Xog: Maxaa kala soctaa ujeedada wafti ka socda Turkiga oo Kismaayo gaaray?

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose waxaa maanta oo Isniin ah gaaray wafdi ka socda dowladda Turkiga, waxaana hoggaaminaayay madaxweyne ku-xigeenka labaad ee maamulka KMG ah ee Jubba, Suldaan Cabdiqaadir Maxamed Luga-dheere.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba iyo qeybaha bulshada ayaa garoonka Kismaayo ku soo dhaweeyay wafdiga.

Hoggaamiye ku-xigeenka labaad ee maamulka KMG ah ee Jubba, Suldaan Cabduqaadir Lugadheere oo wafdiga ka soo raacay dalka Turkiga ayaa sheegay in uu wafdiga isla maanta magaalada Kismaayo kula kulmay hoggaanka maamulka KMG ah ee Jubba.

Lugadheere ayaa hoosta ka xarriiqay in labada dhinac ay ka wadahadleen sidii dowladda Turkiga ay deegaaannada Jubbooyinka u gaarsiin laheyd deeqo waxbarasho iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka waddo Soomaaliya.

Madaxa Mashaariicda Horumarinta  iyo Iskaashiga Caalamiga Ah ee Hay’adda Turkiga (TIKA) ee Soomaaliya, Axmed Gokcek ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin booqashada wafdiga ee Kismaayo.

Axmed Gokcek ayaa tilmaamay in dowladda Turkiga ay ka go’an tahay taageerada shacabka Soomaaliyeed, si loo sii xoojiyo xiriirka walaalnimo ee dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.

Caasimadda Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimda@live.com