Xog: Axmed Madoobe oo looga yeeray Muqdisho ( 2 qodob oo shaki abuuray)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed uu u yeeray Hoggaamiyaha Raaskambooni Axmed Madoobe oo iminka ku sugan Magaalada Kismaayo.

Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa la tilmaamayaa in Axmed Madoobe uu u qabtay muddo kooban inuu kusoo gaaro Magaalada Muqdisho, si kullan wada-xaajood ah ay Magaalada Muqdisho ugu wada yeeshaan Labada Hoggaamiye ee maalmo qura heshiis ah.

Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Col Barre Hiiraale uu Ra’isul wasaaraha Dalka u gudbiyay in inta badan Qodobada lagu soo bandhigay Shirka Kismaayo ee kala dhexeeyay Axmed Madoobe ay isku waafaqeen balse ay jiraan laba Qodob oo suuragalin karta in dib uu usoo laba kacleeyo Khilaafka kuwaasi oo uu ku sheegay Dhanka Ciidamadiisa iyo in qaab kale loo adeegsado Qodobada ay kuwada heshiiyeen.

Ra’isul wasaare C/weli ayaa waxaa iminka looga fadhiyaa inuu soo afmeero Khilaafka ka dhalan kara Labadaasi Qodob waxa uuna durbo amar ku bixiyay in Axmed Madoobe uu maalmo gudahooda kusoo gaaro Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, DF ayaa waxa ay mudooyinkaani si gaar ah u daneyneysaa Siyaasadaha kaga xiran Gobolada Dalka Somalia, xilli ay sannad qura ka harsan tahay goortii lagu ballamay doorashada dalka 2016.

Lama Oga Siyaasadaha gaarka ah ee soo dadajinaaya Heshiisyada iyo isu keenida Dhinacyada ku dagaalsanaa Kismaayo, wallow ay warar hoose sheegayaan in Arrinta isu soo dhaweynta ka dambeyso Dowlada Ethiopia oo daneyneysa Kismaayo.

barre-iyo-cabdiweli-1-1024x576

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com