Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo u ekaaday siyaasadda (Maxaa cusub?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa shalay lagu qabtay doorashadii 3-aad ee lagu doortay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, waxaana xilkaas loo doortay Yaasiif Abuukar Cariif, oo horrey u soo noqday xoghayaha xiriirka.

Yaasin ayaa la tartamay labo qof oo kale waxaana uu helay wadarta guud codadka la dhiibtay maadama ay u codeeyeen 25-qof oo matalayay kooxaha heerarka kala duwan ee dalka ka dhisan.

Haddaba Yaasin Cariif waa guddoomiyihii seddaxaad ee uu yeesho xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, waxaana muuqata is qabqabsi ka dhex jirra xiriirka iyo loolan dhexdooda ah.

Maalintii shaley oo 31-ka bisha ahayd waxaa magaalada Muqdisho lagu doortay Cabdiqani Saciid Carab oo horrey u soo noqday xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta isla markaana 10kii sanno ee la soo dhaafay ka mid ahaa madaxda xiriirka, waana nin loo badinayay in uu ku guuleysan karo xilkaas sidda ay lee yihiin dadka odorosa arrimahan.

Isla 30-kii bishaas oo ahayd maalintii Sabtida waxaa magaalada Muqdisho lagu doortay Muxyidiin Darbaweyne oo isna xubin ka soo noqday xiriirka oo xittaa mar noqday guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Haddaba doorashadan seddaxda maalin ee isku xigta ka dhacday Muqdisho waxaa mid kasta oo ku guuleysta uu lee yahay waxaan ahay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ee afarta sanno soo socota.

Si kastaba, ismaandhaafka ka dhexjirra xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo hadda u muuqaal eg midkii siyaasadda ayaa waxaa kala saari doona xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA oo cidda ay aqoonsato ay noqon doonto cidda rasmiga ah ee guddoomiye u ah xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Soomaaliya.

In kastoo uu dhaqdhaaq sameeyay 20-kii sanno ee la soo dhaafay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta balse waxaa dadka dhaliila ay lee yihiin wuxuu noqday goob ay isku koobaan uun koox gaar ah isla markaana ma jirto wax isbadal ah oo ka dhexdhacay dhexdooda.

Caasimadda Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimda@live.com