Maxaad ka ogtahay sida Barre Hiiraale loo ogoleysiiyey heshiiska uu qaatay?

Kismaayo (Caasimada Online) – Urur gobaleedka IGAD oo ka dhisan geeska Afrika ayaa si weyn u soo dhaweeyay tallaabadii uu korneel Barre Hiiraale ku oggolaaday in uu tago magaalada Kisamayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose isla markaana uu aqbalo heshiis ay garwadeen ka ahayd dowladda Soomaaliya iyo IGAD.

Wakiilka IGAD ee Soomaaliya, Ambassador Maxamed Cabdi Affey oo saxaafadda ugu warramay maanta magaalada Kismaayo ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in lagu guuleysto Barre Hiiraale isaga iyo ciidanka uu watay ay soo galaan magaalada Kismaayo isla markaana ay ka qeybgalaan shirka dib u heshiisiinta ee Kismaayo ka furmaya bisha Sept.

Wuxuu sheegay IGAD in door badan aaney ku lahayn arrinta Barre Hiiraale looga soo waday Goobweyn balse howsha waxaa billaabay ayuu yiri ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya isaga dhammeestirka u soo diray seddax wasiir oo howsha ku guuleystay ayuu yiri.

Ambassador Affey ayaa tilmaamay IGAD in ay aad u soo dhaweneyso tallaabada dowladda ay ku soo afjartay murankii ka jiray Jubbooyinka in la dhaqan galiyo heshiiskii Addis Ababa ku dhexmaray dowladda iyo maamulka Jubba sannadkii hore.

Wuxuu sheegay oo kale in uu aad ammaanayo Axmed Madoobe oo oggolaaday in uu soo dhaweeyo isla markaana uu waji furan iyo soo dhaweyn ku qaabilo Korneel Barre Hiiraale oo Kismaayo ay ku dagaallameyn.

Danjiraha ayaa la weydiiyay sababta Barre Hiiraale loogu wareejiyay Muqdisho ciidankiisana loogu xareeyay xero Kismaayo ku taalla.

Wuxuu sheegay Ambassador Affeey in Barre Hiiraale uu yahay siyaasi isla markaana magaalada Muqdisho ay xarun u tahay madaxda dowladda sidda madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha isla markaana ay halkaas isku arki doonaan madaxda dowladda kaddibna uu dib ugu soo laaban doono magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyn Maxamed Affey ayaa aad u soo dhaweeyay howlaha ay dowladda wado ee ku aadan dib u heshiisiinta iyo isku soo dhaweynta dhinacyadda dagaallamaya ee Soomaalida.

Caasimadda Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com