Sawirro iyo xog: Fartaag oo Turkiga ku sugan iyo qorshe laga hor-istaagay !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Gen.Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubba iyo xubno ka tirsan Maamulkaasi, ayaa waxa ay booqasho ku joogan Magaaladda Ankara Dalka Turkiga.

Gen.Cabdullaahi Sheekh ismaaciil Fartaag iyo Xubnaha wehlinaaya ayaa la tilmaamayaa inay halkaasi u joogan Heshiisyo ay la galayaan Dowlada Turkiga oo iyadu wada Qorsho ay Kismaayo uga hirgalineyso Dhismooyin iyo Mashaariic kale oo aan lala socodsiin DF.

Fartaag iyo Xubnihiisa ayaa waxa ay sidoo kale, halkaasi kulla kulmeen Hogaanka  Siyaasada xisbiga AK party Haydal Ali xildhibaan Zafar Tahmaz iyo Maxamed Erdgan oo adeer u yahay Madaxweynaha Turkiga Erdogan.

Booqashada uu madxweyne ku-xigeenka Jubaland ku marayo dalka  Turkiga waxaa ku weheliya Cabdirisaaq Macalin oo ah wakiika Jubaland ee Turkiga.

Dhanka kale, Howlaha shaqo uu Fartaag u joogo Turkiga ayaa waxaa la tilmaamayaa inuu yahay mid lala baalmaray sharciga Dalka.

Fartaag ayaa waxa ay halkaasi isku arkeen Madaxweyne Xasan iyo Wafdigiisa, waxaana la soo warinayaa in Dowlada Turkiga lagu wargaliyay inaysan dowladda waxba kala socon qorshaha Fartaag, sidaa darteedna ayada oo aan la hadlin dowladda federaalka aysan Kismaayo waxba ka sameyn karin, taasi oo ay aqbashay.

Dowladda Somalia, ayaa waxa ay si kumeel-gaar ah u hakiyay in Shirkadaha Turkiga ay ka howlgalaan Magaalada Kismaayo inta mashaariicdaasi ay baaritaano kusoo sameyneyso Dowlada Federaalka.

Dhanka kale, labada wafdi oo ay kala hogaaminayeen Madaxweyne Xassan iyo Gen. Fartaag ayaa si kam ah ugu wada kulmay Halkaasi xilli Fartaag uu ku howlanaa fulinta Magaariic lala baalmaray sharciga Dalka iyo kan Gobolada ee u degsan DF.

CAASIMADA1CAASIMADA2CAASIMADA3CAASIMADA4

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com