Garoowe (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu dhaqdhaqaaq dagaal kawado deegaano ka kala tirsan gobollada Sool iyo Sanaag.
Ciidamo taabacsan maamulka Puntland ayaa saacadihii ugu danbeeyay lagu uruurinaayay deegaano ka tirsan Gobolada kuwaa oo la doonaayo inay ka hortagaan doorashooyinka maamulka Somaliland ee halkaa lagu qaban doono.
Ciidamada Puntland ee halkaa lagu uruurinaayo ayaa isniintii lasoo dhaafay la geeyay deegaanada ay hadda kaga sugan yihiin gobollada Sool iyo Sanaag.
Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo la hadlay warbaahinta, ayaa ku goodiyay inay weerar ku qaadi doonaan xarumaha la doonaayo in maamulka Somaliland ay ku qabsan doonaan codeynta, haddii aan faraha lagala bixin deegaanada hoostaga Puntland.
Qarjab ayaa sheegay in gobolladaasi ay yihiin kuwa hoostaga Puntland, isla markaana Somaliland ay dooneyso inay ka sameyso carqalad.
Wasiirka ayaa maamulka Somaliland ugu hanjabay dagaal haddii aysan joojin arrimaha doorashooyin ee ka soconaya gobollada Sool iyo Sanaag.
Waxa uu intaa ku daray in ay ka war hayaan in mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland imaadaan degaanno ka tirsan gobolladaasi si ay uga dhacdo doorashooyinka Somaliland la filayo inay ka qabsoomaan.
Dhinaca kale, Somaliland ayaa wadda diyaar garow ku aadan in gobollada Sool iyo Sanaag ay ka dhacdo doorashada maamulkaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]