Shariif Xasan Sh. oo tagaya Baydhabo

Baydhabo (Caasimada Online) – Wariye ka tirsan Caasimada Online ayaa soo sheegaya in magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ay ku wajahan yihiin saacadaha soo socda wafdi ballaaran oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari.

Wafdiga guddoomiyaha baarlamaanka, waxaa ka mid ah Shariif Xasan Sheekh Aadan oo horrey xilal uga soo qabtay dowladihii kumeel gaarka ee dalka soo maray.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamo aad u fara badan oo ay ku jiraan kuwa Itoobiyaan ah.

Magaalada Baydhabo waxaa horrey ugu sugnaa wafdi dowladda ka socda, waxaana ka mid ahaa wasiirka cayaaraha iyo dhallinyarada Khaliif Cumar Cali iyo Wasiir ku-xigeenka ammaanka Ibraahim Yarrow.

Wafdiga horey u joogay Baydhabo waxaa ay ku howlanaayeen siddii loo dhammeestiri lahaa maamulka seddaxda gobal ee Koonfur galbeed balse ilaa hadda wax la taaban karo uma suurta galin.

Shariif Xasan ayaa si weyn u taageersan maamulka seddaxda gobal oo uu madaxweyne u yahay nin ay dhinaca Hooyada walaalo ka yihiin.

Jawaari ayaa loogu diray Baydhabo siddii uu soo dhammeyn lahaa khilaafka ka taagan halkaas oo labo maamul uu ka dhisan yahay in uu la kulmo Madoobe Nuunow oo weli ku adkeesanaya in uu yahay madaxweynaha lixda gobal ee koonfur galbeed.

Ma cadda sidda uu xaalka noqon doono marka uu Jawaari maanta oo Isniin ah tago Baydhabo Janaay.

Faah-faahinta warkan kala soco boggeena Caasimada Online