Xog iyo gorfeyn: Waxbadan ka ogaaw heerka uu gaarsiisan yahay Guulaha & Dhaliilaha shirka Baydhabo

Shirkii Hogaamiyaasha Gobalada iyo Fedaraalka ee Madasha Amniga Qaranka ee ka socday 3 – 5 bishaan Magaalada Baydhabo ayey kasoo baxeen guulo la taaban karo kadib cabsi Somaalidu ka qabtay in lagu heshiin waayo, hab dhaqankii looga bartay Madaxda Gobalada, khilaaf u dhaxeeyay Fedaraalka iyo Gobalada qaar iyo faragelin shisheeye awgeed.

Lkn waxa uu kusoo dhamaaday guul aan la filayn oo mudan in la bogaadiyo in kasta oo ay jireen dhaliilo ka muuqday

War-murtiyeedka iyo heshiisyada ka soo baxay;

Guulaha la taaban karo ee shirka kasoo baxay waxaa ka mid ah;

1-In bilaw ilaa dhamaad uu ahaa mid Somaali keliya leedahay, kana madax-banaan fara gelin shisheeye.
2-Madaxwaynaha koofur-galbeed oo muujiyay mas’uuliyad qaran, abaabul wayn, dhex-dhexaadnimo iyo marti-gelin suuban.
3-Sedexda arrimood ee looga dooday shirka iyo go’aanada kasoo baxay oo abuuri kara rajo, yedidiilo iyo in la maro jidkii dawladnimada haddi laga dhabeeyo sida Amniga, Doorashada 2020 iyo Qeybsiga Khayraadka dalka.
4-Cabsidii laga qabay muda kororsiga Fedaraalka oo meesha ka baxday mar hadii la xadiday 2020, xitaa meesha laga saaray 6 dii bilood ee ay dawladii hore ku darsatay Agoosto 2016 – Janaayo 2017.
5-In aan loo noqon-doonin doorasha dadban iyo magacaabis dadban, lana aadi-doono doorasho cod iyo qof ah 2020, dalka oo dhanna ay ka dhici doonto.
6-In la qaatay nidaamka tartanka Xizbiyada badan iyo Liisaskooda, lagan guuray 4.5, Qabyaalad iyo Gobalaysi, loona guuray Xizbiyo iyo Afkaar Siyaasadeed.
7-Rajo laga qabo ka faa’iidaysiga khayraadka dalka, ka kaaftoomida kaalmada shisheeye iyo ka bixidda gaajada iyo dulaysiga haysta dadkeena.
8-Rajo laga qabo in aan hanano Amnigayna, iskana baxaan ciidamada shisheeye.
9-Rajo laga qabo wada jirka iyo wada shaqaynta Madaxda Fedaraalka iyo Gobalada si ay u yaraato ama meesha uga baxdo awooda mucaaradka dawladda iyo fursadaha ay ka sugayeen khilaafkooda.
10-Guddigii doorashada qaranka oo si buuxda loo aqoonsaday, lana madax baneeyay, loona fasaxay hawshoodii iyo Guddigii Dastuurka oo loo qabtay in ay hawsha ku soo dhamaystiraan sanadkaan 2018.

Dhaliilaha loo jeediyay Shirka iyo Madaxda ka qayb-gashay waxaa ka mid ah;

1-In ay weli ka muuqatay Madaxda is aaminid darro iyo kala jiid-jiidasho xilli dalku ku jiro xaalad adag oo amni, dhaqaale iyo bani-aadamnimo.
2-Awoodaha iyo Waajibaadka dawladda dhexe iyo gobalada oo aad la isugu qasay ayna adagtahay in la kala saaro si mid kasta goonidiisa loola xisaabtamo, lana moodo in ay simanyihiin oo aysan is hoos imaanayn sida: Madaxweyne-yaasha, Wasaaradaha Maaliyada, Amniga, Dastuurka, Khayraadka, Gudiyada Fedaraalka iyo Gobalada iwm.
3-Qodobada Heshiiska Amniga iyo Kharaadka oo mugdi badan ku jiro iskuna laalaabanaya, shakina laga qabo in loo fuli karo sida ay u qoranyihiin.
4-Dagaalka Tukaraq oo aan shirka looga hadlin xalna loo raadin.
5-Khilaafka Khaliijka iyo Qaraabka Madaxda Gobalada oo aan go’aan cad laga gaarin.
6-Dhaliilihii ay Madaxda Gobaladu horay ugu soo jeediyeen Fedraalka shirkoodii Baydhabo ee bishii hore oo aan laga hadlin xalna aan weli laga gaarin.
7-Mudada Xilka Madaxda Gobalada oo ku dhamaamaysa sanadkaan iyo kan xiga oo aan laga hadlin loona cadaynin dadka u diyaar garoobaya doorashada Gobalada.

Hadaba Heshiisyada iyo War-murtiyeedka Shika ka soo baxay waxa ay mudan yihiin in la soo dhaweeyo lana bogaadiyo, loona wada guntado sidii lagu hir-galin lahaa, horayna loogu socon lahaa iyo in loo duceeyo maalmahaan barakaysan Madaxda iyo Shacabka in Alle waafajiyo Talada iyo Tubta toosan ee Dawladnimada iyo Gobanimada.

W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)