Puntland oo dadka uga sugan Somaliland ku amartay in si degdeg ah ay ugu soo laabtan dhulkooda (Xiisad cusub)

Garoowe (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa goordhow amar ku bixiyay in ardayda iyo shaqsiyaadka kale ee kasoo jeeda deegaanada Puntland ay kasoo baxaan dhulka Somaliland.

Maamulka ayaa sheegay in ardayda iyo dadyowga kale ee deegaan ahaan kasoo jeeda Puntland kuna sugan deegaanada Somaliland la doonaayo inay dib ugu soo laabtan Puntland, isla markaana isaga soo baxaan Somaliland.

Wasiirka Arrimaha gudaha maamulka Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in Somaliland ay amar ku bixisay in la laayo dhammaan dhalinyaradda kasoo jeedda Somalia ee waxkabarata degaanada Somaliland.

Waxa uu sheegay inay heleen macluumaad muujinaaya in Somaliland ay dabino u maleegeyso gaar ahaan dadka kasoo jeeda deegaanada Puntland ee ku sugan dhulka Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in Deegaanada Soomaliland ay waxka bartaan arday gaaraysa 900 oo arday, waxa uuna tilmaamay in ardaydaasi ay Somaliland u maleegeyso qorshayaal dil, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka waxa uu gaar ahaan ardayda ugu baqay in ay ka soo tagaan oo ay ku soo laabtaa degaanada Puntland maadaama Soomaliland ay ku dhawaaqday in ay laynayaan Ardayda Jaamacadaha waxka barta, ayadoo laga Codsaday jaamacaha ardadaas waxka bartaaan in ay Simistarada u dhiman ay Puntland ugu soo wareejiyaan.

Haddalka Wasiirka ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Gudiga difaaca Puntland eedeymo badan u jeediyay Somaliland, wallow maamulka Biixi uu beeniyay eedeymahaasi.

Dhinaca kale, Somaliland ayaan weli ka hadal amarka kasoo bxay maamulka Puntland ee ardayda iyo dadka kale ee kasoo jeeda dhulka Puntland looga soo saarayo Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com