Mooshin laga diyaarinayo Kheyre kadib markii uu albaabada ka xirtay xildhibaano kala shaqeeyey ridisti Jawaari

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegeeysa in Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ay Muqdisho ka wadaan kulamo ay kaga soo horjeedaan Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre waxaana la ogaaday in qorshahooda ay qeyb ka tahay Dowlada Imaaraadka oo laga doonayo inay maalgaliso Mooshin culus oo laga diyaarinayo Ra’iisul wasaaraha.

Sida xogta lagu helayo Qaar ka mid ah Hotelada Muqdisho waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay kulamo ka dhan Ra’iisul wasaare Kheyre waxaana arintan ay ka dambeysay ka dib markii uu Albaabka ka xirtay Kheyre Xildhibaano badan oo sabab u ahaa inuu xilka iska casilo jawaari, waxayna ka caroodeen balanqaadyo uu u sameeyay Ra’iisul wasaaraha uu kaga baxay.

Waxaa la rumeysan yahay in Dowlada Imaaraadka ay  si dublumaasi ah ula socoto kulamadan Muqdisho ka socda, waxaana laga yaabaa inay fursad weyn u aragto Imaaraadka maadaama khilaaf xoog leh uu kala dhaxeeyo Madaxda Dowlada Soomaaliya.

Kulamada Xldhibaanadaan ayaa imaanayo kadib markii uu Ra’iisul wasaare Kheyre ku qasbanaaday inuu xiriirka u jaro Xilhibaanadan ka dib balanqaadyo uu sameeyay uu ku guul dareystay inuu fuliyo waxayna arintaasi keentay inay ugu hanjabaan in Mooshin ay xilka kaga qaadi doonaan.

Xukuumadda Xasan Cali Kheyre oo dagaal culus oo siyaasadeed la gashay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ballan qaadyo badan u sameysay Xildhibaano badan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana hadda muuqato inaan la qancin dhammaantood.

Waxaa xusid mudan in qaar ka tirsan Xildhibaanadii sida weyn ugu ogoleenayey ridista Jawaari la siiyey xilal wasiiro halka kuwa kalana aan waxba la siin, taasoo keentay inay xaaladda meel xun gaarto.

Waxaa horey u fashimay dhawr isku day oo lagu doonayey in mooshin looga keeno Ra’isulwasaare Kheyre oo u muuqdo inuu yahay Ra’isulwasaarihii ugu awoodda badnaa ee soo mara Soomaaliya, maadaaama uu taagero buuxda ka heysto Madaxweyne Farmaajo oo horey u ballan qaaday inuusan noqon doonin madaxweynayaashii Soomaaliya soo maray kuwaas oo 3 Ra’isulwasaare isku badalay.

Sida wararka hordhaca ah sheegayaan Xildhibaanada mooshinka diyaarinayo ayaa ah tiro yar oo aan dhameyn kooramka lagu qaban karo mooshin ka dhan ah Ra’isulwasaaraha Soomaaliya, waxaana Muqdisho ka socdo olole lagu doonayo in taageero loogu helayo mooshinkaas.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waa idinla socodsiin doonaa Insha Allah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com