Puntland oo caalamka ‘ula macaamileysa si gaar ah’

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa durba billowday gaar ula macaamilka caalamka, kadib markii ay dhawaan ku dhawaaqday inay aqoonsigii iyo kalsoonidii kala laabatay hay’addaha dowladda federaalka.

Puntland ayaa markaas madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeysay inuu buriyay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, islamarkaana uu jeebkiisa kala soo baxay dastuur cusub.

Maamulka Garoowe oo go’aankaasi ka duulaya ayaa waxay magaalada Nairobi uga qeyb-gashay shir u dhaxeeya Puntland iyo beesha caalamka, kaasi oo heer wasiir ah.

Kulankan oo uu shir-guddoomiyey wasiirka qorsheynta Puntland Daa’uud Maxamed Cumar ayaa qeyb ka ah macaamilka gaarka ah ee Puntland ay sida tooska ah ula yeelaneyso caalamka.

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta, iyadoo wafdigu la wadaagay beesha caalamka buuga qorshaha dowladda, ayada oo shirku kusoo dhammaaday jawi wanaagsan, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay maamulka Puntland.

Wakiillada beesha caalamka ka socday ee shirka ka qeyb-galay ayaa waxaa kamid ah USA, UK, EU, Norway, Sweden, Denmark, Switzerland, Netherlands iyo SSF.

Halka dhinaca maamulka Puntland uu kulanka uga qeyb-galay wasiirka beeraha, wasiirka deegaanka iyo isbedelka cimilada, wasiirka kalluumeysiga, agaasimaha guud ee Madaxtooyada iyo xubno kamid ah guddiga ganacsiga Puntland.

Si kastaba, Maamulka Puntland iyo dowladda federaalka oo muddooyinkii dambe uu khilaaf xooggan u dhaxeeyay ayaa dhawaan sii kala furtay kadib markii maamulka uu meel adag iska taagtay wax ka beddelka dastuurka ee meel-marka noqday.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada?