Ujeedka socdalka Jawari ee Baydhabo

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ee horay u joogay Baydhabo, mas’uuliyiinta maamulka gobolka, kan degmada iyo qeybaha bulshada ayaa soo dhoweeyay guddoomiyaha.

Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu ku sugnaan doono magaalada Baydhabo, isagoo tilmaamay in uu kulamo la qaadan doono qeybaha bulshada ee ku nool magaaladaas.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii gobollada looga dhisi lahaa maamul ay ku midaysan yihiin dadka deegaanka.

Dhinaca kale, ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana waddooyinka la dhigay ciidamada dowladda federaalka ah iyo kuwa AMISOM.

Caasimadda Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimda@live.com