Ciidamada Barre Hiiraale oo Kismaayo ku dayacan & ballan looga baxay (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka ka imaanaya Magaalada Kismaayo  ee Xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dayacan yihiin Ciidamada Col. Barre Hiiraale ee maalmo ka hor gaaray Magaalada Kismaayo.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ciidamadaasi oo kor u dhaafaya 85 askari ay Col. Barre kasoo raaceen Duleedka Kismaayo gaar ahaan Deegaanka Goobweyn si loogu dajiyo Xarun ciidan oo ku taalla Kismaayo, hayeeshee markii uu Barre soo aaday Magaalada Muqdisho ciidamadaasi la dayacay.

Sargaal ka tirsan Garabka Barre Hiiraale, ayaa inoo xaqiijiyay in Ciidamada Axmed Madoobe ay heystaan nolol wanaagsan, balse ay iyagu ku noolyihiin meel aysan muteysan.

Waxa uu Sargaalkaasi sheegay in heshiiska uu ahaa in la dajinaayo Xarun Ciidan oo iyaga u gaar ah, balse ballanta looga baxay markii uu Barre Hiiraale usoo dhoofay Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa waxa ay sidoo kale, ka cabanayaan nolol xumi lasoo daristay, waxa ayna durbadiiba qeylo dhaan gaarsiiyeen Col. Barre oo xiligaani ku sugan Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, warar hoose ayaa sheegaya in Col Barre Hiiraale uu amar ku bixiyay in Ciidamada ku harsan Duleedka Kismaayo ee aan weli gaarin Kismaayo, ay halkooda kusii nagaadan, kadib markii uu buuq ka dhashay Cabashooyinka durbo kasoo yeeray Ciidamadda.

Barre ayaa waxa uu Taliyaha Ciidamadiisa iyo Afhayeenkiisa ku amray inaan la saari Karin Ciidamo kale oo ku sugan Goobweyn, waxaana la Tilmaamayaa inuu aad uga carooday Ficilada lagu sameynaayo Ciidamada uu heshiiska ku geeyay Kismaayo.

Dajinta Ciidamadda Barre ee Magaalada Kismaayo, ayaa waxa ay qeyb ka aheyd Heshiiskii lagu kala saxiixday Magaalada Kismaayo, kaasi oo ay garwadeen ka ahaayen Wasiiro iyo Ururka IGAD.

Haddii ay suuragasho in Axmed Madoobe uu dayaco Ciidamada Barre ee dib u dajinta loogu sameeyay Kismaayo, ayaa waxaa la filan karaa inuu bur-bur ku imaado Wada-xaajoodka, maadaama Qodobadii lagu heshiiyay ay qeyb ka aheyd xanaaneynta Ciidamadda laga soo kaxeeyay Deegaanka Goobweyn.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com