XOG: Dadkii ku noolaa SAAX-DHEER & maamulkoodii halkee ayey qabteyn?

Saaxdheer (Caasimada Online) – Kaddib markii Khamiistii hore uu dagaal xooggan ka dhacay deeganka Saaxdheer ee gobalka Sool, waxaa soo baxaya warar sheegaya in dadkii shacabka ee ku noolaa magaalada iyo maamulkoodii Khaatumo State ay u baxsadeen dhinaca iyo dalka Itoobiya.

Wariye soo arkay xaaladda ay ku sugan yihiin dadkii ku noolaa Saaxdheer ayaa tagay deeganka Togga Ergo oo ku yaalla dhulka ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya, halkaasoo hadda si barakac ah ay ku nool yihiin dadkii reer Saaxdheer iyo maamulkoodii.

Wariyaha ayaa sheegay in meel 20km u jirta Saaxdheer ay ku sugan yihiin mas’uuliyiintii maamulka Khaatumo oo uu ka mid yahay madaxweynaha cusub Prof Cali Khaliif Galer iyo ergooyin badan oo qayb galay caleema saarkiisa.

Wariyaha waxaa kaloo uu sheegay in madaxda Khaatumo ay hadda ku howlan yihiin siddii ay ku dhammeestiri lahaayeen maamulka inta ka dhimman oo ay ka mid yihiin xubnaha baarlamaanka iyo golaha wasiiradda.

Wariyaha ayaa la weydiiyay bal in uu soo arkay wax gargaar ah oo loo fidiyay dadka shacabka ee ku noola Aagga Ergo, wuxuu yiri “Gargaar caalami ah iyo mid kale looma fidin xittaa ma jirto cid sahan ugu timid dadka halkan ku nool”

Wariyaha booqday deegannada ay ku barakaceyn maamulkii iyo shacabkii Saaxdheer ayaa tilmaamay haddii aan gurmad la soo gaarin in laga cabsi qabo inta goobta uu ka dilaaco cudurada faafa maadama la filaayo in ay roobab ka da’aan.

Ugu dambeyn wariyaha waxaa uu sheegay in deeganka Saaxdheer ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland kuwaasoo qabsaday maalintii Khamiista ee la soo dhaafay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Saaxdheer

Caasimada@live.com