Boqorka Sacuudiga oo qaaday talaabo lama filaan ku noqotay dowlada Qadar

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa shaaca ka qaaday in shacabka kasoo jeeda dalka Qadar ay ka qafiifin doonaan shuruudaha adag ee lagu xiray xiliga ay ku guda jiraan gudashada waajibaadkooda cibaado.

Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan Binu Cabdi Caziiz ayaa sheegtay in laga cafiyay xujeyda Qatar u dhalatay dhammaan waxyaabihii lagu xiri jiray sida marinta Salwa iyo amaro kale oo horay loo duldhigay.

Boqorka ayaa sheegay inuu jeebkiisa ka bixin doono dhaqaalaha ku baxaaya soo daabulida kumanaan kun oo Qadriyan ah kuwaa oo doonaayo inay soo gaaran dalka Sacuudiga.

Boqorka ayaa sheegay in magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar uu u diri doono diyaarado soo daabula Xujeyda u dhalatay Qatar, si ay u gutaan waajibaadkooda cibaado.

Boqorka ayaa tilmaamay in dowlada Sacuudiga ay culeyska Xajka ka dulqaaday Xujeyda Qadar, waxa uuna cod dheer ku sheegay in dadka Qadriyaanka ah loo fasaxay Xajka, sida ay qortay wakaaladda wararka Sacuudi Carabiya.

Dowladda Qatar ayaa waxay ku eedeysay Sacuudiga dabayaaqadii bishii dhamaatay in ay carqaladeyneyso arrimaha xajka si ay u soo gutaan muwaadiniinta u dhalatay Qatar acmaasha xajka.

Talaabadan ayaa soo jiidatay dowladaha Khaliijka, waxaana lagu tilmaamay inay tahay talaabo sahleysa in xal laga gaaro Khilaafka Khaliijka, walow Qadar qudheeda ay la fajacday.

Geesta kale, dowlada Qadar ayaan weli ka hadal isbedelka ku imaaday dowlada Sacuudiga oo horay u mamnuucday in dadka Qadriyaanka ah ay usoo xaj doontaan Sacuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com