Puntland oo dacwo Somalia ka dhana u gudbisay xiriirka caalamiga ah ee…

Garoowe (Caasimada Online) – Xiriirka kubadda maamulka Puntland ayaa qaadacay doorasho magaalada Muqdisho ka dhacday maalintii Axadda, taasoo lagu doortay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Agaasimaha wasaaradda cayaaraha ee maamulka Puntland, Axmed Cabdullaahi Tigaana, ayaa BBC-da u sheegay in doorashadii lagu doortay Cabdiqani Saciid Carab ay ahayd mid si musuq-maasuq u dhacday isla markaana ay cabasho arrintaas ku muujinayaan ay direyn hey’adda maamusha kubadda cagta adduunka ee FIFA.

Wuxuu sheegay marka loo eego qaabka ay u dhacday doorashadda iyo cidda la doortay in ay tahay mid la isla ogyahay oo dhammaan xubnaha guddiga waa hal qabiil ayuu yiri.

Mar la weydiiyay sidda uu uga jawaabay in mid ka mid ah guddoomiye ku-xigeennada xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta loo doortay qof ka soo jeeda Puntland, wuxuu sheegay in doorashadaas aaney jirin cid u mataleysay, isagoona yiri ninka la sheegay isagoo meesha aan joogin ayaa la doortay.

Mr. Tigaana waxaa kaloo uu sheegay in ay lee yihiin xiriir gooni ah isla markaana ay hadda isku qalabeenayaan kooxaha heerka koobaad ee ka dhisan Puntland.

SOMALILAND maxay ka tiri iyana doorashadda?

Maamulka Somaliland ayaa isna ka hadlay doorashadii guddoonka sare ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda, waxaana ay tilmaameyn in wax shaqo aanu ku lahayn arrintaas oo iyagu ay lee yihiin xiriir gaar ah oo la shaqeeya hey’addaha caalamiga.

Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee Somaliland ayaa isna sheegay in wax xiriir ah aanu ka dhexeynin iyaga xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Si kastaba, marka loo eego hadallada ka soo baxay maamulada Puntland iyo Somaliland waxbo kama duwana kuwa ka soo yeera mar kasta madaxda siyaasiyiintooda, kuwaasoo markasta weerarra dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Marka laga soo gudbo Puntland iyo Somaliland, waxaaba jirta in seddax doorasho ay ka dhacday magaalada Muqdisho taasoo lagu doortay seddax guddoomiye cusub oo madax u noqonaya xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta afarta sanno ee soo socota.

Balse wax dad badan ay isweydiinayaan maxaa Sports-ka iyo siyaasadda isku keenay?

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com