PUNTLAND oo soo saartay fariin ku saabsan ra’iisul wasaaraha la magacaabayo

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland oo xalay Gaalkacyo uga qeyb-galay munaasabadda xuska 22-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Puntland ee 1-da August ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, sida magacaabida ra’iisul wasaaraha cusub iyo xaaladda guud ee dalka uu marayo xilligan kala guurka ah.

Siciid Deni ayaa marka hore shaaciyey in Puntland aysan raali ka aheyn ansixintii golaha adeegga gasoorka iyo hay’adda batroolka, wuxuuna tilmaamay in dowladda federaalka ah Soomaaliya laga rabo in bilaha yar ee u haray aynan isku mashquulin arrimahaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan ra’iisul wasaaraha la soo magacaabi doono kaliya laga rabo inuu dalka doorasho geliyo.

“Arrinta ku saabsan kheyraadka oo Batroolka iyadana yaa lagu kadsoomin caalamka waxaa u sheegayaa Hantida Soomaaliyeed oo heshiis ku aheyn cidii gadata ayadaa mas’uul ka ah, Puntland horay u sheegtay xeerkaas kama tirsana, guddiga la sheegayay cid kuma darsan, dowladda hada 3-da bilood u hartay shuruucdaas inay inay isku mashquuliyaan ma ahan xataa dowlad rasmi ah ama Ra’iisul wasaaraha soo magacaabaan, muddo xileedka yar ee u dhiman waxaa laga rabaa inay dalka doorasho geliyaan, wax kale inay waqti ku dhimaan lagama rabo, arrintaas waa farriin cad oo aan rabo inaan dowladda Federaalka u diro.”ayuu yiri Madaxweyne Siciid C/laahi Deni.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay madaxda dowladda dhexe inay ilaaliyaan Dastuurka iyo shuruucda kale ee u taalla dalka.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyada oo dhowaan golaha wasiirada Soomaaliya ay asixiyeen golaha adeega garsoorka, taas oo si weyn loogu dhaleeceeyey dowladda dhexe.