyo abtigii ah inay is dagaalaan wax wanaagsan ma ahan, waxaa ugu baaqayaa Maamulada Galmudug iyo Puntland inay si shuruud la’aan ah ku joojiyaan dagaalka”ayuu yiri Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle.

Waxay labada maamul kula dardaarmeen iney ka naxaan maatada ku dhamaaneyso dagaalada ka dhacaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com