Xog: Barre HIIRAALE oo laga saxiixay 8 qodob oo soo afjaray awoodiisa (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Sargaal ka tirsan Xafiiska Ra’isulwasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed, ayaa inoo xaqiijiyay in Ra’isul wasaaraha, Wasiiro, Xildhibaano iyo Odayaal kasoo jeeda Beesha Sade ay kullan la qaaten Col. Barre Hiiraale kaasi oo lagu lafa-guray  Siyaasadda iyo isku soo dhawaanshaha Barre iyo Axmed Madoobe.

Sargaalka ayaa inoo xaqiijiyay in Mas’uuliyiintaasi ay Col. Barre ku cadaadiyeen inuu u Hoggaansamo Awaamirada DF, waxa ayna Barre ka saxiixeen fulinta Dhow Qodob oo saldhig u ah Wada-xaajoodka.

Haddaba Sargaalka oo ka gaabsaday Magaciisa ayaa waxa uu inoo xaqiijiyay in Col. Barre lagu xujeeyay inuu meel-mariyo 8-Qodob ee soo socda:-

1-Inuu ka qeybqaato dhismaha Maamulka KMG Jubba.

2-Inuu Ciidamadiisa iyo Hubkiisa uu ku bedelo kuwo Qaran.

3-In Ciidamadiisa ay kamid noqonayaan kuwa Gobolka.

4-In Mushaaraad gaar ah la siinaayo Ciidamadiisa, Hubkana si nidaamsan loo sharciyeynaayo.

5-Inuusan amar siin Karin Ciidamadiisa, balse ay ka amar qaadanayaan Taliyaha Ciidamada Maamulka Jubba.

6-Inuu hurmuud ka ahaan doono Madaxda ay khuseeyso Abaabulka Shirka ka dhici doono Kismaayo ee lagu heshiisiinaayo Beelaha Dega Kismaayo.

7-Inuu u Hogaansamo Awaamirta DF iyo go’aanada kaga aadan Jubba.

8-Ugu dambeyntii in wada-xaajoodka kala dhexeeyo Axmed Madoobe uusan baayicin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com