PUNTLAND oo eedeyn halis ah u jeedisay FARMAAJO

Garoowe (Caasimada Online) – Afhayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac Deperani oo qoraal soo geliyey boggiisa Twitter-ka ayaa ka hadlay sawir gacmeed muran badan dhaliyey oo uu sameeyey farshaxaniistaha caanka ah ee Amiir Caamir, kaas oo u ekaysiiyay madaxweyne Deni oo gacantiisa ku tooganaya dad ku qaylinaya in aysan aheyn Shabaab.

Jaamac Deperani ayaa ku eedeeyey in sawirkaas soo saaritaankiisa uu lacag fara badan ku bixiyey madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), wuxuuna tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay arrintaasi.

Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray in tani ay muujineyso in madaxweyne Farmaajo uu lacag ku bixinayo dacaayad ku salaysan difaacidda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Dalkan in khatar laga badbaadiyay wuxuu qof walba ogaanaya markuu arko Madaxweynihii wakhtigiisu dhammaaday oo Lacag ku bixinaya Alshabaab danbi qirtay oo xukun lagu fuliyey, in lagu difaaco dacaayad ku suntan Sawir-gacmeed! iyadoo laga beensheegayo xogta argagixisada la toogtay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Jaamac Deperani.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in sawir gacmeedkaas looga been sheegay xogta ku saabsan 18 nin oo dhowaan Puntland ku fulisay xukun dil toogasho ah, kadib markii lagu helay in ay ka tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay Puntland toogasho wadareed ku fulisay rag ay ku eedeysay inay yihiin Al-Shabaab waxaa si aad ah u soo baxayey hadal-heyn ku aadan raggaasi oo qaarkood ehelladooda ay sheegeen inay tirsanayaan cadaalad darro.

Puntland oo dagaal adag kula jirta Al-Shabaab iyo Daacish oo ku xoogan dhulka buuraleyda ah ayaa muddooyinkii dambe kordhisay howl-galada ka dhanka ah kooxahaasi.