Ciidanka Khatumo oo dharbaaxo culus ku dhuftay kuwa Somaliland (Warbixin)

Garoowe (Caasimada Online) – Warka ka imaanaya Magaalada Saax-dheer ee Gobolka Sool, ayaa sheegaya in halkaasi ay isku farasaareen Ciidamada Maamulka Khatumo iyo kuwa Maamulka Somaliland.

Dagaalka labada Ciidan ayaa la sheegayaa inuu qaatay ku dhawaad Laba saac, waxa uuna ka dhacay Seddex deegaan oo hoostagta Deegaanka Saax-dheer.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Khaatumo ay weerar culus la kawsadeen Ciidamo taabacsanaa Maamulka Somaliland.

Salaad Amiin oo kamid ah Saraakiisha Khatumo, ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid gaadmo ah oo ay ku qaaden goob fariisimo u aheyd Ciidamada Maamulka Somaliland sidaana uu kusii baahay, waxa uuna Tilmaamay inay halkaasi ku dileen Lix ka tirsanaa Ciidamada iyo Laba Sargaal oo ciidankaasi hogaamineysay.

Sidoo kale, Sargaalka ayaa waxa uu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid ay ku xanuunjinayeen Ciidamada Maamulka Somaliland oo iyagu maalmo ka hor Deegaanka Saax-dheer ku laayay dad shacab iyo Ciidamo isugu jira.

Dhanka kale, waxaa degan xaalada Goobahaasi lagu dagaalamay waxaana weli is hor fadhiya Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Khaatumo iyadoona xili waliba laga cabsi qabo inuu dhaco Dagaal.

Deegaanka Saaxdheer ee Gobolka Sool ayaa dhawaan waxaa ka dhacay Dagaal Magaalada looga saaray Maamulka Madaxweyne Cali Khaliif iyo Mas’uuliyiinta Maamulkaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com