PUNTLAND oo fashilisay qorshe uu deegaanadeeda ka waday taliye XIJAAR – Xog

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa lagu soo warramayaa inay ogaatay, kadibna ay fashilisay qorshe gaar ah oo uu deegaanada maamulkaas ka lahaa taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Wararka ayaa sheegaya in Xijaar uu bilaabay in dhalinyaro kasoo jeedo beeshiisa uu ka qorto magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle, si loogu tababaro Booliiska Soomaaliya.

Dhalinyaradaas oo la sheegay inay kor u dhaafayaan illaa boqol ayaa saraakiil ka tirsan Puntland waxa ay shaaciyeen in lagu diiwaan-gelisay xarun laga sameeyey Buuhoodle.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhalinyaradaasi qaarkood loo qaaday Kulliyadda ciidanka ee Carmo, halka kuwa kalena Puntland ay ku xirtay magaalooyinka Garoowe iyo Laascaanood, xilli ay halkaasi ku marayeen socdaal dhuumasho ah.

Puntland ayaa sidoo kale ku guuleysatay in ay dib u soo celiso ku dhowaad 30 dhalinyaro ah oo la geeyey kuliyadda Carmo, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan maamulkaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ayaa shaki weyn ka muujisay ciidamadaasi iyo sababta keentay in hal beel laga qoro, si ay ugu biiraan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ku aadan arrinta dhalinyaradaasi.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa horay Puntland iyo Somaliland uga qoratay dhalinyaro ka soo jeeda deegaanadaasi, kuna biiray ciidamada Soomaaliyeed.