Baydhaba oo lagu doortay gudoomiye Baarlamaan iyo Jawaari oo ku sugan

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo oo uu ku sugan yahay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari waxaa ka dhacday Isniintii shaley doorasho la sheegay in lagu doortay guddoomiyaha baarlamaanka ee maamulka lixda gobal.

Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere) ayaa loo doortay in uu noqdo afhayeenka baarlamaanka maamulka lixda gobal ee uu hoggaamiyo Madoobe Nuunow Maxamed.

Guddoomiyaha cusub ee la doortay ayaa warbaahinta u sheegay in la soo dhammeestiray maamulka lixda gobal isagoona intaas ku daray in ay tartameyn isaga iyo Xaaji Cali.

Wuxuu sheegay in xildhibaannada baarlamaanka oo ka kooban 135- ay goobjoog ka ahaayeen doorashadiisa 72- xubnood waxaana uu yiri 54 ka mid ah ayaa codka isiiya halka ninka ka soo horjeeday uu isna helay 27 xubnood halka shan cod uu ka halaabay.

Cumar Dheere ayaa tilmaamay in doorashadiisa ay u dhacday qaab cadaallada ah oo lagu kal soonaan karo.

“Maamulka lixda gobal waa la soo dhammeestiray waxaana lagu soo doortay 4.5, waana maamul dadka shacabka oo dhan ay taageersan yihiin” ayuu yiri Cumar Dheere.

Mar la weydiiyay sidda uu u arko tagitaanka Jawaari magaalada Baydhabo, wuxuu sheegay in ay soo dhaweenayaan balse wuxuu yiri waxaa loo baahan yahay in la tixgaliyo rabitaanka shacabka.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in ay soo dhaweenayaan cid kasta oo diyaar la’ah wadahadal ay la furayaan maamulkooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

Caasimada@live.com