Daawo sawirrada: Shirkad diyaarad oo cusub oo Soomaaliya kusoo biirtay

Shirkad Cusub oo Diyaaradeed laguna Magacaabo Som-air oo lagu daah furay magaadalada Nairobi ee dalka Kenya, Sawiro .

Waxaa magaalada Nairobi lagu soo bandhigay shirkad Cusub oo la Yiraahdo Som-air, Waxaana Munaasabad si wayn loo soo agaasimay lagu Qabtay Hotel Panari ee Magaalada Nairobi.

Xafladaan oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo Qeybgalay Mas’uuliyiin iskugu jirta Ganacsato, Maamulka Shirkada iyo marti sharaf kale.

Mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Maxamed Cabdi xaliim oo ah Agaasimaha guud shirkada Som-air, Xil dhibaan Mohamed Shidiye oo ka mid ah Xildhibaanada Dowlada Kenya iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ka hadashay furitaanka xaflada diyaarada cusub ee Som air.

Mohamed Abdi Halim oo ah Agaasimaha guud ee Diyaarada Soma air oo ku dheeraaday meelaha ay tagi doonto diyaaradu ayaa sheegay in ay duulimaadku tagi doonto, MOGADISHU ah xarunta ugu way ee diyaaradu ka duuli dooto ayadoo duulimaadyo ku tagi doonta: NAIROBI, KAMPALA, YEMEN, ETHIOPIA ,DUBAI iyo gobolada dalka Somalia.

Sidoo kale Mohamed Abdi Halim ayaa sheegay in ay tahay diyaaradu mid ay somalidu leeyihiin oo qofkii raba uu sheerku darsan karo.

Shirkadaan ayaa ka mid Noqon Doonta shirkadaha Diyaaradeed ee Xiligan ka shaqeeya Soomaaliya, kuwaas oo sanadihii la soo dhaafay wax badan u qabtay Umada Soomaaliyeed.

soma air (1)soma air (2)soma air (3)