Xog: Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ku wajahan Baydhabo (Muxuu doona?)

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa sheegaya in goor dhow uu Guddoomiyaha ku wajahan yahay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay.

Wararku waxa ay sheegayaan in guddoomiyaha ay Socdaalkiisa ku wehlin doonaan Xildhibaano kasoo Jeeda Baydhabo.

Socdaalka Guddoomiyaha iyo xubnaha la socda, ayaa waxaa la Tilmaamayaa in Ujeedkooda uu yahay xalinta khilaafka ka dhex-taagan arimaha ku aadan maamulada saddexda Gobol iyo lixda Gobol.

Maxamuud Sayid Aadan oo ah Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka 6-da Gobol, ayaa xaqiijiyay in Prof Jawaari imaanshihiisa uu xooga ku saari doono inuu meel isugu keeno labada Garab ee wada sheeganaaya Maamulada.

Maxamuud Sayid Aadan waxa uu rajo ka muujiyay in Imaanshaha Guddomiyaha Baarlamaanka uu wax wanaagsan kusoo kordhin doono xal u raadinta Khilaafyada ka dhex taagan Labada garan.

Dhanka kale, Siyaasadaha ka taagan Baydhabo, ayaa u muuqaneysa mindi mindi ku tag, waxaana dhowr Jeer halkaasi booqashadeeda ku fashilmay Ra’isulwasaaraha iyo Xubno uu Hoggaaminaayay oo Banaanbaxyo looga soo saaray Baydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com