XOG: Col. Barre Hiiraale oo la qasbay

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa soo gaaray wafdi wasiiro ah oo uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha iyo fedaraalka, Cabdullaahi Goodax Barre, waxaa kaloo wasiiradda kale ka mid ah maaliyadda iyo garsoorka.

Wafdigan ayaa maalmihii la soo dhaafay magaalada Kismaayo ku sugnaa, waxaana iyaga iyo wakiilka IGAD ee Soomaaliya Ambassador Maxamed Cabdi Affey ay ku howlanaayeen siddii magaalada Kismaayo dib loogu soo celin lahaa Korneel Barre Hiiraale iyo ciidamo uu wato oo ku sugnaa duleedka magaalada.

Haddaba Barre Hiiraale siddee ayuu ku yimid Muqdisho?

Marka loo eego hadalka uu sheegay Barre Hiiraale, wuxuu tilmamaay inuu qaatay nabadda oo iridii colaadda la xiray sidda uu yiri markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Barre Hiiraale waxaa kaloo uu horrey u sheegay in uu oggolaaday ka qeybgalka shirka dib u heshiisiinta ee 16-ka bisha na soo aadan ka dhacaya magaalada Kismaayo.

Arrintaas mid ka duwan waxaa saxaafadda u sheegay Suldaan Xasan Xuseen Naaleeye oo ka mid ah dadka ay isku fikirka ahaayeen Barre Hiiraale,wuxuu yiri Korneelka waa loo hanjabay oo si qasab ah ayaa lagu keenay Muqdisho.

Waxaa kaloo uu sheegay Suldaanka in Barre Hiiraale lagu yiri waa lagu duqeynaa haddii aadan la heshiin maamulka KMG ah ee Jubba isla markaana aadan ka soo tagin deeganka Goobweyn.

Barre Hiiraale kama muuqan markii uu shaley ka soo dagayay garoonka Muqdisho in uu yahay nin la soo qasbay balse waxaa hadalladiisa laga dareemayay in ay weli jiraan khilaaf u dhexeeya isaga iyo Axmed Madoobe.

Barre Hiiraale ayaa laga saaray magaalada Muqdisho sannadkii 2013-ka xilligaas oo isaga iyo rag kale oo sheegtay madaxweynaha ay dagaallameyn Axmed Madoobe oo gacan ka helaya dowladda Kenya. 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com